Abwaan Hadraawi Oo Soo Jeediyay Inaan La Isticmaalin Ereyga ‘Agoon’

2
3746

Picture5Burco (Geeska) – Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), ayaa shalay ka qayb-galay munaasibad 1,100 carruur agoomo ah loogu qaybiyey dharka ciida barakaysan ee Ramadaan.

Xafladan dharka ciida loogu qaybiyey carruurta agoomaha ah oo ka mid ah kuwa lagu hayo goobaha barbaarinta dhalaanka ee Magaalada Burco, ayaa waxa kale oo ka hadlay Maayarka degmada Burco, Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo masuuliyiin kale, waxayna dhammaantood muujiyeen dareen aad u farxad leh oo ku aadan carruurtan aan waalidka lahayn ee dharka ciida loo qaybiyey si aanay Maalinta farxada ah ee Ciidal Fidriga u dareemin inay waalid la’aan yihiin.

Maayarka degmada Burco Maxamed Yuusuf Muraad oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyey dareen aad u sareeya “Waxa loogu tallo-galay inay la ciiddaan carruurta aabaha leh, oo wiilka ama gabadha aabaheed dhintay aanay dareemin oo aanay is odhanin aabe la lihid oo cidna dharka ciidda kuu iibin mayso”ayuu yidhi Maayar Muraad.

Madashan oo ay xaadir ku ahaayeen dhammaan carruurta agoomaha ee dharkan loogu talo-galay, ayaa waxa kale oo ka hadlay masuuliyiin uu ka mid yahay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), waxaanu u mahad celiyey ciddii dharka ciida u qaybisay carruurta agoomaha ah.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), oo isaguna ka mid ahaa marti sharafta ka qayb-gashay xafladda carruurtaasi dharka loogu qaybiyey, ayaa soo jeediyey inaan la isticmaalin erayga Agoon oo uu sheegay inuu la mid yahay Takoor.

Abwaan Hadraawi oo arimahaa ka hadlayaana  waxa uu yidhi  “Waxaan Soo jeedin lahaa erayga AGOON Inaan la isticmaalin”

Abwaanku wuxuu intaasi raaciyey “Erayga AGOON waa eray takoor ah oo dadnimada iyo dareenka midna aan u fiicnayn”ayuu yidhi.

Comments are closed.