Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), oo ah Musharaxa u taagan jagada Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu soo jeediyey in haddii la doonayo inay Cadaaladi ka dhacdo Shirka Golaha Dhexe in la helo Guddi dhex dhexaad ah oo dhex u noqoto Musharixiinta tartamaya, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu Guddidaas magacaabo.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Musharixiinta ugu baaqay inay isku kalsoonadaan, oo aanay sharci daro wax ku doonin, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Anigu waxa aan ahay Musharaxa u taagan Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, guul iyo guul daro labadaba, waanan u soo badheedhay, balse waxa aan wax ku doonayaa waa cadaalad, waxa aan doonaya in aan ku kalsoonado codka aan ka helayo Golaha Dhexe ee sharci daro iyo madmadaw toona waxba kamu rabo, waxaana jecel ahay in dhamaan Musharixiinta kalena sidaas noqdaan, balse in meesha cadaalad daro timaado, oo sharci daro wax lagu doono, oo cid gaar ahi awooda sheegato, raali kama ihi, ee waxa aan leeyahay ha loo wada badheedho guusha iyo guul darada, hana la isku kalsoonada”.
XIldhibaan Cabdiraxamaan Cismaan Caalin ayaa mar uu Madaxweynaha baaq u diraayey waxa uu yidhi “Waxa aan Madaxweynaha ugu baaqaya inuu sameeyo Guddi dhex dhexaad ah, oo dhex u noqoto dhammaan Musharixiinta, si aan loo kala shakiyin, si aan la isku nicin, si aan loo kala fogaan iyo si la isku aamino, maxa yeelay haddii uu Madaxweynuhu magacaaco Guddidan waa lagu wada kalsoonanaaya, balse haddii uu magacaabi waayo shakigagaas maantaba jira ayaa jiraya, lagumana kalsoonana karo Shirka Golaha Dhexe ee Musharixiinta lagu kala saarayo, kumana kalsoonin hadda sida wax loo wado, ”