Arrimaha Ay Hore Go’aamo Uga Soo Saareen Baarlamaanka Soomaaliya Ee Aanay Waxba Ka Socon

32
3371

Hargeysa(Geeska)-Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu Isniintii ansixiyay in shirkadda DP world ay ka mamnuuceen inay ka shaqayso Soomaaliya, iyagoo u jeeda inaanay shirkadda DP world ka shaqayn karin Jamhuuriyadda Somaliland oo xorriyadeeda Soomaaliya kala soo noqotay sannadkii 1991.

Go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ee ka dhanka ah DP world ayaa u muuqda mid laab-lakac ah oo aan shaqayn karin, waxaanay shacabka Somaliland dhawaaqaas Baarlamaanka Soomaaliya u arkeen mid hadal la iska yidhi ah oo aan macno lahayn. Laakiin wuxuu qodobkani laakiin ku biirayaa qodobadii hore ee ay Baarlamaanka Soomaaliya go’aamiyeen ee aan shaqayn. Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qodobo uu baarlamaanka Soomaaliya sannadihii u dambeeyay gaadhay oo khuseeyay Soomaaliya oo aan dhammaantood hirgelin. Bal u fiirso qodobadan

  1. Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ansixiyay in ciidamada Kenya ka baxaan Somaaliya, laakiin ilaa hadda ciidamada Kenya way joogaan Soomaaliya
  2. Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ansixiyay inaanay wadamada safka hore ee Kenya, Itoobiya iyo Djibouti aanay ciidamadoodu soo gelin Soomaaliya, Laakiin dalalkan ciidamadoodu waaba kuwa ugu horeeya ee Soomaaliya jooga.
  3. Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ansixiyay inuu sharci darro ahaa heshiiska 2013 shirkadda Favori LLc loogu gacan geliyay madaarka Muqdisho. Laakiin shirkadii Favori ilaa hadda way shaqaysaa.
  4. Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ansixiyay in Baarlamaanka cusub ee maamulka Jubaland uu yahay sharci darro laakiin ilaa hadda si sharci ayuu u shaqeeyaa baarlamaakaasi waana kuwa doortay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
  5. Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ansixiyay in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya, laakiin taasina ma dhicin

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here