Abwaan Cali Sugule Oo Ku Geeriyooday Shaariqa

0
683

Dubai(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay magaalada Shaariqa ee dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday abwaankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Abwaan Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) oo muddo xanuun u jiifay.

1

Allaha u naxariistee abwaan Cali Sugulle ayaa ku xanuunsanayay in muddo ah waddanka isutagga Imaaraadka Carabta.

Cali Sugule, ayaa ahaa abwaan sameeyay heeso soo taxnaa ilaa wakhtigii gumaystihii Ingiriiska, waxaanu sameeyay heeso iyo suugaan kale oo isugu jirtay wadani, jacayl iyo hadba arrimaha kale ee taagan.

Abwaan Cali Sugule waxa la filayaa in maydkiisa la keeno magaalada Hargeysa, sida uu sheegay xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo ah guddoomiye-xigeenka xisbiga KULMIYE.

Alle haw naxariisto marxuum Cali Sugule Cigaal oo ay bulshada guud ahaan Somalidu in badan tabi doonto kaalinta ay geeridiisu ku banaysay.