“26ka Juun Waxaan U Aragnaa In Wakhtigii Madaxweynuhu Dhammaaday, Waxaana Loo Baahan Yahay Dawlad Midnimo Qaran”

0
716

sssHargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in uu dhammaaday wakhtigii Xukuumadda hada jirta xilka loo dhaariyey, waxaana uu carabka ku dhuftay in hada loo baahan yahay in la dhiso dawlad midnimo qaran ah oo ka shaqeysa sidii dalka ay uga suurta galin lahayd qabsoomida doorashooyin xor iyo xalaal ah, isaga oo sida oo kalena Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in uu shuruucda dalka inta isaga qabanaysana uu ka boodo inta kalena uu sheego.

Inj.Faysal Cali Waraabe, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay ka soo degaayey garoonka diyaaradaha ee Cigal ka dib socdaal uu muddooyinkii danbe ugu maqnaa dalka Jarmalka iyo sida oo kale Immaaraadka Carabta, waxaana uu ugu horeyn ka warbixiyey ujeedooyinka safarkaasi.

“Anigu waxaan ka soo noqday Jarmalka, halkaas oo aniga iyo wasiirka qorsheyntu aan kaga qeyb-galnay shir caalami ah oo ilaa 46 dal ay ka soo qeyb-galeen, waxaan uu shirkaasi ku saabsanaa sidii aduunyada nabad looggu wada noolaan lahaa. Sida oo kale waxaan la kulanay hay’addo ka tirsan Jarmalka iyo shirkado kale oo badan oo doonaya in ay Somaliland maal-gashadaan. Waxa kale oo aan soo maray Dubey, waxaana aan iyagana kala soo kulmay mujtamac ka soo jeeda Laascaanood, iyo Boorama oo aad iyo aad uga wer-wersan arrimaha ka dhacaaya deegaamadaas, talooyina waan ka soo qaaday, sidii arrimahaas loo soo afjari lahaa.”.Ayuu yidhi Inj.Faysal Cali Waraabe.

Inj.Faysal Cali Waraabe, waxaa uu sida oo kale sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhakhsaha badan loo meel mariyo heshiiskii sadexda Xisbi Qaran iyo Xukuumaddu ay ka gaadheen khilaafkii muddooyinkii danbe ka dhashay Muddo Kordhinta, isaga oo tilmaamay in ay heshiiskaas u arkaan mid sharci ah oo ay ku heshiiyeen hay’addaha ay khuseeyaan.

“Innaga Somaliland ahaan marka aad eegto arrimo badan ayaa inna horyaala, arrimahaas badan ee inna horyaala waxaa loo baahan yahay in si wada-jir ah looga wada-tashado, haddii aan arrimahaas la dhammayna waxaan filayaa in aan Somaliland mustaqbalkeedu qurux badnaaneyn, waxaan ognahay in sadexda Xisbi Qaran ay gaadheen heshiis, heshiiskaas ay gaadheena in la hirgaliyo weeye, madaxweyne ku xigeenkuna waa uu nala saxeexay, taa macnaheeduna dawladuna waa ay kula jirtaa, haddaanay kala socon madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku, laakiin waxaan filayaa in ay dawladu ku mideysan tahay ra’yigaas. Waxa weeye sharci ayaa aduunka jira, waxii lagu murmo Maxkamad distoori ah ayaa jirta, maaha in ilaa imika lala sugo arrintii oo maanta doorashadii waa ay laalan tahay, waxaa ay ahayd in la dhaqaajiyo, oo go’aankaas ay gaadheen sadexda Xisbi lagu talaabsado sidii loo meel marin lahaa. Annagu waanu ixtiraamaynaa Guurtida, waxaanu se arragnay in aanay sababahii ay wax ku kordhinaysay aanay meesha jirin, abaaro ma jiraan, dagaalana ma jiraan, dhulkuna waa nabad, waxaana aan sharci u aragnaa in ay yihiin waxiii hay’addaha ay khuseeyaan ku heshiiyeen.”.Ayuu yidhi Inj.Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Inj.Faysal Cali Waraabe, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu ka hadlay hadal dhawaan ka soo baxay  Madaxweynaha kaas oo salka ku hayey Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay in heshiiska sadexda Xisbi Qaran lagu salayn doono shuruucda dalka u yaala, waxaana uu madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in uu ka hadlo sharuucda isaga dan u ah balse aanu soo hadal qaadin kuwa isaga qabanaya, waxaana uu yidh:

“Madaxweynahu waa uu hadlay oo waxaa uu yidhi dalku sharci ayaa uu leeyahay, waa run oo sharci waa uu leeyahay, sharciguna maaha in uu waxii isaga taabanayana ka boodo, waxii kalena u sheego, dastuurku waxaa uu leeyahay shan sanno ayaa madaxweynaha la dhaariyey, shantiina waa ay dhammaadeen, waxii hada ka danbeeyana waxaa lo baahan yahay in dawlad midnimo qaran ah la dhiso oo ka shaqeysa sidii diiwaan-gelin fiican loo samayn lahaa, sidii sharciyada doorashooyinka loo samayn lahaa, sidii uu Komishanku dib ugu eegi lahaa goobaha codbiyeyaasha oo Lix sanno horteed la sameeyey oo magaalooyinkii kordheen, markii horena aanu arkaynay in aanay si cadaalad ah u samaysnayn, meelana la buuxiyey meelana la yareeyey in lagu noqdo ayaa loo baahan yahay, waxaa loo baahan yahay in dib loo eego dastuurkeena oo waa kaas kolba aynu isku murganayno, waxaa loo baahan yahay in arrimaba bariga iyo galbeedka si dhakhso ah loo soo afjaro.”.

Inj.Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu soo jeediyey in la joojiyo wada-hadalka u dhaxeeyey Somaliland iyo Somaliya inta la helaayo ayaa uu yidhi dawlad lala hadli karo oo ka timaada dalka Somaliya.

“Waxaa loo baahan yahay in la joojiyo wada-hadalka Somaliland iyo Somaliya, maadaama aanay halkaas dawladi ka jirin, oo Xasan Sheekh maamulkiisu ay xoogga saareen sidii ay Somaliland wax-u-yeeli lahayd oo aanay u jeedin wada-hadal, maadaama ay muuqato maanta in shaadhkii Soomaali loo tolay uu leekaan waayey oo uu fashilmay, markaa waxaa la innooga baahan yahay in ilaa inta halkaas ay dawlad ka soo baxayso oo dawlad sidata buuggii Maxamed Siyaad Barre oo isleh Somaliland isku dir oo ka dhig kooxo iska soo horjeeda oo ahayd tii uu Maxamed Siyaad Barre ku guul daraystay in la joojiyo ayaa loo baahan yahay, waxaan guud ahaan arrimahas loo baahan yahay in talo mideysan la iskaga yimaado , la is dhageyto, hawsha Somaliya innaga ayey innoo taalaa, xalkeedu innaga ayuu innoo yaala oo hawshaas innaga uun ayey innoo taala, se waxaynu taa hagaajinaynaa marka aynu teena ka soo baxno.”.Ayuu yidhi Inj.Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Inj.Faysal Cali Waraabe, waxaa uu ugu danbeyntii sheegay in 26ka Juun ay u arkaan in uu dhammaaday wakhtigii Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Siilaanyo, waxaana uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay sidii loo dhisi lahaa dawlad qaran.

“Xukuumaddana waxaanu leenahay 26ka Juun waxaan u aragnaa in wakhtigii madaxweynahu dhammaaday, sidii wax loo cusboonaysiin lahaana waxaa ay ku xidhan tahay sida la iskugu yimaado, waxaana aanu leenahay wakhtigii dawlada Axmed Siilaanyo waa gabaabsi, waxaana loo baahan yahay dawlad midnimo qaran ah oo la wada leeyahay, Kulmiyena codkii la siiyey waxaa uu ku dhammaaday 26ka Juun.”.Ayuu yidhi Inj.Faysal Cali Xuseen.