Aragtida Labada Xisbi Mucaarad Ee Ku Aaddan Guddida Guurtidu U Saartay Muddo Kordhinta

0
512

Hargeysa (Geeska)-Labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa ka hadlay Guddida ka kooban 21 muddane ee Golaha Guurtidu u xil saartay ka soo talo bixinta muddo kordhinta loo sameeynayo Xukuumadda, waxayna uga digeen in ay keenaan muddo kordhin ka badan muddadii xisbiyadu ku heshiiyeen.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, iyo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo isna ka tirsan masuuliyiinta sar ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo ka hadlay muddo kordhinta iyo Guddida loo xilsaaray ayaa ugu horeyn Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, waxa uu yidhi, “Arinka meesha yaallaa arrin Guddiyo u baahan maaha, iyaga ayey shaqadooda tahay waxay isku magacaabayaan iyo waxay isku diranyaan Golaha ayey u taallaa, laakiin arinka meesha yaallaa waa arrin Qaranku ka heshiiyey, wixii intaas ka duwan ee lala yimaaddo Qaranka la iska hor keenayaa, Guurtida ayaa awood u leh inay kordhiso, laakiin awoodaasi waxay ku xidhan tahay baahida dalka iyo baahida dadka, umaddu wixii ay diyaar u tahay, umaddu mawqifkeeda wey caddaysay,  saddexda Xisbi Qaran, Madaxweynaha, Komishanka Qaranka, intuba waxay isku raaceen muddada la kordhiyey, qoraalna waa loogu gudbiyey, wixii intaas loo dhaafo waxaanu u aragnaa, balan hoosa oo Xukuumaddu la gashay Golaha Guurtida, aqbali mayno, yeelli maynana haddii aanu nahay Xisbiga Waddani, waxaanu jecel nahay in la raaco wixii maslaxadda umadda ah, anaguna anaga oo Xisbi qarana ah oo mucaarad ah, ayaanu nidhi muddada ha la kordhiyo, anagoo eegayna duruufta dadka iyo dalkayaga, oo eegayna qaxoontiga dalka oo dhan gaar ahaan Gobolada Barriga, annagoo tixgelinayna, waligeed lama arag Xisbi Mucaarad ah oo yidhaahda wax ha lagu daro, waxa nagu kelifay waxay ahayd iyadoo intaas oo dhan la kordhiyey duruufta dalkeena taala, haddii Saleebaan, colkiisa iyo asaaxabtiisa iyo Xukuumaddiisa cid ka mid ahi, ay damcaan inay fursadaas ka faa’iidaystaan, oo ay si kale u dhigaan oo muddo aan loo baahnayn kordhiyaan waxaanu diyaar u nahay in aanu mudaharaad galno, kana hor nimaadno, haddii sharciga la ixtiraamo waayo ninkii ixtiraami waayey ayaa masuuliyadeeda qaadaya”.

Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo isna ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee UCID ayaa isna isagoo ka hadlaya Guddida loo xilsaaray muddo kordhinta yidhi “Muddo kordhinta Guurtida ayaa iska leh, in todoba bilood lagu heshiiyeyna waxay ku timid markii aanu aragnay duruufta adag ee dalkeena ka jirta iyo abaarta adag ee dadkeena haysta, wey noo cuntami weyday in aanu Doorasho galno, anaga oo waliba diyaar u ahayn ka UCID ahaan,  balse dadkayga ayaanu u naxaynaynay, sidaas darteed wada tashi dheer kadib, waxaanu ku heshiinay, oo aanu isku raacnay in todoba bilood dib loo dhigo Doorashada, Komishanku uu nagu raacay, Madaxweynuhuna uu nagu raacay, markaas Golaha Guurtida oo marar badan muddo kordhimo sameeyey, maanta haddii ay Guddi u saartay muddo kordhinta, waxaan leeyahay oo aan kula talinayaa in anaay waxba ka bedelin todobadii bilood ee Xisbiyadu ku heshiiyeen, balse haddii muddo kale oo ka badan ku darto dhib mooye, wax faa’iido ah oo ka dhalanayaa ma jirto, wax la aqbalayana maaha, Guddidana waxaan leeyahay todobadaas bilood ha dhaafinina”.