Afar Sababood Oo Madaxweyne Siilaanyo Aanu Tanaasulkiisu Ugu Ekeysiin Karin Mandela

0
640

kamaal

Tanaasulka Madaxweyne Siilaanyo Ma Lala  Masayn Muddo Xilleedkii Mandela? Kamaal A. Ali  (3)

Sababta Labaad ee uu madaxweynuhu tanaasulkiisa ku sababeeyey waxa ay burinaysaa xaqiiqada taariikhda hoggaamineed ee Somaliland oo tan iyo dhismaheedii ay madaxdu xilka ku qabanayeen kagana degeyeen  hannaan aad loo ammaanay, tusaale ahaan madaxweyne Cigaal hannaan doorasho oo markaas macquul loo arkay ayaa uu xilka ku yimid in kasta oo nasiib darro uu geeriyooday isaga oo xilka haya weli.  Labada nin ee kale, Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Daahir Rayaale Kaahin iyaguna waxa ay xilka wareejiyeen kadib markii doorasho lagaga adkaaday, mid kastaana hal xilli ayuun baa uu madaxweyne noqday.

Hadalka Madaxweyne Siilaanyo waxa uu u dhadhamayaa in madaxdii hore ee Somaliland ay kursiga sifo taas ka duwan kaga tegi jireen, taas oo haddii uu sidaas ula jeeday meel ka dhac ku ah madaxdaas, dahaadh madowna saaraysa taariikhda aan muranka lahayn ee hoggaaminta Somaliland. Waxaa iyaduna sababtan ka muuqata in madaxweynuhu uu jeclaan lahaa in madaxda ka dambaysaana ay hal xilli uun talada hayaan, taas oo ugub ku ah siyaasadda dunida isla markaana ka hor imanaysa qodobka dastuuriga ah ee muwaadinka madaxweynaha ah xaqa u siinaya in uu laba xilli isa soo sharraxo, iyo weliba xikmadda qodobkaas ku jirta, haddii aanay jirin sabab sharci ama shakhsi ah oo u diidaysa in uu madaxweynuhu labadiisa xilli qaato.

Arrin yaab leh ayaa aanay noqonaysaa, haddii ay jiraan dad aaminsan in labada xilli ee dastuurkeenna iyo kuwo kalaba dhigayaan, xikmadda keliya ee ku jirtaa ay tahay in la daweeyo damaca kursi jacayl ee madaxweyneyaasha.

Sababtaas uu madaxweynuhu shegay, marnaba munaasab kuma ay ahayn xaaladda Somaliland ee illaa hadda jirta, timaaddadana Alle ayaa og. Waxa ay sababtani madaxweyne Siilaanyo u ekeysiisay sida in uu yahay hoggaamiye ka degaya xilka dal hortii kursiga ay soo qabteen madax doorasho diid ahaa oo ku dhegey talada.

– Sababta saddexaad ee uu madaxweynuhu sheegay iyadu wax xidhiidh ah lama laha tanaasulka, maadaama oo dhamaystirashada dhitada uu sheegay madaxweyne Siilaanyo in uu muddo dheer soo dhigayey aanay waxba u dhimayn  fursadda dastuurku siiyey oo uu qaataa, balse ay siiba qurxin lahayd uun, waayo waxa uu heli lahaa waqti uu ku dhamaystiro kuna sii kordhiyo wax-qabadkiisa uu ku faanay, ugu yaraan aynu xusno dhamaystirka jidka Ceerigaabo ee ay xukuumaddiisu ballan qaadday inta uu xilka hayo in la dhamayn doono.

4. Madaxweyne Siilaanyo waa uu qaatay boqolkiiba 70 waqtigii dastuurku u ogolaa, Laakiin Mandela ma uu korodhsan:

Mandela: Mandela waxa uu talada dalkiisa hayey intii u dhexeysay 1994kii illaa 1999kii oo ah shan sano, waana inta uu dastuurka dalkiisu ku xaddidayo halka xilli-xileed ee madaxweynaha. In kasta oo dalka uu taladiisa qabtay ahaa dal aan hore doorashooyin xor ah u gelin, marka laga reebo tii uu ku yimid isagu, isla markaana dadkiisu ay qabeen dhibta aynu kor ku soo xusnay. Xaalkuna uu gaadhsiisnaa heer xitaa dad badan oo madowga Koonfur Afrika ahi ka baqeenba in ay codeeyaan iyaga oo u fahamsan in ay tahay xeelad hor leh oo caddaanku ku wax yeellaynayo ama kursigiisa uun sharci ugu sii ekeysiinayo.

Duruufahaas oo dhami Mandela kama ay taakayn in uu doorashada qabto xilligii dastuurku ku waajibiyey, sidaas ayaanu ku noqday madaxweyne xilli keliya ah.

Siilaanyo: In kasta oo Somaliland ay tahay dal aan weli sharciyad caalamiya haysan, haddana madaxweyne Siilaanyo hortii doorashooyin badan ayaa ay soo tijaabisay oo u dhacay si nabad ah oo ugu yaraan gudaha iyo dibaddaba laga bogaadiyey hufnaantooda. Waxaana ka mid ahaa laba  doorasho madaxweyne oo mid ka mid ah uu isagu talada ku yimid.

Iyada oo ay sidaas tahay haddana madaxweyne Siilaany, sida Mandela oo ka duruufo duwanaa kuma uu guulaysan in uu doorashada madaxtinimada xilligeeda sharciga ahaa ku qabto, waxa aanu korodhsaday ama loo kordhiyey Laba sano oo dheeraad ka ah waqtiga halka xilli-xileed ee uu dastuurku dhigayey, taas oo marka uu xilka wareejinayo ka dhigaysa in uu talada hayey Toddoba sano oo bilo yar dhiman, una dhiganta ku dhowaad boqolkiiba 70 intii uu guud ahaan dastuurku u ogolaa in uu xilka hayo, marka la isku daro labada xilli-xileed.

Madaxweyne Siilaanyo in uu qaato boqolkiiba 20 xilli xileedkiisii labaad oo weliba aanu doorasho u soo gelin kama dhigi karto in uu tanaasulay, balse waxa ay ka dhigaysaa madaxweyne talada hayey hal xilli-xileed oo ka badan Shantii sano ee dastuurku dhigayey.  Weliba xisaabtani waxa ay sax noqonaysaa haddii doorashada soo socotaa ku dhacdo xilliga Guurtidu u cayintay maxkamadda sare ee dalkuna ansixisay.

Gunaanad:

Ugu dambayntii sida uu qof kasta oo garaad lihi garan karo, laba qof oo kasta oo dunida ku nooli waa kala duruuf, dano iyo doonis, marka ay laba dal iyo laba hoggaamiye oo kala dhaqan, diin iyo dad ah tahayna kala duwanaanshiyuhu waxa uu gaadhayaa heer intaas ka sii badan. Taas waxa aan uga gol leeyahay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Mandela marka laga tago Afrikaannimada aanay jirin wax badan oo kale oo midaynaya.

Waxaa iyaduna nusqaan ku ah hoggaamiye kasta in uu isbarbar dhigo hoggaamiye kale oo faciisa ah, oo isagu jidkiisa gaarka ah u maray sidii uu dadkiisa iyo dalkiisa magac uga samaysan lahaa, sidaa awgeed waxaa qurux badan in madaxda siyaasadda Somaliland ee isu sawiraya in ay madaxweynaha ammaanayaa, aanay la fogaan buunbuuninta wanaagga madaxweynuhu si aanay nusqaan ugu keenin taariikhda madaxweynaha. Dhammaad