Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo ayaa xeerka ismaamulka gobalada iyo degmooyinka ee lagaga doodayo golaha wakiilada ku dhaliilay inuu xildhibaano siman siinaayo Burco iyo Gabilay, waxaanu ugu baaqay in baahida loo qabo in qiimayn guud dalka lagu sameeyo.
Xildhibaan Waabeeyo ayaa ku baaqay in qiimaynta degmooyinka ee dalka guud ahaan dib loo eego waxaanu gudida xeerkan dib u eegista ku samaysay ku dhaliilay in aanay wax badan oo xeerka ku jira hoos u eegin “Wax ka badalkii lagu soo sameeyay xeer Lr.23 ugu horayn qodobkan 12-aad ee ay wax ka badalka ku samaysay gudida arimaha guduhu qodobkiisa 12-aad, waxa uu leeyahay waa inay xukuumadu dib u qiimayn ku samayso darajooyinka degmooyinka B iyo C muddo aan ka badnayn laba sanadood, degmooyinkan la laayahay ha soo qiimayso xukuumadu waa degmooyinkii jiri jiray, B marka laga hadlaayo waa shan degmo oo ka tirsan dalka oo waaweyn,marka laga hadlaayo C-na waa 11 degmo, shanta degmo ee B-da ah waxa ka mid ah
Oodweyne,Saylac,Badhan,Ceel-afweyn iyo Buuhoodle, waxa qiimeeyay dhamaan dawladii ka horeeyay Somaliland waana kuwo hore u jiri jiray oo dawladii danbe ee Somalilandna, marka laga reebo Ceel-afweyn waxay u magacawday gobolo.”
Xildhibaanka oo doodiisa sii wataa waxa uu yidhi“ Gobaladan B-da ahayd waxa ku jiri jirtay Gabiilay Gabiilay meel lagu qiimeeyay oo A lagaga dhigay anigu garan maayo, dawlada Somaliland iyadana waxay ka dhigtay gobal, markaas sabaab ay dawladu magaalooyinkaas waaweyn dib ugu qiimayso ama waa in dib loo wada qiimeeyaa waxii la dhan jiray B iyo C oo dhan oo ay ku jirto Gabiilay ama waa in layska daayaa ileen gobalo ayaaba laga dhigaye, xukuumaduna waa inay dib u qiimayn ku samaysaa degmooyinkan badan ee ay magacawday laakiin degmooyin gobalo loo magacaabay waa in lagu wareeriyo maaha Kharashka umadan.”
Waa uu sii watay xildhibaanku “ waxa jira lix degmo ooilaa Ingiriiskii inagaga tagay Boorame,Hargeysa, Bebera,Burco,Laasacaanod iyo Ceerigaabo, lixdaas gobal ee Ingiriisku inagaga tagay A- na waa ku ogaa doorashooyina waa ay lahaayeen ilaa Ingiriiskii xagan Gabilay laga raaciyay xeerkeebay ku jirtay, A+ gudi qaran ayaa qiimayn karta uun waana la ogyahay inay caasimad tahay A+ halka ay ka timi adiga ayaa sheegi ee lagu qiimeeyay, marka ay timaado degmooyinka A ee Burco iyo Berbera inay qaataan 11 Gabilay iyana inay qaadato 11 maaha, Gabilay kuma kacsani laakiin waa inay heerkeeda taagnaataa .”