Aabbaha Dhalay Gabadh 13 Jir Ah Oo Lagu Kufsaday Xarunta Agoomaha Hargeysa Oo Ka Hadlay Dhibaatada Murugada Leh Ee Inantiisa Haysata

0
585

Hargeysa (Geeska) – Dhawaan waxa soo baxay Warar sheegaya in Gabadh yar lagu faro-xumeeyay Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa ee ay maamusho Dawladdu, gabadhaasi oo ka mid ahayd Carruurta lagu hayo Goobtaasi.

Aabbaha dhalay Gabadha la faro-xumeeyay oo Magaciisu yahay Xariir Raage ayaa markii koowaad ka hadlay Xaaladda Inantiisa iyo tirada Ragga falkaa geystay, isagoo cabasho ka muujiyey in maaddaama oo markii falkani ku dhacay Inantiisa uu indho la’aa laga qariyey in Gabadhiisu uur yeelatay markii la faro-xumeeyay.

Aabbo Xariir Raage oo faahfaahinaya sida uu markii hore Carruurta u geeyay Xarunta Agoomaha Hargeysa wuxuu yidhi “Laba Hablood iyo Wiil ayaan geeyay Xarunta Agoomaha, maadaama oo ay Hooyadoodna Maskaxda ka xanuunsanayso, Aniguna waan Indho la’aa markaa, Il ayaa beri dhawayd Manhal Dar Ilaahay iigu jeexay, markaas ayaan Xarunta geeyay oo aan is idhi Halkaas ayay Xanaano iyo Daryeel ka helayaan.”

Aabbaha oo ay ka muuqato Murugo ayaa sheegay inuu ogaaday gabadhiisa oo 5 bilood uur leh “Arrintan (Kufsiga) waxaan maqlay Dabayaaqadii bisha Shabcaan, 8 bilood ka horna way dhacday oo imika waa Xaamilo, anigoo Jimce kasta u tagayey iimay sheegin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waan tagay Xafiiska Maamulka, waxaan waydiiyey inay ogyihiin Uurka Inanta, Haa waanu ognahay ayay yidhaahdeen, sidaa waxa igu tidhi Caasha oo ah Islaanta Xarunta Haysata, waxay tidhi 8 Nin ayay noo sheegtay Inantu (8 Nin baa Kufsiga geystay), waa Xerada ay seexdaan Gudaheeda, intii ay Xaaladdu dhacday ayay Dibedda uga saartay Xerada (Inanta), markaa Qolada Maamulku way qariyaan (in la kufsaday Inantayda) waxayna gaadheen in Inanta laga soo rido Ilmaha (Way isku dayeen), laakiin Dhakhtarkaa ka diiday.”

Aabbuhu waxa kale oo uu sheegay “8-da Nin mid baa qirtay bay yidhaahdeen, laakiin inta kale may qiran, kii qirtay ayay yidhaahdeen inanta aanu u dhisno, laakiin kama aqbalin, Sharciguu miyuu dhigayaa ayaan ku idhi, Diinta Islaamku miyey dhigaysaa In nin Wax kufsaday haddana la yidhaa (ha guursado Inantii) ? miyeynaan islaam ahayn, waxaan la socodsiiyey Hay’adihii ay khusaysey oo dhan, laakiin waxba ii dhaqaajin waa’, sidaasi darteed waxay igu keliftay inaan Islaamka (Hortiisa)  ka sheegto Gartayda, si Cawo u hesho Xuquuqdeeda..”

Aabbuhu waxa kale oo uu cabasho ka muujiyey in Maamulka Xaruntu u diiddan yahay inuu Carruurtiisa arko “Doraad baan u tagay iigu yeedha ayaan idhi, waalla ii diiday, shalay baan u tagay waalla ii diiday” ayuu yidhi, Aabbo Xariir Raagge oo u warramay Telefiishanka HCTV, waxaanu intaa ku daray “Waxaan dalbanayaa Dawladda iyo wixii Islaam ah ee arrintaa wax igala qaban karaya ee meel aan Carruurtaa isugu urursado iga taageeraya in wax la igala qabto, Cawo-na ay Caddaalad hesho, kuwa helayna (Faro-xumeeyay) loo mariyo sharciga ayaan codsanayaa..”