Abiy Axmed Cali Oo Wasiir Cusub U Magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya

0
51

Addis Ababa (Geeska) – Raysal- wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa Dr. Gideon Timothy u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada.

Ka hor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibedda, Gideon Timothy waxa uu ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dalka Itoobiya. Gideon, ayaa ra’iisul wasaare Abiy u magacaabay inuu hoggaamiyo wasaaraddaasi kadib magacaabistii danjire Taye Atsik Selassie loo magacaabay ra’iisul wasaare ku  xigeenka Itoobiya.

Magacaabidda Dr Gideon ayaa ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay xiisad kala dhaxeeyso qaar ka mid ah dalalka dariska.

Xiisaddahaasi waxaa ugu wayn midda kala dhaxeeysa Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska badda ee Itoobiya la gashay Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo sidoo kale dhigaya in Itoobiya aqoonsato Somaliland.

Taye Atsik Selassie oo horey u ahaa wasiirka arrimaha dibadda ayaa aad ugu howlanaa wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya. Ambassador Taye Asqesillase ayaa sidoo kale sanado badan ahaa Safiirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay. Dr Gideon waa xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga Barwaaqo, wuxuuna ka mid yahay dhalinyaradii xilalka loo dhiibay ee xukuumadda soo galay ka dib markii uu xukunka la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy.

Markii hore, Dr. Gideon waxa uu soo noqday Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaana uu ka mid ahaa ergadii ay dowladda u qaabilsanaa wada xaajoodyadii TPLF ee Pretoria ee lagu soo afjarayay dagaalkii Tigray.

Waa nin ay aad isugu dhow yihiin ra’iisul wasaaraha imika xilka haya ee Dr Abiy Axmed.

Dr. Gideon oo khibrad durugsan u leh arrimaha sharciga ayaa bare dhanka sharciga ah ka ahaa Jaamacadda Addis Ababa, Jaamacadda Hawassa iyo Jaamacado kale.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa ah mid muhiim u ah diblamaasiyadda iyo siyaasadda arrimaha dibedda ee dowladda, iyada oo haatan ay Itoobiya khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhex galay dalalka deriskeeda ah.

Dr. Gideon wali horey uma soo qaban xil la xiriira arrimaha dibadda, balse waa khabiir dhanka sharciga ku xeel-dheer