Hargeysa(Geeska)-Agaasimihii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Baashe Yuusuf Axmed oo muddo sanad ah ku maqnaa dalka Ingiriiska ayaa dib dalka ugu soo laabtay, ka dib markii uu soo dhameystay waxbarasho jaamacadeed.
Agaasimihii hore waxa madaarka ku soo dhaweeyey xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland, Salaadiin, Aqoonyahano, Haween iyo Dhaliyaro tiro badan. Baashe Yusuf Axmed markii uu ka soo dagay madaarka waxa uu warbaahinta kalu hadlay qolka VIP-da isaga oo sheegay mudadii uu ku maqnaa dalka inuu diyaarinayey shahaadada Master-ka. xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo ka mid ahaa dadkii agaasimihii hore dalka ku soo dhaweeyey ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyey waxa ku yidhi“Maanta waxaan ku faraxsanay soo dhawaynta aan dalkiisa hooyo ku soo dhawaynayo agaasimihii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Baashe Yuusuf oo muddo dalka ka maqnaa isaga oo soo diyaarinayey shahaadada Masterka, Baashe waan hubaa waxaanan u ahaa macalin sidaas awadeeda shahaadada uu imika soo diyaariyey waan hubaa oo kaalin fiican ayuu ka galay, waxaana u rajaynayaa inuu ilaahay ku garab galo aqoontaas uu soo baratay noqdana mid ku anfaca dadkiisa iyo dalkiisaba.”
Dhinaca kale waxa isna halkaasi ka hadlay agaasimihii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Baashe Yuusuf waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Marka hore waxaan umahad naqayaa dadkaas badan ee halkan igu soo dhaweeyey waxaanan leeyahay dhamaantiin waad mahadsantiin,waxaan maanta aad ugu faraxsanay inaan dalkaygii ku soo nabad noqday muddo sanad ah ka dib markii aan soo dhamaystay shahaadada Masterka ee shuruucda la xidhiidha ganacsiga iyo badaha, si wanaagsan way iigu soo dhamaatay oo guul ah.” agaasimihii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey “Waxaan dalkayga muddo sannad ah ka dib ugu soo noqday, bal kaalinta aan ka galayo iyo aqoontaas aan bartay sidaan ugu anfici lahaa ee aan ugu shaqayn lahaa, waxaanan rajaynayaa inaan kaalin mug leh ka qaadan doono dalkayga iyo horumarka buuxa ee maanta ka socda.”
Intaas ka dib agaasimihii hore waxa barxada hore ee madaarka Hargaysa lagu soo dhaweeyey caleemo qoyan oo ay ruxayeen bulshada kala duwan ee ku soo dhawaysa halkaas waxaana lagu soo wareejiyey agaasimaha jidadka hal-bawlaha u ah caasimada Hargaysa, waxaan markii danbe la iskugu biyo shubtay huteel imperiyaal oo qaddo sharaf loogu sameeyey agaasimihii hore. Baashe Yuusuf ayaa ka mid ah 35-xubnood ee golaha dhexe KULMIYE waxaanu ka mid yahay dhalinyarada firiin fircoon ee wakhtii Kulmiye mucaaridka ahaa u soo hoyey codod badan oo beeshiisa, waxa kale oo uu ka mid yahay xubnaha haldoorka ee beeshasi loogu qadarin badan yahay, cida uu taageerana ay tahay ta markasta beeshaasi codka siiso.