Hargeysa (Geeska)-Ardayda ka qalin-jabisay Kuulliyada Shareecada iyo Daraasadka Islaamka ee Jaamacada Golis faraceeda magaalada Hargaysa oo ah 144 arday oo iskugu jira Inamo iyo Hablo ayaa Munaasibad balaadhan oo si balaadhan loo soo agaasimay oo ay ugu mahadcelinayaan kuna maamuusayaan Macalimiintii wax soo baray ku qabteen Safaari Hotel ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibadan ayaana waxa ka soo qayb galay Wasiirka cadaaladda Axmed Faarax Cade, Guddoomiyaha guud ee Jaamacaddaha Gollis, Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Maroodi-jeex, Hormuudka Kulliyada Shareecada ee Jaamacadaasi, Salaadiin, Culimo, ardayda qalin-jabisay iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyntii waxa halkaasi ka hadlay Mubaarig Muxumed Cali oo ka mid ah ardayda ka qalin-jabisay kuulliyada shareecada ee Jaamacada Golis isla markaana ahaa Guddoomiyihii Guddida qaban-qaabada munaasibadan waxaana uu ka waramay ujeedada ay u qabteen munaasibadan waxaana uu yidhi:-“Hadafka iyo ujeedada loo qabtay munaasibadani saddex qoddob weeyaan , qoddobka ugu horeeya ee ardayda baxday ay munaasibadan u soo abaabuleen waxa ay tahay in macalimiintii saddexda sanno hiil iyo hooba la taagnaa ,aqoontii ay xambaarsanaayeen ka tuujistay in ay uga mahadceliyaan , waalidkoodii garab taagnaana ay tusaan farxada ay soo gaadheen iyo meeqaamka sare , ujeedada labaad ee aanu u soo qaban-qaabinay munaasibadani waxa ay tahay in ardayda jaamacada dhiganaysa aanu ku dhiiri-galino heerka kuwani ay maanta soo gaadheen , ujeedada saddexaadna waxa weeyaan in bulshadayada aanu tusno in wadanka ay taalo aqoon lagaga kaaftoomi karayo mid aad meel kale u raadiso”.
Maxamuud Sheekh Yuusuf Maxamed iyo Khadar Cabdilaahi oo ku hadlayey afka ardayda qalin-jabisay oo munaasibadaasi iyaguna ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan u jeediyey macalimiintii muddadii ay wax ka baranayeen kulliyada shareecada ee jaamacada Golis wax u dhigaysay waxaana Maxamuud Sheekh Yuusuf Maxamed oo halkaasi kalmad soomaali ah ka jeediyey uu yidhi:-“Aniga oo ku hadlaya magaca ardayda qalin-jabisay inamo iyo hablaba waxa aanu halkan uga mahadnaqaynaa macalimiintayada, culimadayada muddada dheer nagu soo tabcaysay ee aanu iyaga sababtood aanu ku soo gaadhnay marxaladan aanu hadda taaganahay,waxa aanan ilaawi karin oo aan qalbigayaga ka bixi karin wakhtigooda ay noo hureen , cilmigooda ay noo hureen , waxaanan ilaawi karim saddex qoddob oo aanan ka badbaadneen ilaahay ka sokow oo ay sabab noogu noqdeen , qoddobka koowaad waxa weeye in aanu ka mid noqono qolada sida khaldan diinta u fahantay, ilaahay cid aan ahayna bariday, qoddobkana labaadna waa inaanan qawadin ama aanan saluugin wadanka ilaahay nagu dhaliyey iyo madaxda ilaahay xukunka noogu dhiibay, ka saddexaad ee ay sababta noogu noqdeen waxa weeye in aanan ka mid noqon qolada wadankoodu saluugtay ee u hanqal taagtay wadan gaalo”.
Sheekh Cabdilaahi Makaawi oo ka mid ah culimada dalka oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in ay tahay wax aad loogu farxo in la helo arday si xeel dheer u baratay shareecada islaamka , isagoo xusay in barashada cilmiga shareecadu yahay dariiqa kaliya ee lagu gaadhi karo guul dhinac kasta ah.
Maxamed Axmed Kaamil oo Guddoomiyaha Ururka ay ku bahoobeen araydii ka baxday kuulliyada sharciga ee jaamacada Golis oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabaha loo aas-aasay ururkan oo uu sheegay in ay ugu mudan yihiin isku xidhka ardayda ka baxda kulliyada sharciga si looga warqabo loona ogaado arday kastaa halka uu ku sugan yahay iyo halka uu marinayo korodhsiga waxbarashada , sidoo kale waxa uu xusay in ururkoodu ka shaqayeeya dhinaca wacyigalinta bulshada iyagoo muddadii ay jireen bulshada u gudbiyey wacyigalino badan oo la xidhiidha qaadka iyo qabyaalada.
Sheekh Muuse Maxamed Cabdiraxmaan(Tarax) oo ah hormuudka Kulliyada Shareecada iyo Luqada Carabiga ee Jaamacada Golis oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay maraaxilkii ay soo martay kulliyada shareecada ee jaamacada golis oo uu sheegay in la aas-aasay sannadkii 2011, waxa uu dardaaran u jeediyey ardayda qalin-jabisay waxaana uu yidhi:-“waxa aan kula dar-daarmayaa ardayda cilmigii hadda ayuubaad qaybtii koowaad gasheen,hadda halkii aad ku kala baxayseen ayaad taagan tihiin ,qofka markaa cilmiga jaamacadbaan ka baxay uun u dhiganayey iyo qofka cilmiga aqoon ahaan u dhiganayey halkii ay ku kala baxayeen ayaad taagan tihiin , waxa laydinka doonayaa in aad cilmiga sii wadaan ,qofku mar kasta oo uu cilmiga sii wato waxa uu ogaanaa in aanu waxba garanayn ileyn cilmigu ma dhamaadee”.
Guddoomiyaha Jaamacada Golis Dr Siciid Maxamed Xasan oo isna munaasibadaasi hadal dheer ka jeediyey ayaa ardayda qalin-jabisay kula dardaarmay in aqoonta la baray ay gudbiyaan oo ay uga faaideeyaan bulshada inteeda kale ee u baahan waxaana uu yidhi:-“waxa aan jecelahay in aan idinkula taliyo in aad ku taagnaataan sharafta iyo edebta iyo wanaaga aad halkan ka barateen,cilmiga aad barateena in aydaan isku baran idinku, in aydaan u baran in aad lacag iyo wax ku heshaan , inaad u barataan in dacwada islaamka aad fidisaan oo dacwadaas wanaagsan ee aad barateen iyo manhajkaas wanaagsan aad fidisaan ayaan idinkula talin lahaa”.
Sidoo kale waxa Munaasibadaas ka hadlay Suldaan Maxamed Cabdi Cabdilaahi waxaanu dhiirigelin iyo waano u soo jeediyey Ardaydan qalan jabisay, waxaanu kula taliyey inay halkaas dadaalka ka sii wadaan.
Abu Rajaa Maxamuud Abu Bakar oo ka mid ah Garsoorayaasha ka hawl-gala Maxkamada Degmada Hargaysa horena uga baxay Kulliyada Sharciga ee jaamacada Golis waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la helo dhalinyaro aqoon u leh shareecada islaamka si ay Bulshada wax uga badelaan,
Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Mudane Axmed Faarax Cadare oo soo xidhay munaasibadaasi ayaa sheegay in ardayda barata shareecada islaamku ay hormuud u yihiin dadka la rabo in ay ka shaqeeyaan cadaalada wadanka isagoo bogaadiyey ardayda ka baxday kulliyada sharciga ee jaamacada golis waxaana uu yidhi:-“laba farxadood ayey ii tahay waa mare in qaybtii shareecadu lodkii saddexaad uu qalin-jabiyo waa ta labaade in aqlabiyada ugu badani ay tahay haween , waxa mar kale ii farxad ah in aniga oo ah wasiirka cadaalada in aydin barateen soona qalin-jabiseen qaybtii ugu muhiimsanayd ee qarankani ugu baahida badnaa , waxa aad la socotaan jamhuuriyada somaliland qoddobka ugu horeeya ee distuurkeedu in uu yahay in laysku xukumo shareecada islaamka ,halkaas idinkaa iska leh , ha gabina , kaalintaasi way banaan tahay ,laydin kama laha”.
Ugu dambeyntii waxa ay ardaydu munaasibadaasi shahaado sharafyo ku guddoonsiiyeen Guddoomiyaha Maxkamada Sare, Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Maroodi-jeex, Guddoomiyaha Jaamacada Golis, Hormuudka Kulliyada Shareecada ee Jaamacada Golis, Ardaydii ugu sareeyey sannadkan kulliyada, hooyo iyo inankeedii oo kulliyada ka wada qalin-jabiyey iyo qaar ka mid ah Macalimiinta kulliyada wax ka dhiga iyo ardayda qalin-jabisay qaarkood kuwaasi oo gacan ka gaystay hawsha qaban-qaabada munaasibada, waxaana isla munaasibaas lagu soo bandhigay laba Buug oo mid yahay Buug ay qoreen Hablaha ka qalan jabiyey Kulliyadda Sharaceeda iyo Buug ay qoreen Ururka isku xidhka Ardayda.