Ardayda Kaalmaha Hore Ka Gasha Imtixaanaadka Oo Noqday Kuwa Diinta Ku Wanaagsan

0
972

Picture4Hargeysa(Geeska):-Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa daboolka ka qaaday  in ardayda waxbarashada Maadiga ah ku fiicani ay yihiin kuwa markoodi hore si fiican u soo bartay aqoonta Cilmiga Diiniga ah.waxaana uu carabka ku dhuftay in ay sida oo kale ay ogaadeen in ardayda Kaalmaha hore gasha ay yihiin kuwa diinta ku fiican halka kuwa kale ee Imtixaanadka darajooyinka hoose ka keena ay iyaguna yihiin kuwa aan aqoon fiican u lahayn dhanka Cilmiga Diiniga ah.

Daa’uud Axmed Faarax Ayaa hadalkan ka sheegay mar uu la hadlaayey qaar kamida warbaahinta, waxaa uu sheegay in ay arrintan ku ogaadeen kadib daraasad ay ku sameeyeen ardayda wax kabarata Dugsiyada Maadiga ah.Isaga oo carabka ku adkeeyey in aanay waxba ka jirin in barashada diintu ay ardayda dib udhigto wax barashadooda.

"Ogaanay Ogaanayoo Xafiiska Imtixaanadku daraasad ayaa uu Sameeyey dadka ugu wanaagsan marka aan runta idiin sheegno,ardayda Inanka ugu wanaagsan Chemistry ama inanta ugu wanaagsan Sayniska waa kuwa Diinta ugu wanaagsan, ,Walaahi Ardayba ardayga uu kaga fiican yahay Diinta ayaa uu ta maadigana uu kaga fiican yahay arrintaas waanu tijaabinay oo daraasad ayaanu samaynay,qolada waxaanu eegnay xaga danbaynta ee u badisa xaga "D" waa qolo inta badan Jiska Cama aan dhamayn"Ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax.