Hargeysa (Geeska)-Abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo Saddex Qof oo kale ayaa laga soo reebay Daad marayay Dooxa Weyn Dacar-Budhuq, kadib markii uu daadku qaaday iyaga iyo gaadhigooda mar ay isku dayayeen in ay ka gudbaan daadka oo rogmanayey. Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame iyo xubnahan ku wehelinayay safarkiisa oo ku sii jeeday dhinaca Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa gaadhigii ay wateen uu la tagay daadku, laakiin nasiib wanaag dadkan saarnaa oo uu abwaanku ka mid yahay waxaa u gurmaday dadka goobta joogay oo ka soo badbaadiyey.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo khadka telefoonka ugu waramaya Shabakada Hadhwanaag ayaa waxa uu yidhi, “Alxamdulilaah Adeero waxa aanu ka tagnay Magaalada Hargeysa, waxaanan dul istaagnay dooxa Dacarbudhuq oo markaa socday. Hadaba markii aanu sidaasi u aragnay ayaanu isla garanay in gaadhiga aanu wadanay oo Landcruiser ahaa uu ka talaabi karo biyahan, hasayeeshee biyaha marayay oo xoog badnaa ayaa nala tagay”.
Abwaan Hadraawi ayaa waxa uu intaasi ku daray “Adeer balanka Illaahay hadda xabaal baanu ku jiri lahayn hadii aanu ilaahay noo soo diri lahayn dadkii na badbaadiyay, alxamdulilaah ilaahay baan ugu mahad celinayaa.
Sidoo kale dadkii gurmadka noo fidiyay ayaan iyagana halkan uga mahad celinayaa, Waxase uu daadkaasi la tagay Gaadhigii aanu saarnayn”