5 Dersi Oo Uu Cigaal Shidaad I Baray

0
1219

W.Q: Rachel Pieh Jones, waxaa turjumay Kamaal A. Ali … (Q. 1)Picture1Cigaal shidaad ayaa habeen habeennada ka mid ah isaga oo safar ku jira dhul miyi ah, waxa uu arkay wax libaax ula e’kaaday oo jidka uu mari lahaa badhtankiisa soo fadhiya. Fulay buu ahaa, waxa aanu markiiba aaminay in waxan uu arkayaa uu libaax yahay, Cigaal Shidaad halkii uu markaas marayey ayaa uu istaagay, kadib inta uu leebkiisii iyo qaansadiisii la soo baxay ayaa uu isu diyaariyey in uu iska difaaco weerarka kaga yimaadda libaaxan. Dhowr jeer kor ayaa uu u qayliyey si uu libaaxa u cabsi geliyo, laakiin qayladii waxba ma tarin, oo libaaxii uu arkayey halkiisii ayaa uu iska sii taagnaa, isna waa uu ka baqay in uu dhaqaaqo oo uu socodkiisa iska sii wato.

Markii uu waagii baryey, waxa uu Cigaal Shidaad arkay in waxa xalay oo dhan uu hortaagnaa ahaa jirrid geed ka hadhay. Inta uu ku dhowaaday ayaa uu yidhi, “Kurtin yahow ma’ waxa aan ku mooday, mise waxa aad noqotay, mise waxa aan loo noqon doonin? Waxa aan ku mooday libaax, waxase aad noqotay kurtin, waxa aan loo noqon doonin guure habeennimo”

Waa sheeko xariiradii ugu horreysay ee aan ka bartay qisaska tirada badan ee laga sheego fulaygan Soomaaliyeed. Qisadan waxa aan akhriyey markii aan ku noolaa magaalada Minneapolis ee Maraykanka oo hoy u ah kumannaan Soomaali ah, qaar badan oo ka mid ahna aanu deris ahayn.

Sannadkii 2003dii ayaa, Aniga, saygayga iyo mataanahayga oo laba sano jiray aanu tagnay magaalada Boorama ee Somaliland. Odaygaygu waxa uu macallin ka noqday jaamacadda Camuud aniguna waxa aan xoogga saaray in aan maamulo labada carruur ah ee mataanaha ah iyo nolosha dunidan igu cusub ee yaabka badan.

Waxyaabaha xiisaha leh ee aan Somaliland kala kulmay waxaa ka mid ah sheeko xariireedda deegaankaas iyo halyeeyada umaddaas oo aan bartay. Dadka deriska ah ayaan ka codsan jiray in ay iga sheekeeyaan, sheekooyinka ay iga warrameenna waxaa ka mid ahaa, Dheg-dheer, Araweelo, Diin iyo Dacawo iyo Dabcan Cigaal Shidaad.

Anigu uma aan garaabin gabadhii dad qalatada ahayd ama boqoraddii ragga oo dhan dhufaantay, balse waxa aan u garaabi karaa ninka fulayga ahaa. Waa aan fahmi karaa halka uu wax-isk-tusay iyo sida uu arkayey, cabsidii naafaysay markii uu jidka dhexdiisa taagnaa isaga oo hortaagan Libaaxii / Jirriddii, inkasta oo aan u calool dabcay Cigaal, haddana ma’ doonayo in aan isaga oo kale noqdo, sidaa awgeed waa in qisadiisan aan duruus ka bartaa.

Su’aashu waxa ay tahay, “Maxaa gabadhan Ajaanibka ahi ay ka baran kartaa Cigaal Shidaad si ay ugu noolaato uguna badhaadho Geeska Afrika?”

1. Aragtida Kowaad ha ku go’aan qaadan: (Waa Dersiga Koowaad)

Cigaal Shidaad waxa uu dhex lugaynayey gudcur habeennimo, waxa aan ku guuldarraystay in uu hubiyo bal in fahamka uu aragtidii koowaad ka qaatay jiriddani run yahay. Inkasta oo ay xaqiiqadu tahay in humaaggaa Libaax ee uu arkayey aanu mar keliya guux iyo cod samayn, isla markaana aanu dhaqaaqin habeenkii oo dhan, haddana Cigaal ma’ uu sawiran in waxani uu wax kale noqon karo.

Aniga qudhayda ayaa lugeeyey gudcurka dabiiciga ah. Waxa aan weli maskaxdayda ka bixin, mararkii igu horreysay ee aan dhex lugeeyo suuqa xaafadda aan deggenaa (Boorama). Waxa aan la socday gabadh aan u soo kaxaystay in ay shaqada guriga iga caawiso, aniga oo ku dhex xannibmay dhagaxaan iyo tiin dhexdood, ayaa uu dhagax yari igaga dhacay cagta xaggeeda dambe.

Dhagaxa igu dhacay waxaa soo tuuray carruur yaryar oo kadinka gurigooda soo taagnayd. Dareenkii koowaad e aan ka qaatay, waxa uu ahaa in ay yihiin nacab naxariis daran, oo dhagaxan ugu talogalay in ay igu xaqiraan ama iguba dakhraan, laakiin haddana markii aan eegay carruurta wejigoodii, waxa aan arkay dhoolla caddayn weyn, indho widh-widhaya, iyo gacmo si hammuum leh ay igu lulayaan salaan. Keliya dhagaxan waxa ay igu soo tuureen in ay igu soo jeediyeen, si ay ii salaamaan.

Marka aynu dhex joogno deegaan aanaynu afkiisa qoon iyo dhaqan aynaan famin, bani’aadamka waxaa iskaga abuurma dareen ah is-difaac, iyo in uu malaysto in dadku ay isaga ka soo wada horjeedaan. Waa dareen dabiici ah oo la xidhiidha cabsida iyo waxa aad dareemayso oo ah in mar haddii aad shisheeye tahay aad nugushahay.

Runtii arrintani waxa ay shabbahdaa libaaxii, dadkaa aynu ka baqanayno iyo dhagaxaas aynu u qaadanayno in uu yahay mid la innagu xaqirayo. Waa sida kurtinkii aan dhibta lahayn, waa ishaaro soo dhoweyneed. Imika waxa aan ogahay oo aan bartay in aanan fahamka iyo aragtida koowaad ee aan qaato aaminin (Ku go’aan qaadan).

2. In shay kasta aad runtiisa (Xaqiiqadiisa) u barataa waa muhiim (Dersiga Labaad):

Si aynu shay kasta si sax ah ugu ogaanno, waa in marka hore aynu ogaanno waxa runta ah ee uu yahay, taasina waxa ay u baahan tahay baadhitaan, faduulinnimo iyo u fiirfiirsi ah, maskax furan, iyo in qofku u diyaar garoobo in uu dib ugu noqdo ama wax ka beddelo aragti iyo faham uu mar ka hore haysty.

Waxa aynu arkaynaa in Cigaal Shidaad ay habeen dhan ku qaadatay in uu aakhirkii ogaado runta waxan libaaxa uu modayey. Tusaale ahaan qisadu sheekooyinka qaar ayaa ku daraya in hawsha uu u socday ay ahayd geel ka cararay oo uu raadinayey, haddii ay sidaas tahay, waxaa inoo muuqata in waqti badan oo geelii sii fogaanayo ama bahal helayo uu ku lumiyey baqdintiisa darteed.

Tusaale ahaan; Warbixinnaha warbaahinta qaarkood faafisaa waxa ay kiciyaan in Islaamka sas laga qaado, waxa ay rayulcaamka ka dhaadhiciyaan in Muslim uu la mid yahay Argagaxiso. Ama in Soomaali uu la mid yahay Al-Shabaab. Intii aanan soo guurin, marka aan dadka u sheego in aan u guurayo Somaliland, qaarkood arrintaas lafteeda ayaa ay i weydiin jireen. “Oo ka waran dadkaas cabsida badan (La noolaanshiyahooda) iyo rabshadahaas badan ee ka jira?” ayaa ay I weydiinayeen.

Markii aan Somaliland imi, waxa aan ogaaday inkasta oo ay run tahay in dad ay tahay in laga baqaa ay jiraan, waxoogaa xasarado ahina dhacaan, laakiin haddana ay taasi aad u yartahay. Waxaa iyaguna jira; hooyooyin, arday, macallimiin, deris fiican, dhakhaatiir, muusishanno, iyo xoolo dhaqato fiican. Sidaa awgeed, ma doonayo in aan Cigaal Shidaad oo kale noqdo. Ma’ doonayo in aan waqti ku lumiyo baqdin ku timid keliya aniga oo ku guuldarraysta in aan si dhab ah u garto dadka aan la macaamilayo. La soco…