Warqad Furan Oo Ku Socota Wasiirka Biyaha

0
928

Picture1Aniga oo tixraacaya, qoraalkii ka soo baxay, Wasiirka Wasaaaradda Biyaha, ee tibaaxay in Somaliland loogu deeqay 18-ceel, oo la qodayo Sannadkan, loona qeybinayo lixdii Gobol ee hore, Magaalooyinka ku teedsan Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya oo ay ku jirto Magaalo Madaxda Gobolka Hawd ee Baligabudle, loo sameeynayo Warro ama Dhamaam. Haddaba waxaan wasiirka ogaysiinayaa in intii aynu Dawladnimada  aynu helay  1960-kii iyo ka horba Gobolka Hawd laga qabtay Ceel laga qoday Salaxlay, iyo Barkad weyn oo laga sameeyey wakhtigii Kacaankii isla magaladaas, halka Gobolada kale oo dhan laga sameeyey Ceelal dhaadheer/Gaaban, iyo Warraba. Iyada oo aan  intii Wadanka lagu soo noqday wixii Siistam biyood ee jiray dhammaan Magalooyinka aan dib u wada sameeyey   1992-kii ilaa 2000,  Gobolka Soolna 1997-kii, u hirgaliyey mashaaricii ku qiimeysan 400-boqol oo kun oo dollar, (Biyo iyo Faya-dhawr),Laascanoodna u hirgaliyey (Water System),  kana daboolay Ceelashii Magaalada dhexdeeda ku yaalay ee biyahoodu nadiifta ahayn,  Bam Gacmoodna ugu rakibay si Dharka uun loogu maydho.

Iyada oo Baligubadle tahay Hooyadii la deganaa markii Somaliland la xoraynayey (Xaruntii SNM), waxa ay mudan tahay in 18-ceel, mid la siiyo, sababtoo ah in meel Dhamka la cayimay laga qodayo aanay jiriin.

Caruurta aan dhalay oo Barkad Waqaf ah hooyadood uga sameeyay deegaankaas, waxa u suurtogeli weyday meel ay gacan  biyood uga sameeyaan, iyadoo taako walba qof sheeganayo, hirgelinta Dhaam laga sameeyaa way adag tahay.

Eng: Cali Haybe Maxamed

Tel: 063-4422738