Afar Ka Mid Ah Macaamiisha Shirkadda Somtel Oo Ku Guulaystay Deeq Waxbarasho Jaamacadeed

0
674

Hargeysa(Geeska)-Shirkadda Somtel ayaa muddooyinkii u dambeeyay macaamiisheeda usoo bandhigaysay Abaalmarino kala duwan oo ay ugu dambaysay abaalmarinta Deeq waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah oo ay shirkaddu ugu talagashay in ay ka faa’idaystaan dhammaanba macaamiisha kala duwan ee shirkadda somtel taas oo maanta ay shirkaddu ku dhawaaqday Guulaystayaashii barnaamijka Deeqda waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah

1

Ugu horayn waxa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay deeqdan waxbarasho ee shirkaddu bixinayso Khadar Abdirahman Abdilahi oo ah Madaxa waaxda Suuqgaynta Somtel waxaanu ku bilaabay Hadalkiisa “Shirkadda Somtel waxa ay maanta oo taariikhdu tahay 22.10.2016 ay soo gabagabaynaysaa Barnaamijkii mudada soo socday oo ay shirkaddu ugu talagashay Macaamiisheeda in ay ku taageerto deeq waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah, waxaana jaaniskan helidoona qofkii nasiibkiisu uu siiyo wax shuruud ah oo ku xidhanna ma jirto kaliya waa in uu qofku sito kaadhka somtel maadaama abaalmarintan loogu talagalay macaamiisha somtel Barnaamijkani ma aha kii koobaad ee shirkaddu ay abaalmarino qaali ah ku bixiso oo waxa jiray qaar badan oo ka horeeyay mana noqondono kii u dambeeyay ee waxa jiridoona barnaamijyo cusub oo hor leh oo shirkaddu usoo bandhigidoonto macaamiisheeda maalmaha soo socda dhammaanba barnaamijyadani waa kuwo aanu ugu talagalnay in aanu ku abaalmarino waxna ku celino macaamiisha shirkadda somtel oo markasta aanu jecelnahay horumarkooda sida oo kale intii barnaamijkani socday waxa ay shirkadda somtel bixisay 90 mobile oo casri ah gaar ahaana moobilada loo yaqaano Caaqilka (Smartphone) waxa ku guulaystay macaamiil kala duwan oo kala jooga dhammaanba Gobolada iyo Degmooyinka dalka iyada oo habeen walba qofkii nasiibkiisu soo xulo lasiin jiray Hal moobil oo casri ah oo uu ku  isticmaali karo 4G+ , 3G+ iyo waliba qaybta hadalka gabagabadii barnaamijkana waxa maanta guulaysandoona qaybtii hore oo ah afar macmiil oo ku guulaysandoona deeq waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah waxa hadda Serverka shirkadda somtel uu bilaabidoonaa wareejinta Numberada Macaamiisha shirkadda somtel meel kasta oo ay ka joogaan Somaliland ”

Intaas ka dib Serverka Shirkadda ayaa bilaabay in uu kala shaandheeyo Macaamiisha shirkadda somtel waxaana bilaabantay in uu Serverku wareego oo uu rogrogo dhammaanba numberada Macaamiisha kala duwan ee Somtel meelkasta oo ay joogaanba ugu horayn waxa uu soo qabtay Macmiilkii koobaad, labaad, Saddexaad iyo Afraad oo magacyadoodu kala yihiin

 Deeqa Kayse Sulub numberkeeduna yahay 0659092199 oo ku nool Gobolka Togdheer gaar ahaana Magaalada Burco

Saynab Deeq Maxamed lamarkeeduna yahay 0659355583 oo ku nool Gobolka Maroodi jeex gaar ahaana Caasimadda Hargeysa.

Cabdisamad Maxamed Axmed lambarkiisuna yahay 0659611803 oo ku nool Gobolka Togdheer gaar ahaana Magalada Burco

Muuna Maxamed Axmed lambarkeeduna yahay 0659061559 oo ku nool Gobolka Maroodi Jeex Gaar ahaan Caasimadda Hargeysa.

Masuuliyiinta Shirkadda Somtel ayaa la hadlay una hambalyeeyay afartan macmiil ee ku guulaystay abaalmarintan qaalig ah waxayna u balanqaadeen in jaamacadii ay doortaan iyo waliba qaybta ay kasii doortaan ay shirkad ahaan wax alla iyo wixii kharash ku baxaaya ay bixindoonaan taas oo farxad galisay dhammaan ba macaamiishii ku guulaysatay Deeqdan wax barasho ee bilaash ka ah iyo waliba Moobilada qaaliga ah ee shirkaddu bixisay.

Ugu dambayn afartan macmiil ee ku guulaystay Deeqda wax barasho ayaa shirkadda somtel uga mahad celiyay jaaniska waxbarasho ee ay siisay waxayna sheegeen in ayna marnaba filahayn in shirkad dalka joogtaa inta ay lasoo hadasho iyaga oo guryahooda iska jooga in ay abaalmarinta intan leeg siiso uguna bushaarayso arintaas oo ay sheegeen in shirkadda somtel ay mudan tahay in shirkadaha kalana ay kaga daydaan.