Waa qoraallo wacyi-gelin ah oo ay iska kaashadeen Komishanka Qaranka ee Mihnadaha Caafimaadka (NHPC) iyo Wargeyska Geeska Afrika… Q:6aad Hargeysa (Geeska)- Culimada Muslimiintu waxa ay isku waafaqsan yihiin in dhibaatada uu geysto dhakhtarka aan loo raacayn haddii uu buuxiyo shuruudaha shareecadu u dhigtay oo ay ka mid yihiin shantani: 1. Waa in uu aqoon fiican oo looga marag kacay u leeyahay mihnadda caafimaadka. 2. In dhakhtarku uu fasax iyo ogolaanshiyo ka haysto ruuxa leh dhiigga qofka buka. 3. In haddii ay caafimaad ahaan suurtogal tahay in uu hadlo qofka bukaa isagana uu dhakhtarku u sheego waxa uu ka qabanayo kana qaato ogolaanshiyo. 4. In dhakhtarku uu ku shaqeeyo si waafaqsan xeerarka iyo dariiqada cilmi iyo sharci ee loo maro daweynta bukaanka. 5. In dhakhtarka ama mihnadlaha caafimaad ee kale aanu ku dhicin qalad ay caddahay in masuuliyad darro iyo dayacaad uu ku yimi. Shuruudahani waa kuwo dan u ah mihnadlaha caafimaad iyo qofka uu daweynayo labadaba, waxa aanay ka hortagayaan in dhakhtarka ama mihnadlaha caafimaad loo qabsado dhib ku timid wax ka baxsan awooddiisa, aqoontiisa iyo daryeelkiisa, isla markaana waxa ay ilaalinaysaa xuquuqda qofka buka oo laga dhowrayo in ay ku dhacdo dhib ku timid aqoon darrada ruuxa uu naftiisa ku aaminay, ama dayacaad iyo daryeel xumo kaga timid mihnadlaha iyo rugta caafimaad ee uu yimi. Waana habka cadaaladdu ku dheehan tahay ee ay ku dhisan tahay shareecadeenna Islaamka oo dhowraysa xuquuqda labada dhinacba. Si kastaba ha ahaato ee waaqaca dunida maanta ka jira oo ay ka mid tahay jaamacadihii iyo xarumihii barashada caafimaadka oo batay sidaa awgeed ay adag tahay in ruuxa lagu beeniyo ama la xaqiijiyo shahaadada caafimaad ee uu sito, Dunidii oo isu furantay oo keentay in dad kala af, dhaqan iyo diin ahi isu tallaabaan isla markaana kala shaqaystaan, taasina ay keentay in dalka ay yimaaddaan dhakhaatiir ka timid dalal aynaan xidhiidh toos ah la’ lahayn ama cid badani xog ka haynin heerka aqoontooda iyo xaqiiqada aqoontooda, dadkii oo batay, amaanadii iyo daacadnimadii oo yaraatay iyo duruufo badan oo aynaan halkan ku soo koobi karayn ayaa keenay in ay soo baxaan dad aad u tiro badan oo sheeganaya aqoonta mihnado aan caafimaadka oo keliya ahayn oo aanay u lahayn aqoon buuxda, iyo anshaxii iyo akhlaaqdii waajibka ku ahaa mihnadlaha caafimaadka oo luntay. Taasina waxa ay keentay cudurradii oo sii bata, si aad ahna u faafa, caafimaadkii oo sii xumaada iyo dadkii oo si joogto ah ugu dhinta xanuunno laga yaabo in si sahal ah loo daweyn kari lahaa. Dhakhtarkii oo sheeganaya takhasus aanu lahayn ama aqoontiisii oo weli gaaban ayaa galaafata malaayiin dad ah, waxaana lumay damiirkii tusi lahaa mihnadlaha caafimaadka in bukaankan u yimi ay naftiisu ammaano ku tahay, adduunka in lagula xisaabtamaa ay waajib tahay, aakhiro in Allihii naftan abuurtay kala xisaabtami doonaana ay biyo kama dhibcaan tahay. Waxaa xaqiiqo ah in dhakhtarka ama mihnadlaha caafimaad ee uu ruux bukaan ahi ku dhinto iyada oo ay jiraan sababaha aynu kor ku soo xusnay in ruuxda qofkaas dhintay ay Allihii abuuray la hor tegi doonto ashkhato cad oo ah dulmi ay ka tirsanayso gaabiska ama aqoon darrada mihnadlaha caafimaad. Tiirarka fiqiga Islaamku dhammaantood waxa ay waajib ka dhigayaan in mihnadlayaasha caafimaad ee sidan u dhaqmaa ay dusha u ridanayaan masuuliyadda dhimashada ama dhaawaca ah ee soo gaadha bukaanka. Iyo in mihnadlaha caafimaad ee qaabkaas u mara daweynta dadku aanu ka baxsanayn ciqaabta Alle ee maalinta addoomaha uu Rabbiga abuuray la xisaabtamayo, taas oo macnaheedu yahay in ciqaabta adduunyada lagu mariyo ee mag ama ganaax kale ahi aanay ka furanayn dembiga uu ka galay ruuxa uu u sheegtay mihnadda caafimaad ee aanu waxba ka garanayn ama takhasuska aanu lahayn. Shanta shardi ee aynu kor ku xusnay marka aynu ka soo qaadanno kuwa sida gaarka ah u taabanaya mawduuceenan oo ah qodobka ugu horreeya ee ah; 1. Waa in uu aqoon fiican oo looga marag kacay u leeyahay mihnadda caafimaadka. Iyo qodobka Afaraad ee ah; 4. In dhakhtarku uu ku shaqeeyo si waafaqsan xeerarka iyo dariiqada cilmi iyo sharci ee loo maro daweynta bukaanka. Waxa ay muujinayaan sida aanay shareecada Islaamku u ogolayn in qofka buka dhib loo geysto, sidoo kale waxa ay dhowraysaa xuquuqda mihnadlaha caafimaad oo bilowgaba inta aanu hawshan gelin ay xasuusinayso waajibaadka laga rabo iyo shuruudda ku xidhan hawsha uu u soo xamaam urursaday. Sida ku cad xadiis laga soo tebiyo nebi Muxammed (SCW) oo sheegaya in ruuxa iska dhiga dhakhtar, isaga oo aan dhakhtar ahayn dhibta uu geysto ama qofka u dhinta hawshii daweynta ahayd ee uu waday, in lagu leeyahay magta qofkaas ku dhintay. Taas oo macnaheedu yahay in aanu saxeex iyo ogolaanshiyo hore waxba ka tarayn, haddii aan la xaqijin in qofkani caafimaadka aqoon u leeyahay, oo weliba si gaar ah uu leeyahay takhasuska xaaladda caafimaad ee qofkan uu u dabiibayo. Iimaamkii weynaa ee Khadaabi (AHUN) oo ka mid ahaa culimada aad wax uga qortay xadiiska ayaa isna laga soo xigtay in uu yidhi “Culimadu iskuma khilaafsana, haddii qofka wax daweynayaa uu xad-gudub sameeyo oo uu sidaas bukaanku ku wax yeelloobo in lagu leeyahay magtiisa (Xaqiisa) qofka cilmi aanu lahayn sheegtaana waxa uun uu la mid yahay qof xad gudbay” Waa duruus kooban oo ina tusaysa in shareecada Islaamku ay hore uga hadashay arrimaha ay xeerarka iyo shuruucda casriga ahi hadda baadhaan ee la xidhiidha dhinaca masuuliyadaha mihnadaha iyo mihnadlaha caafimaadka, si loo ilaaliyo xuquuqda dhakhtarka isla markaana loo dhowro nafta iyo nolosha mustaqbalka ee qofka buka, loona dhiirri geliyo horumarinta cilmiga caafimaadka. Culimada ku xeel dheer fiqiga Islaamkuna iskuma khilaafsana in ay waajib tahay in shaqada loo diido dhakhtarka aanay aqoontiisu gaadhsiisnayn heerkii uu mihnadda caafimaadka ku ugudan lahaa si habsami ah, ama mihnadlaha caafimaad ee doonaya in uu qabto waajibaad aan ahayn kii aqoontiisa uu lahaa ama takhasuskiisa ahaa. Sidoo kale waxa ay culimadu isku waafaqsan yihiin in qofka dhakhtarnimo sheegta ee qofka bukaanka ah ee naftiisa ku aaminay mihnaddan uu sheegtay awgeed uu dhinto ama dhibaato soo gaadho, in ay mihnadlahaas caafimaad ku waajibayso in uu iska bixiyo magta qofkaas ku dhintay ama xaqa dhaawaca uu gaadhsiiyey mudan yahay. Xukunka keliya ee ay culimadani ka khafiifiyeen mihnadlahan sheegtay shaqada caafimaadka ee aanu aqoonteeda lahayni waa in aan loo dilayn qofkaas uu galaaftay, maadaama oo ruuxan bukaanka ahaa ee ku dhintay qudhiisu uu ogolaa ama cidda dhiiggiisa lihi ogolayd dhakhtarkuna aanu fasax la’aan hawshaas ku gelin. Iyada oo ay sidaas tahay haddana waxaa weli jira culimo aaminsan in haddiiba qofkan bukaanka ahi sababta uu dhakhtarkan ku aaminay ay tahay aqoon uu u leeyahay xanuunka uu dabiibkiisa ka doonayo, tusaale ahaan dhakhtarku uu gabadha u sheego in uu ku xeel dheer yahay cudurrada haweenka isaga oo ah dhakhtar ku takhasusay uur ku jirta, markaas xukunku waa uu is beddelayaa oo waxaa meesha soo gelaysa in qofkan bukaanka ah ee ku dhintay la khiyaameeyey. La soco qayb kale oo isla mawduucan taabanaysa iyo cadadka Axadda Haddii Rabbi xukmo…
|