Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xargeeye, ayaa sheegay in xaalada Caafimaadka ee dalku ay hadda aad u wanaagsan tahay, xilli isaga iyo Wasiirka Caafimaadku ay socdaal ku marayaan Deegaanada kala duwan ee Gobolka Awdal.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xargeeye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Xaalada Caafimaad ee dalku imika aad bay u fiican tahay, imikana waxaanu ku suganahay Gobolka Awdal, oo aanu marayno Deeganada kala duwan ee Gobolka Awdal, waxaana u kuurgalaynaa xaalada Caafimaad ee Gobolkan, anagoo insha allaah Gobolada kale socdaal ku tagi doona, inaanu u kuurgalno xaalada caafimaad ee dalka waa waajibkayga shaqo iyo xilka aanu umadda u hayno,”.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka mar uu ka hadlaayey Cisbitaalada iyo Xanaanooyinka ayaa yidhi “Xukuumaddu Cisbitaalo iyo Xanaanooyin aad loogu baahna, oo umaddu aad ugu baahnayd ayey hirgalisay, oo ay u dhistay, waxaana Xukuumadda ka go’aan inay sare u qaado adeegyada iyo tayada caafimaad ee umadda”