Aqoonyahan Ibraahim Daahir Dubad Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Hargeysa

0
734

Hargeysa(Geeska)-Aqoonyahan Ibraahim Daahir Dubad ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay shalay magaaladda Hargeysa.

13296175_1099541810092164_2080164435_n

Siyaasiyiin, aqoonayahan, sulaadiin, cuqaal iyo dadweyne aad u tiro badan ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa kaga hor tagay. Ka dib markii  uu aqoonyahan Ibraahim ka soo degay garoonka diyaaradaha waxa loo soo galbiyay dhinaca magaaladda Hargeysa, halkaas oo huteel Caydiid loogu sameeyay xaflad soo dhaweyn ah.

Hadal kooban oo ay xaflada soo dhaweynta loo sameeyay aqoonyahan Ibraahim Daahir Dubad ka soo jeediyeen abwaan Jaamac Gaashaamacade, Oday Maxamuud Xuseen Xirsi iyo mujaahid Xasan Gujuf ayaa waxa ay ku sheegeen in ay dalka ku soo dhaweynayaan aqoonyahanka oo wax badan u tari kari dalkiisa.

Waxa ay xuseen in aqoonyahankani uu ka mid yahay aqoonyahanada reer Somaliland ee dalkooda mudado dheer ka maqnaa, waxaanay iska dabo mareen in ay si diiran ugu soo dhaweynayaaan.

Aqoonyahan nageeye Maxamed Xasan, Aqoonyahan Mubaarak Muuse iyo xubno kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad gelinayso soo dhaweynta aqoonyahan sare Ibraahim Daahir Dubad. Caaqil Kayse Bade oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo aqoonyahan ibraahim oo uu xusay in uu dhalay mujaahid dalkan iyo dadkanba xaq badan ku lahaa. Siyaasiga Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro) ayaa ka codsaday dadka deegaanka uu ka soo jeedo aqoonyahankani in ay isbabartaagaan isla markaana isku duubni kaga gudbaan wax kasta oo la soo gudboonaada. Gabogabadiina Ibraahim Daahir Dubad oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay qaabka loogu soo dhaweeyay magaaladda Hargeysa “Waxa aan aad ugu faraxsanahay qaabka la iigu soo dhaweeyay magaaladda Hargeysa, waanan idin ka filayay. Runtii waxa aan codsan lahaa in aynu marka hore isku duubni muujino, isku duubnidaas ayaynu kaga gudbi karnaa wax kasta oo inaga hor yimaadaa. Qof kastaana waxa uu wax ku yahay marka uu bulshadiisa haysto, laakiin hadii uu gaar u baxo waxba noqon mayo” ayuu yidhi ibraahim daahir dubad, waxaanu sheegay inuu la tashan doono dhallinyarada iyo aqoonyahanka bulshadiisa, isagoo u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay.