Hargeysa(Geeska)-Jamaal Cali Xuseen, oo ah aqoonyahan dhallinyaro ah oo hadda u soo banbaxay inuu siyaasadda dhex galo, ayaa la sheegay inuu toddobaadkan si rasmi ah ugu biiri doono xisbiga mucaaradka ah ee UCID.
Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay UCID iyo Jamaal toona, haddana ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika, u sheegay inuu imika gebogebo yahay wada hadal muddooyinkan u socday xisbiga iyo Jamaal oo lagu falanqaynayay sida ay labada dhinac isugu iman karaan, waxaanu warka intaas ku daray in toddobaadkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono in Jamaal Cali Xuseen ku biiray xisbiga UCID. Warku wuxuu sheegayaa inay labada dhinac isku afgarteen dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin heshiis laga gaadhay murashaxnimada iyo guddoomiyenimada xisbiga. Heshiiska ayaa la sheegay inuu dhigayo in Jamaal Cali Xuseen noqdo murashaxa madaxweyne ee xisbiga haddii uu ka gudbo marxalada ururnimo iyo in Faysal Cali Waraabe ahaado guddoomiyaha xisbiga iyo weliba xubno ka mid ah taageerayaasha Jamaal Cali Xuseen oo lagu daray guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee UCID.
Heshiiskan ayaa soo gunaanaday wada hadalo muddooyinkii u dambeeyay u socday xisbiga UCID iyo Jamaal Cali Xuseen oo ah nin dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah, waxaanay wada hadaladani bilaabmeen ka dib markii uu Daahir Rayaale Kaahin oo ah guddoomiyaha UDUB laalay murashaxnimadii xisbiga UDUB ee Jamaal Cali Xuseen.
Jamaal, ayaa la filayaa inuu taageero culus ku soo kordhiyo xisbiga UCID oo ay ka baxeen xubno badan oo samaystay urur siyaasadeedka Wadani.
Comments are closed.