Waa qoraallo wacyi-gelin ah oo ay iska kaashadeen Komishanka Qarankaee Mihnadaha Caafimaadka (NHPC) iyo Wargeyska Geeska Afrika… Q:10aad
Hargeysa (Geeska)- qormooyinkan wacyi-gelinta ah ee muddo inoo soo taxnaa waxa aynu kaga soo hadalnay mawduucyo tiro badan oo ay ka mid yihiin, Komishanka Qaranka ee Mihnadaha caafimaadka iyo faa’idooyinka uu u leeyahay bulshada reer Somaliland ee hadda uun bilaabay jidkii horumarka in ay ku tallaabsadaan, dibna u dhisaan hay’adihii adeegga bulshada ee uu caafimaadku ka mid yahay. Waxa aanu Komishanku u taagan yahay in la helo qaab loo xakamayn karo mihnadaha caafimaadka, taas oo ah in la hubiyo aqoonta iyo heerka xirfadeed ee mihnadlaha caafimaad ee uu muwaadinku shimbirka uga raadinayo xanuunka haya.
Haddaba wargeyska Geeska Afrika isaga oo arrimahaas oo dhan maanka ku haya waxa uu qorsheeyey in qoraalladan wacyi-gelineed ee taxanaha ah uu ku soo daro qormooyin lagu eegayo aragtida ay Mihnadlayaasha kala duwan ee caafimaadku ka qabaan Komishanka Qaranka ee mihnadaha caafimaadka, iyo shaqadiisa, iyo weliba haddii ay jiraan talooyin ay ku soo biirinayaan. Waxaana aynu maanta ku soo qaadanaynaa qaybtii ugu dambaysay ee ururinta aragtida mihnadlayaashu ka qabaan komishanka, oo aynu ku eegayno Marwo Foosiya Cabdilaahi Ciidle oo ka mid ah neerasta aqoonta iyo waayo-aragnimada waafiga ah u leh mihnadda caafimaadka.
Waa tuma Foosiya Cabdilaahi Ciidle?
Foosiya Cabdilaahi Ciidle, Shahaadada Diploma ayaa ay ku qaadatay Kaal-kaaliyenimada guud ee caafimaadka, sidoo kale waxa ay qaadatay tabarro kala duwan oo la xidhiidha cilmiga caafimaadka, kuwaas oo ay ka mid yihiin laba tababar oo ay ka qaadatay jaamacadda Stanford ee dalka Maraykanka, kuwaas oo kala ahaa Nafaqaynta Carruurta (Child Nutrition and cooking) iyo Sayniska iyo cunto karinta (Science and cooking). Sidoo kale Marwo Foosiya waxa ay qaadatay Diploma ah Organizational development iyo tababarro kala duwan oo la xidhiidha hawlaha ururrada aan dawliga ahayn. Waxa ay ku shaqaysay kal-kaaliso caafimaad oo ay waayo-aragnimo dheer u leedahay, laakiin Shaqooyinkeedu waxa ay u badan yihiin dhinaca hay’adaha samofalka, hay’adaha ay la soo shaqaysayna waxaa ka mid ah, ActionAid, Oxfam Novib iyo kuwa wadaniga ah oo ay ku jiraan Negaad iyo SOHA.
Baahida Komishankan loo qabaa inta ay le’eg tahay?
Waxaa in muda ahba sii kordhayay tirada goobaha ku magacaaban in laga helo adeegyo caafimaad, kuwaasi oo isugu jira minhadlayaal caafmaad, kuwo iska wada uun, iyo qolo aan midnaba ahayn oo ah cilaajyada. Dayaca badan ee ka jira xakamayn la’aanta iyo ilaalinta tayada iyo tirada wax qabadka howlaha caafimaad ee dalku waxay sababtay inay ajaanab badani birta u soo listaan.
Xayeysiiska dhakhtarka ajnabiga ah ama wax ku soo bartay dalka dibadiisa ayaa noqoday khidad lagu hanto jeebada bukaanka. “Miyaan garanayey kolkan ku quusaan lahaaye” waa kalmado ay tidhi hooyo bukaan ah oo iminka la il daran xanuunnada ay ku sii kordhiyeen dhiro iyo dawo (Chemicals) ay mudo isdaba joog ah qaadatay. Haddaba baahida xad dhaafka ah ee loo qabay in la helo Komishankan minhadlayaasha caafimaadku kuma koobna, keliya xakamaynta hawlaha iyo howlwadeenada bahda caafimaad, balse waxaa iyana u bahan in bulshada laga qabto qolyaha iyagu sheegta in ay aqoon u leeyihiin dhirta dabiiciga ah ama ay si kalaba wax uga garanayaan caafimaadka.
Waxaa kaloo sii fara batay qalliinada lagu sameeyo goobo aan munaasib ku ahayn iyo dhakhaatiir leh aqoontii balse aan dan ka lahayn xuquuqda iyo khusuusiyaadka bukaanka ay lacagta ugu adeegayaan.
Maxaad u malaynaysaa in uu yahay qaabka ugu quruxda badan ee uu Komishanka qaranka ee mihnadaha caafimaadku u gudan karo waajibaadkiisa shaqo ee ah xakamaynta mihnadaha iyo mihnadlayaasha caafimaadka?
Marka horeba, Komishanka NHPC waxaa horyaal howlo culus, balse waxay ku gaadhi karaan arrimahan:
1. In ay u madax-bannaanaadaan hawlahooda sharci ee ay gudanayaan.
2. In ay is-baraan bulshada, si ay u kasbadaan kalsoonidooda iyo taageeradoodaba, waayo bulshadu waxay u arki kartaa in komishanku duulimaad ku yahay halkii ay runtu ka ahayd in uu iyaga wax tarayo.
3. Waxaa kale oo fududeyn karaya howlaha horyaala in komishanku yeesho qorshe ugu yaraan shan sanadle ah, qorshahaas oo bilawgiisa hore laga qayb galiyo dhammaan inta uu khuseysn doono.
4. Iyo in Hadafku aanu noqon xakamayn iyo xadayn ee uu ahaado is-waafajin iyo ku meeleynta cidwalba halka ay ku haboontahay.
Taladaada ku aaddan komishankan?
Tiro dhowr komishan ah iyo kumannaan hayado wadani ah ayaa manta dalka ka jira, komishankan oo ka mid ah tiradaas, hadana gurmad dhakhso ah ayuu u noqday bulshada oo dadka ini waa ay dareentay waxtarkiisa in badanise ma oga weli Markaa;
1. Komishanku waa inuu is baraa bulshada.
2. Waxaa fursado howlahooda u fududayn kara noqonaya, haddii ay uruuriyaan xogaha dadka iyagu dhibaatada ka soo gaadhay xakamayn la’aanta mihnadlayaasha caafimaadka iyo baaxadda dhibta jirta. Taasi waxay noqoneysaa hub ay ku muteystaan taageerada cidda ay wax u qabanayaan.
3. Komishanku waa in uu noqdo mid madax-banaan, oo aanay taaban Karin, saamaynna ku yeelan karin arrimaha siyaasadda iyo qabyaaladda.
4. Markalena inaanu ahaan fuliye hirgaliya howlaha iyo hadafyada hayadaha maalgeliya (Donor driven), ee uu ku shaqeeyaa danta dadka baahan ee waajibku ka saaran yahay, mustaqbalka wanaagsan ee dalkan. Tusaale ahaanna, waa inaanu ahaan mid loo cayimo kala mudnaanta baahiyiisa iyo qorshe howleedkiisa.
5. Dadku wali ma dareensana dhibta, wax-yaabaha yaabka leh ee ka dhaca goobaha ay dhakhaatiirtu ku bixiyaan adeegyada caafimaadkana waxaa ka mid ah, in adigoo dhakhtar booqday galin galinnada ka mid ah aad qaadato lambarka 70aad ama dhowr iyo lixdanaad. Dadku way sugaan uun waanay ku qanacsanyiihiin, waayo maba oga ninka sadex saacadood gudahood arkaaya ku dhowaad 100 qof, inuu dhibaatayn karo. Markaa dadku waxa kale oo ay u baahan yihiin wacyi-gelin in arrimahaas laga siiyo si ay uga feejignaadaan, dhakhtarkana loo sameeyo sharci iyo nidaam xaddidaya dadka uu arki karo maalintii iyo weliba qaabka saxda ah ee uu ula macaamili karo.