Abwaan Hadraawi ayaa labaataneeyo sanno ka hor laga hayey “adduunyadu waa basteed”. Maanta waxaynu odhan karnaa waa sakaraad marka la eego gulufka lagu le’day ee ka socda daafaha dunida iyo rabshadaha aan dhammaadka lahayn ee ku dhisan isirka, diimaha iyo dhaqaalaha.
Bishii u dambaysay oo kaliya mashaqooyinkii shaashadaha caalamka laga arkayey iyo ololka is qabsaday bariga dhexe ilaa bariga fog waxay ina tusayaan sida ay dunidu u sii noqonayso meel halis badan.
Israa’iil kalideed waxay Marinka Qasa ku gawracday 1,904 qof, tiro lagu qiyaasay 10,000-na way ku dhaawacday. Sida ay diwaangelisay Hay’adda OCHA ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Bani’aadanimada, boqolkiiba shan iyo sideetan dadkaas dhiigooda la xalaashaday waxay ahaayeen shacbi biri-ma-gaydo ah oo u badan dumar iyo carruur.
Iyadoo aan cidna u habranayn, Israa’iil waxay ku dhiiratay in ay ka gudubto xayndaabkii dadnimada iyo xuquuqdii aadamaha ee ay ku faani jireen kuwa iyada taageera oo Maraykan ugu horeeyo. Ururrada caalamiga ah iyo dawladaha waaweyn ee Israa’iil xulufada la ah, oo ka adkaysan kari waayey muuqaallada argagaxa leh ee warabaahintu soo bandhigto, wax kasta oo ay sameeyeen way ku sasabi kari waayeen Israa’iil in ay joojiso dilka Falastiiniyiinta iyo burburinta hantidooda. Arrinkeedu wuxu noqday “gardarro garab og looma taag helo!”
Cadhada iyo niyadjabka ay dunida Muslimku ka qaadeen gumaadka Qasa ayaa la saadaalinayaa in ay dab ku sii huriyaan qulqulatooyinkii marka horeba ka socday Bariga Dhexe isla markaana ay Muslimiin badan ku riixdo dhinaca xagjirnimada.
Intaas uun kuma koobna dhibka ka jira dalalka Muslimka ah. Ciraaq, Liibiya iyo Suuriya way holcayaan Masar-na way liicliicaysaa. Cadceeddii dhacda iyo tii soo baxdaba waxa laga soo werinayaa dhiillo hor leh. Haddii ay beryaha qaar ahaan jireen awoodo isku filan oo cadowgu ka waabto, maanta waa masaakiin colaaddu ragaadisay oo gacmaha hoos haysta reer Galbeed iyo dad ay nacab u yaqaaneen. Waxay u eg tahay in cagta loo saaray dariiqii ay Soomaaliya martay sagaashamaadkii. Marka la eego baaxadda mushkiladda ay cagaha la galeen, masiibooyinka ay dadkooda u horseedeen iyo dabinnada loo maleegayo, lama filan karo wadammadani in ay iskood uga baxaan colaadaha, mana muuqato cid awood leh oo arrinkooda daacad ka ahi. Ilaahay bay leeyihiin.
Dhinaca kale waxa isla il-daran quwadihii reer Galbeedka iyo Ruushka oo muddo kala nasanayey Dagaalkii Qaboobaa kadib. Is-qoonsimaad sahlan oo ka dhashay xafiiltankii dagaalka Suuriya ayaa mar kaliya isku bedelay colaad khatar ah markii Madaxweyne Victor-kii Yukrayn ee Ruushka taageersanaa gacmaha dhulka loo saaray.
Diyaaraddii MH17 ee 298-ka qof naftooda ku waayeen ayaa si weyn u soo bandhigtay heerka ay durba cadaawaddu gaadhay. Cumo-qabataymahan noqday “ijiid aan ku jiidee” ee ay Galbeedka iyo Ruushku isla beegsanayaan ayaa iyaguna xaaladda sii murgiyey. Sida ay madaxda Ruushku qabaan, waxa dib u soo laabtay Dagaalkii Qaboobaa, kaas oo haddii aan la baajin horseedi kara burbur, jahawareer iyo dunida oo mar kale isu qaadda gacan culus sidii dagaalladii koowaad iyo labaad.
Colaadda Yukrayn waxa la aaminsan yahay in ay ka halis badan tahay tan Bariga Dhexe, sababtoo ah quwadaha Ruushka iyo Galbeedka ee meesha ku hirdamayaa waxay haystaan hub halis ah oo dunida inteeda kale khatar gelin kara. Haddiiba ay dhacdo in iska-hor-imaad toos ahi dhexmaro in ay isla degaan mooyee uma badna in ay dhakhso u kala adkaadaan doonaan.
Meel kastaba ha ahaatee, rabshadaha aan soo sheegnay haddii aan la qaboojin saamayntoodu dunida kale way soo gaadhi mar ay noqotaba. Haatanba diirimaadkoodii waa la dareemay. Caalamka oo dhan waxa kor u kacaya qiimihii shidaalka iyo maceeshadda, sidoo kale waxa hoos u dhacaya helitaanka cunto la quuto. Haddii ay sidan wax ku sii socdaan,isla markaana aan laga gaashaaman inta ay goori goor tahay, saamaynta ugu xumi waxay soo gaadhi doontaa wadammada sideena wax-soo-saarkoodu yar yahay ee cuntadooda iyo shidaalkooda la soo dega iyo bulshooyinka ku tiirsan kaalmooyinka shisheeye. Allow sahal ammuuraha!