98 Arday Oo Ka Qalin Jebiyay Kuuliyadda Caafimaadka SHIFO

0
857

Picture3Hargeysa(Geeska):-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo qabtay 98 arday oo ka qalin jabiyey qaybaha kala duwan ee Kuliyada caafimaadka Shifo, ayaa lagu qabtay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Waxaana ka soo qayb galay wasiirka wasaarada deegaanka Somaliland, wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada, madax ka socotay xukuumada Siilaanyo, asxaabta qaranka, Dr.Gaboose, dhakhaatiir, madax-dhaqameed, maamulka kuliyada Shifo, ardayda qalin-jabinaysay, haween iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Guddoomiyaha kuliyada caafimaadka ee Shifo Md.Cali Axmed Cali oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyey ardaydan ka qalin jabisay Kuliyada caafimaadka ee Shifo iyo sida oo kale maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay kuliyada caafimaadka ee Shifo.

"Shifo, waxay aas aasantay sanadkii 1999kii, waxaana ay shahaadadii caafimaadka ay ka qaadatay wasaaraa caafimaadka wakhtigaas isaga ah, sida oo kale qaybaha Shifa ka qalin-jabiyey, waxaa ay u qalin jabiyeen qaab ay u soo koraysay oo ay waaqica iyo duruufta dalka ka jirtay ay la soo galaysay, Shifo waxaa ay noqotay kuliyad soo jirtay muddo 15sanno ah, maantana ay u qaan gaadhay wiilkii ka dhasayna uu ka shan qaaday, markaa waxaa aanu qorshaynay oo aanu qorshe dheer ka dib in ay Shifo noqoto kuliyad ka duwan oo ka gudubta Kuliyadnimadii oo noqota Jaamacad, ardayda wakhtigaas ilaa hada ka qalin jabisay waxa weeyaan 965 arday, maantana waxaa ka qalin jabiyey 18arday oo ah  Labaratory Technician iyo 80arday oo ah Clinical Nursing. Intaa ka dib waxaan halkan ka sheegayaa in hindisihii Dr:Saleebaan Rambo uu hirgalay muddo 15sanno ah ka dib, waxaana uu isu badelay jaamacad, haddii uu hindisihii Dr.Rambo uu hirgalayna waxaa aanu maanta laga bilaabo jaamacada Shifo aanu ku wareejinaynaa dhakhaatiirta qaranka oo ragoodii ugu waaweynaa ay maanta halkan inoo fadhiyaan, annaguna maamul ayuunbaanu noqon doona hawsha caafimaadkana iyaga ayaa bixin doona.".Ayuu yidhi Md.Cali Axmed Cali.

Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa ugu horeyn u hambalyey ardayda ka qalin-jabisay kuliyada caafimaadka Shifo, waxaana uu sida oo kale ku dheeraaday ahmiyada balaadhan ee ay leedahay barashada cilmiga caafimaadku.

"Kuliyada Shifo muddo dheer oo dhawr iyo toban sanno ah ayey khibrad u soo yeelatay arrimaha caafimaadka, shaybaadhka iyo xirfadlayaasha kaleba, waxay u gudubtay heer ah in ay u gudubtay kaalin ka baaxad weyn oo ah in ay kuliyad caafimaad ay u gudubto, waad ogtihiin oo caafimaadka barashadiisu waa arrin aad iyo aad xasaasi u ah, waa arrin aad iyo aad muhiim u ah waayo Illaahay waxaa uu dunidan u abuuray waa bani-aadam oo khaliifadiisa ah, markaa cida baranaysa caafimaadku waxaa ay si toos ah ay u taabanaysaa oo ay ula xidhiidhaysaa oo ay xadkii, dareenkii iyo kalsoonidii qofka bani-aadamka ah, markaa barashada arrimaha caafimaadku waa arrimo aad iyo aad u nugul, waa arrin haddii ay qaloocato muddo dheer dhibaatadeedu ay bulshada ka muuqanayso, markaa marka ugu horeeya waxaa aan u hambalyeynayaa dhalinyarada qalin-jabisay, waxaana aan idin leeyahay hambalyo hambalyo, waxaana aan Illaahay idiin ka rajaynayaa in uu hortiina dhigo mustaqbal wanaagsan".Ayuu yidhi Dr.Gaboose.

Guddoomiyaha jaamacada Bader Pro.Mubaarik Ibraahim Aar oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in kuliyada caafimaadka ee Shifo oo soo jirtay muddo dhawr iyo toban sanno ah ay u qalanto in laga dhigo jaamacad, waxaana uu tibaaxay in ay hada gaadhay wakhtigii ay noqon lahayd jaamacad bixisa culuumta caafimaadka.

"Run ahaantii waxaan aad ugu mahad naqayaa Kuliyada Shifo, Shifo maanta waxaa ay mudan tahay in ay noqoto jaamacad muddo 15sanno ah ayaa ay soo jirtay, waayo caadiyan waxaa la yidhaahda marka jaamacad la samaynaayo waa in ay hore u soo jirtay oo ay Kuliyad u soo ahayd oo ay halka hoose ka soo bilowday si ay ugu danbayna ay u noqoto jaamacad, waana sida ay maanta runtii noqotay  jaamacad Shifo.markaa aad ayaan runtii taas u soo dhawaynayaa, ardaydana waan u tahniyadaynaa ee maanta qalin-jabinaysa.".Ayuu yidhi Pro.Mubaarik Ibraahim Aar.

Boqor Raabi oo ka mid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland, oo  isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey, ayaa waxaa uu taabtay muddadii uu soo yaqaanay kuliyada caafimaadka Shifo, waxaana uu yidhi:"Waxaa aan aqaanay oo aan aad u garanayaa kuliyada shifo, kuliyada shifo oo aan muddo dhawr iyo toban sanno ah aan aqaanay oo soo saaraysay dad u tobabaran caafimaadka, waxaa aduunka ugu qaalisan wax la galiyo waa bani-Aadamka, bani-Aadamku marka uu khaliifo dhulka ka yahay deedna tobabaro la siiyo, si wanaagsana uu u isticmaalo, waxa ugu fiican ayaa ka soo baxa, dadkii intaaba ka soo qalin-jabinaayey kuliyadan Shifo waxaa ay kala yihiin qaar wadanka jooga iyo qaar dibadaba ku maqanba, maantana ardayda soo qalin-jabisay waan hambalyeynayaa, waxaanan leeyahay waxbarashada halkaas ka sii wada.".

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Md.Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:"Marka hore waxaan hambalyeynayaa ardayda quruxda badan ee inamo iyo hablaba isagu jirta guusha ay gaadheen awgeed, sida oo kalena in aanay odhan waxbarashadii ama qalinkii ayaanu jabinay ee dib waxbarashada loo sii bilaabo, waxaan kale oo aan aad iyo aad ugu faraxsanahay hablo fara badan oo iyaguna ka qalin jabinaya kuliyada Shifo oo inamada la tartamaya, waayo waxa aynu ognahya in ay dumarkeenu xishood badan yihiin oo qaar fara badan aanay raga dhakhaatiirta ah aanay u tagin oo ay xarumaha ka xishoodaanba hadaba ardayda halkan ka baxayaa waxa ay yihiin dadkii udub dhexaadka u ahaa caafimaadka oo haddii aanu dhakhtarku warbixin wanaagsan aanu Labka ka helin, kalkaaliso caafimaad oo naxariis badana aanay la shaqaynayn dee waxiisu meel ma gaadhayaan, markaa dhakhtarka laftiisu idinka ayaa uu idin ku tiirsan yahay.".

Wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo.Shukri X.Ismaaciil Baandare oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi:

"Maanta mar haddii kuliyadii Shifo Jamaacad laga dhigay, waxaa loo baahan yahay dadaal dheeraad ah, aqoon iyo dedaal ardayda la galiyo runtiina waan ku hambalyeynayaa maanta in Kuliyada Shifo ay noqoto jaamacad, ardaydan maanta qalin jabinaysana waan u hambalyeynayaa ee soo dedaashay ee halkan soo gaadhay." 

Ugu danbayntiina waxaa halkaas shahaadooyin lagu guddoon siiyey ardaydii qalin-jabisay iyada oo kuwii kaalmaha hore galayna abaal marino la siiyey.