104 Arday Oo Ka Qalin Jabiyey Jaamacdda Hope University Ee Hargeysa

0
649

Picture3Hargeysa(Geeska)-Jaamacadda Hope ee magaalada Hargeysa ayaa xaflad balaadhan u qabatay 104 arday oo  ah Dufcadii 8aad oo ka qalinjabiyey Jaamacadda Hope University ee magaalada Hargeysa, qaatayna shahaadada koowaad ee degree iyo shahaadada Diploma.

Xafladan waxa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Gudoomiyaha Jaamacadda Hope Professor Najiib Cabdi Kariin, Wasiirada Ciyaaraha,wasiir ku xigeenka Arrimaha Bulshada,wasiiru-dawlaha wasaaradda Tacliinta sare,waalidiinta Ardayda la sii sagootiyey iyo marti kale.

Gudoomiyaha Jaamacadda Hope Professor Najiib oo halkaa ka hadlay waxa uu ka waramay qiimaha ay bulshada ugu fadhido Jaamcadda Hope taas oo sida uu sheegay iyada horteed aanay Jirin meel kale oo laga baranayey cilmiga Shaydbaadhka isaga oo arrimahaa ka  hadlayeyna waxaa hadaladiisii kamid ahaa “waxaa ilaahay madiis ah inay Jamacadda Hope noqotay Jaamacadii ugu horeysay ee dalka Keentay barashada cilmiga Shaybaadhka”

Dhanka kalana waxa uu ka hadlay markay ardaydani qaataan shahaadooyinka inay shaqdad hore ka galayaan balse aanay suuqa galidonin iyaga oo bilaa camal ah “ma dhicidoonto sida Jaamcadaha qaarkood markay shahaadada qaataan inay suuqyada gali jireen balse kuwani waxay shaqada bilaabi doonaan hadda wixii ka dambeeya “wawaa  ilaahay mahadiis ah inay Ardayda Hope ka baxayaa maanta wixii ka dambeeya ay shaqada galidoonaan hadii ay waayeen shaqo loogu yeedho xataa waxay ku shaqasyan karaan cilmigii ay soo barteen” ayuu yidhi Gudoomiyaha Jaamacadda Hope.

Waxa isaguna halkaa ka  hadlay wasiiru-dawlaha wasaaradda waxbarashada Axmed Nuur Faahiye waxaanu ka hadlay dadalka xukuumadda ee ku wajahan dhiiri gealinta waxbarashada waxaanu carabka ku dhuftay inay Somaliland Dawladu badan oo caalamku aqoonsan yahay ka fiicantahay “Dawladdu iyadaa idinka jecel inaad shaqo heshaan,inaad meelfiican ka soo muuqataan idinkana waxaa laydiinka baahan yahay 104 tiinaa Arday ee maanta Hope ka baxay inaad dhiniciina kala dadaashaan xukuumadda” ayuu yidhi Mr Faahiye. Wasiir ku xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada marwo Shukri Xariir ayaa iyana halkaas ka hadashay.

Madaxweyne ku xigeenka Mr Saylici oo gabagabadii xafladdaa ka hadlay waxa uu sheegay tan iyo 1991 kii wixii ka dambeeyey inay Somaliland maalin-ba heer soo maraysay maantana ay gaadhay meel fiican balse loo baahanyahay inay dadku isku tashadaan oo ay wax wada qabsadaan.