Hargeysa (Geeska)-Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani, iyo Xildihbaan ka mid ah Golaha Wakiilada, gaar ahaana ah Xildhibaan ka mid ah Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey baaqa Beesha Caalamka uga imanaya Xukuumadda, muddo kordhinta ay Guurtidu u sameeysay Xukuumadda iyo gogosha ay Madaxtooyadu u fidisay Xisbiyada Mucaaradka.
Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaki),oo ah Xildhibaan Golaha Wakiilada ka tirsan XIsbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, Xoghayaha Guud ee XIsbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdillaahi (Uur-cadde),Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka ee Xisbiga UCID Cabdiqani Ibraahim Salaf (Kabtanka),oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey aragtidooda ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan, ayaa ugu horeyn Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdillaahi (Uur-cadde), oo ugu horeyn aanu ka wax ka weydiinay sida u arko muddo kordhinta Xukuumadda loo sameeyey, baaqa Beesha Caalamka iyo waxa uu ka filayo Gogosha ay Xukuumaddu ugu baaqday Mucaaradka ayaa yidhi “Muddo kordhintii ay Guurtidu sameeysay, sharci may ahayn, dhibaato dalka ka jirtaana ma jirto, dalkanu waxa uu u baahan yahay in Doorasho la galo, waxaana hawsha Doorashooyinka loo doortay Komishan, oo cayimi kara wakhtiga ay Doorasho dhici karto, waxayna Komishanku sababo badan dartood muddo Sannad ah ku cayimeen inay qabanayaan Doorashada Madaxweynaha iyo Doorashada Wakiilada, Guurtidu dhibaato dalka ka dhacday oo muddo kordhin ay ku sameeyaan may oolin, waxaad se mooda inay danaysteen oo ay iyagu kordhisteen, Xukuumaddana u kordhiyeen, Guurtiduna Doorasho ma doonayso ee muddo kordhin ayey doonaysaa, waxaana hadalkooda ka muuqday wakhtiga ay Komishanku cayimeen waanu laalnay”.
Xogyahaya Guud ee Xisbiiga Waddani mar uu ka hadlaayey sida uu arkoo baaqa Beesha Caalamka ayaa yidhi “24-Sanno ayeynu xor ahayn, muddadaasba waxa aynu ku dadaalnay inaynu xidhiidh fiican la yeelano Caalamka iyo Wadamada aynu jaarka nahay, waxaas oo dhanba waxa ku tumatay Xukuumaddan, oo wax ay tixgelinayso, wax ay xeerinayso iyo wax ay eegayso ma jiraan, waxaanad mooda in Xukuumaddani la dagaalmayso Dimuqraadiyadii iyo Nabadii ay Beesha Caalamku inagu tixgelinayeen.
Muddo dheer ayey inagu qaadatay haddii aynu nahay Somaliland sidii aynu indhaha caalamka ay waxa inoola qaban lahaayeen, laakiin Xukuumadda Siillaanyo iyo Golaha Guurtidu waxa ay isku xulufaysteen inay Beesha Caalamka dhabarka u sii jeediyaan, Somaliland god madaw ugu ridaan”.
Xoghayaha Waddani mar uu ka hadlaayey sida uu arko Gogosha ay Madaxtooyadu fidisay ayaa yidhi “Waxa aanu eegi doona Ajandayaasha laga hadlaaya waxa ay yihiin, anagu marnaba ogolaan mayno waxa la yidhaahdo Sanad iyo Toban Bilood oo Xukuumaddan iyo Wakiilada loo kordhiyey, waayo cadaalad ayaanay ahayn, muhiimadaydu maaha in Xisbiga Waddani kursiga helo, laakiin muhiimadaydu waa inay Dimuqraadiyadu shaqayso, dalkuna horumar gaadho, waxa laga wada hadli karaa oo qudha waa muddo kordhinta iyo cidii dalka Doorasho gaadhsiin lahayd, madaama Xukuumaddani wakhtigeedii dhacay”.
Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaki), ayaa isna dhankiisa ka difaacay dhaliilaha loo soo jeediyo Xukuumadda, waxaanu tilmaamay in go’aankii ay Guurtidu muddo kordhinta ugu sameeysay Xukuumadda inuu sax ahaa, sharciga waafaqsan, waxaanu yidhi “Muddo kordhintu waxa cusub maaha, ee waa wax hor u jiri jiray, Dastuur ayeynu leenahay wax walba qeexay,Dasturkaas ayaana loo maray, waana Sune aynu ku dhaqmi jirnay.
Ta kale waxa jira Xidhibaano ka tirsan Wakiilada ee iyagu ka soo hor jeeda muddo kordhinta, waxa aan leeyahay haddii aad ka soo hor jeedaan iskaga baxa Golaha, hana noqina xaydha jecli beerka jecli, ”.
Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaki), mar uu ka hadlaayey Gogosha ay Xukuumaddu u fidisay Mucaaradka ayaa yidhi “Taasi waa Sunaha aynu dadka dheernahay, oo wixii yimaada in laga wada hadlo, oo la is weydiiyaa, waa wax haboon, si waxan looga wada hadlo ayeyna Dawladdu Gogol u fidisay, Xisbiyadii Qarankuna wey ogoladeen, inay ka soo qeyb galaan.
Xldhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaki), ayaa mar uu ka hadlaayey sida uu arko baaqa Beesha Caalamka ayaa yidhi “Dalka Beesha Caalamku ma leh ee inaga ayaa iska leh, Dal kastaana isagaa ayaa arimihiisa iyo danihiisa iska leh, Dastuurkeenu Beesha Caalamka ma ixtiraamo ee karaamadiisa ayuu leeyahay, wixii dalka dani ugu jirtana Dastuurka ayaa loo raacayaa, Beesha Caalamkana wixii xidhiidh ah ee aynu leenahay halkeeda ayaa loo marayaa”.
Xildhibaan Balaki,ayaa mar uu ka hadlaayey mawqifka isbahaysiga Mucaaradka ee ku waajahan jiritaanka Xukuumadda ee marka la gaadho 26-june ayaa yidhi “Waa fawdo iyo xaalad abuur, cid sameeyn karta dawlad ku meel gaadh ahi ma jirto, cid ka weyn Dastuurka iyo Sharciguna ma jirto”.
Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka ee XIsbiga UCID Cabdiqani Ibraahim Salaf (Kabtanka),oo isna ka hadlay aragtidiisa ku aadan baaqa Beesha Caalamka , muddo kordhinta iyo Gogosha ay Madaxtooyadu u fidisay Xisbiyada Mucaaradka ayaa yidhi “Golaha Guurtidu waxa ay ku xad-gudubtay oo ay jabisay Dastuurkii iyo Sharcigii dalka, muddo kordhinta wakhti qudha ayey sameeyn kartaa waana haddii ay dalka ka dhacaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin ILLAAHAY inagu keen Abaaro,Dufaano, Dhul gariir, Dagaalo iyo wixii la mid ah, intaasna midna dalkeena kamay dhicin, waxayna ahayd in intaanay muddo kordhinta sameeyn inay Dastuurka akhriyaan oo xilkooda si toos ah u gartaan, oo ay iska dayaan sharci darada”.
Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka ee XIsbiga UCID Cabdiqani Ibraahim Salaf (Kabtanka),ayaa mar uu ka hadlaayey sida uu arko baaqa Beesha Caalamka ayaa yidhi “Xukuumaddani waxa ay ka hor timid heshiiskii dhexmaray Komishanka iyo Saddexxda Xisbi, Beesha Caalamkunasi toos ah ayey u arkaysaa khaladka cad ee ay Xukuumaddani ku kacday, kalsooni daro ayeyna Xukuumaddani ku riday Wadamadii xidhiidhka la lahaa Somaliland, iyada oo aynu markii horeaba ogeyn in Xukuumaddani lumisay Kalsoonidii iyo Xidhiidhkii uu Daahir Rayaale la lahaa Wadamada Adduunka, oo Safaraado badan ayeynu ku lahayn Wadamo badan, waxa jiray Xidhlbaano badan oo ka tirsan Barlamaanka Ingiriiska oo qadiyadeena aad uga hadli jiray, balse waxaas oo dhami hadda meesha wey ka baxeen, waxa la wada ogaa in Madaxweynuhu markii uu ahaa Mucaaradka, inuu aad waxa uga sheegi jiray Guurtida, sharci daro iyo cadaalad daro ku tilaami jiray muddo kordhintii ay Guurtidu u sameeyn jiray Xukuumaddii hore, inuu Maanta difaacana waa waxa aad cajiib u ah”.