Abwaan Maxamuud M. Yaasiin “Dheeg”: Hogol Mar Qudha Curatay, Manfaceeduse waaray Cabdirisaaq Saalax (Qaybta 2aad)

0
1168

xildhibaan-dheegLoo kala tag hawliyo

Ninkii tabar yaraaye

Tol allow Maxay noqon!

Maxamuud M.

“Dheeg” (Tukeyohow) Maxamed A. Kuluc iyo Xalmiimo Kh. “Magool”: Talo iyo Tallaabo, 1967-kii

… Miyuusigii iyo laacdankii ayay innoogu joogtaye, magool ayaa haaneedka qabanaysa oo ku bilaabaysa;

Magool

Intaad dunida nooshiyo

Dalluunta iyo iilkii

Haddii lagugu duugana

Dacalkaan ku haystaa

Danna waan is moognoo

Da’day adiga oo nool

Mid kale lama dagaaye

Dadnimada aqoonsoo

Jacaylkaan la diiday

Waa intuu ku daaree

Ma ii diir naxaysaa

Kuluc

Inan yahay diraaciyo

Dirir hooray kala wacan

Adood doog arkaayana

Lama dago abaaraha

Nin tiisiiba daayacay

Ka kalee dugsanayaa

Ani igala doqonsane

Dadnimada aqoonsoo

Sidii dumar xishooyoo

Hadalkii la dadi jiray

Ha igu odhanin debedee

Halkan ka dhegayso;

https://www.youtube.com/watch?v=V08tS9o7dhE

Waxaa heestan codka la yaabka leh u sameeyay Xasan Sabriye “Xasan-Garaad”.

Maxamed bartii ayuu isaga oo is xoojaynaya oo is xariifinaya gabadhii kaga dhaqaaqay. Inkasta oo uu nin qalbi fiican, shaqaysan og, oo karti badan uu yahay, haddana guur iyo haasaawe gabdheed waa uu ka sarriigtay. Waxa uu ka xarragoonayay in uu – sidii ay geeraarka ugu tibaaxdayba – xoolo ay reerkooda ka keentay ku marriimo oo ku guursaddo.

Haddal iyo hawraarba ugu dhamee, hadhise wayday. Ilayn waa marrinkiisiiye, jidkii ayuu sidii u caadada ahayd u soo maraa. Iyana kama quusane dariishadeedii ayay goortii ay filan jirtay soo fuushaa. ‘Armuu soo debcaa!’. ‘Armuu is yeel-yeelayaaye, hoosta kaala hayaa!’ ‘Armuu adigaba ku haybinayaa!’. Isma oga intaa ay boqolaalka su’aalood ee kala jaadka ah nafteeda ku warjeefayso. Walise way dhursugaysaa. Caashaqeedii sirtii soo dhaaf oo hadda caadka ayuu suulka soo saaray!

Cabbaar markii ay ka soo wareegtay, ee uu Magoolna Caashaqii ku cartamayo, ayaa isagiina lagu soo booday. Dareen uu garan waayay ayaa laabtiisii ku laxaadsaday. Dhaqaaq-joogsi aanu isu aqoon ayuu la kowsaday. Mar laba tallaabo ayuu hore u hinjiyaa, ta saddexaadna gadaal ayuu u soo rogtaa. Waxaa dhegtiisa sidii gambaleelka uga yeedhaya ereyadii calaacalka ahaa ee ay ku cataabtay. Dub iyo diirba dareen qandho iyo qoomamo ah ayuu la qamuunyooday.

Magaceeddii ayuu marba is moogaan u maamiyaa. Waxa uu hayn kari waayay dhimbiilihii kalgacalka ee laabtiisa ka holcayay. Go’aan ayuu gaadhay.Wuxuu goostay in uu haybsho oo meel uun loogu sheego uu gabadhan maan qaaday uu warkeeda doono, si uu karka iyo kulka laabtiisa ka huraya uu uga hadho. ‘Alow mar kale kugu soo sin!’ ayuu intaaba hoos ugu hawaawiyayaa.

Alle baryadiisii kuma hungayne, mar kale ayay u soo martay. Iyada jacaylkii in uu ku sii siyaado daaye, waxba iskama dhimin. Isna sidaas si le’eg. In ay muuqiisa iska macaansato daaye, mooralkeedu sidii ma aha. ‘Maya’ mooyiye haaba kamay filanayso. Judhii quruxyada laysa saarayba, waa laysku ashqaraaray.

Mar labaad miyuusiggii ayaa bilawday. Wixii ay uga fadhiday wax ka duwan oo ka farxiyaybaase markan ka soo dhiiqay.

Isagii ayaa bilaabaya oo leh;

Sida canabka beeraha

Ama kayn caleen liyo

Dhul cagaarku simanyahay,

Caad iyo Gar-Loo-Gubay

Cosobkii ku yaalloo

Cawshu Gaardiyaysoo

Cidi daaqin baad tee.

Cawo waxaa lee

Ama ciil bixi lahaa

Calaf nimuu ku siiyoo

Cunto kula wadaagoo

Gogol kula caweeysaa.

Markaasay iyana leedahay;

Cirka oo daruur liyo

Casar hogol daroortiyo,

Cadceed subax la-moodyow!

Waxaad iila cayn tahay,

Dayaxoo cawayskii

Carrigoo mugdi ahaa

Dhulka wada Caddeeyee

Cawo waxaa lee

Cadraddii nasiib iyo

Calaf kuu aroosee

Carruur kuu xambaartee

Gogol kula cayaartaa.

Halkan ka daawo:

https://www.youtube.com/watch?v=QrM7EYluli8

Haddii aynu heestan ”Sida Canabka Beeraha” wax yar is dul taagno sidii ay ku timid. Si ka duwan sida ay heesaha casriga ahi u badan yihiin, heestan samaynta codkeeda ayaa ka horreeyay falkinta midhaheeda. Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Xasan Sabriye “Garaad” uu abwaanka ula yimid codka heeskan oo – maadaama uusan mu’alif xagga midhaha aanu ahayn – midho  aan sii ridnayn ku jiro ku qaadayo. Xasan inta uu Dheeg u keenay ayuu ka codsaday in uu codkaas midho yaab leh ugu sameeyo. Judhii uu Codka arkayba Abwaanka iyo Axmed Cali Cigaal oo saaxiibkiis ahaa, waa ay ku dhageen. Halkaas ayuu Abwaankuna midho ay codka is yeeshaan uu ku qabadsiiyay, silsiladdii sheekada ama ’Riwaayaddana’ meel ku habboon ka soo gashay.

Halkaas ayuu kalgacalkii ka bilaabmayaa. Halkaas ayuu kadeedku iyo kufaa-kacu-na uga kowsadeen labadoodaba. Ugu horraynba, gabadha oo reer balaadhan ka soo jeedday ayay sheekadeedii qoska gaadhay. Magool oday taajir ah oo aan laga mildhaabin baa dhalaye (Cabdalle Raage ayaa matalaya), markiiba budhka ayuu soo rogtay. Qol ka mid ah qalcaddii wayneyd ee ay deggenaayeen ayuu sidii qoolleyda ku xabbisay. Halkaas ayaa anfacadda loogu geeyaa.

Maxamed, Maalintii muuqeeda ugu dambaysay ayaa maankiisa oo taam ahna ugu dambaysay. Maalintii haddii aanu aqalkeeda shan jeer soo ilaalayn, cawaddii ma seexdo. Ilaalo adag ayaa ku xeerane, habeen walba xabbad ayaa ka dul yeedha! Muuqeeda hadii uu waayay, magaceedda ayuu cuskadaa. Isaga ayuu ku hawaawiyaa oo haybshaa.

Ilayn loo garaabi maayo’e, ruux walba oo uu gacan bidaa waa uu la yaabaa. ’Waar ma naagta nin la ogyahay dhalay ayaad hawaysatay!’. ’Waar ma dhulkaad haween ka wayday, kuwaa carrada buuxshayba mid ka eego!’. ’Waar malaha ma hagaagsanide Quraan aanu ku saarno?. Saaxiibbadii, maalinba mid ayaa ka quusta oo ka jaqaafiya. Maalintii kii ugu dambeeyey oo ahaa Maxamed Jaamac ”Joof” uu ka dhaqaaqay ayuu hareerihiisa eegay. Saa cidlo ciirsi la’ ayuu kuududaa!

Masrixii ayuu taagan yahay. Kolba gees ayuu u muusanaabayaa. Toban amar oo kala duwan ayay maskaxdiisu faraysaa. Wax uu sameeyose ma yaqaan. Cabbaar haddii uu halkii ku sii xasilay, tintii gadhkana murxiyay, ayuu shimbir u baxay. Tuke duulaya ayaa kor kaga yimid! Dhudhunka ayuu kaga joogsaday. Markaasbuu Miyuusiggii bilaabmay isaga oo cataabaya, oo calaacalaya codkiisii yaabka lahaa ku xarragooday isaga oo tukihii fariin u dhiibaya;

Loo kala tag Hawliyo

Ninkii tabar yaraayee

Tol allow maxay noqon!

Toddob guuxa iyo

Tog baa igu furmee

Yaa i talaabin doona?

Bishu tooman weeyo

Tiradaa habeen la’

Adaa u tagi karaayee

Tukeyohoow! Farriin adag

Taan jeclaa u sii gee!

Loo kala tag hawliyo

Ninkii tabar yaraaye

Tol allow maxay noqon!

Xidigahan toddobada ah

Een tobanka gaadhayn

Wakhtigaa i hortaagane

Waa laygu tuuroo

Igu taran jacaylkuye

Adaa u tagi karaayee

Tukeyohoow Farriin adag

Taan jeclaa u sii gee!

Halkan ka dhegeyso:

https://www.youtube.com/watch?v=szi-JM8jesM

Haddiiba uu tukuhu kula yahay mid been-abuur ah, rumayso ama ha rumaysan waxa uu ahaa tuke dhab ah oo nool (Dib ayaynu uga sheekayn doonaa sheekada tukaha)! Heestii uu qaaday oo qoran inta uu qoorta warqad ugu qoolay ayuu sii daayay. Saa waa duulay oo magool oo qol keedii ku xabbisa, oo inta ay gidaar dhabarka ku hayso, kuudduda, oo inta ay gacmaha dooyaysatay (jilbaha ku duubatay) madaxa iyo jilbaha isa saaratay ayuu isaga oo warqaddii sida jinta bidix kaga fadhiistay!

Hadiiba way ku ambabartay, oo warqaddii hal-halleel u furtatay, illayn tuke warqad sida yaabkiisa jacaylkeedaa ka wayne! Warqaddii ayay si boobsiis ah oo aanay sugi karin isha u marisay. Cabbaar ayay qiiro iyo qushuuc jacayl ku jirtay. Ilmo ayay labada qawlalba qoyeen. Saa qalin ayay hareeraha ka haab-haabatay oo warqadda iyana markeedda dul qabsatay!

Halkaas ayuu haddana Miyuusiggu ka bilaabmay.

La Soco… …

Abdirasak Salah

Abdirasaksalah@gmail.com

+917093187448

+252634466677 (whatsapp and viber)

Hyderabad, India