10 Qoddob Oo Uu Soo Bandhigay Guddoomiyihii Hore Ee Dawan

41
3106

 

Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyihii hore ee Wargeysyada Dawan Media Group, Maxamed Cismaan Mire (Sayid), oo xilkii khamiistii ku wareejiyey agaasimaha cusub ee waaxda wargeysyada Maxamed Axmed Jaamac [Calooley], ayaa sharraxay waxyaabihii u hirglay iyo  horumarkii uu gaadhsiiyey  iyo dhibaatooyinkii uu kala soo dabaashay.

Waxa kaloo Maxamed Cismaan Mire [Sayid] uu ka hadlay siduu u arko xilka qaadistiisa. Khudbadiisii oo dheerayd waxay u qornayd sidan:-

“Marka hore waxaan u mahadnaqayaa Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ee halkan fadhida oo uu ugu horeeyo Wasiir Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Marti sharafta qiimaha badan ee munaasibadan nagala soo qayb gashay oo aan leeyahay waad ku mahadsantihiin sida aad noo sharafteen ee aad u soo ajiibteen martiqaadkayagii.

Waxa kale oo aan si weyn ugu mahadnaqayaa shaqaale weynaha Dawan Media Group ee aanu muddada dheer soo wada shaqaynaynay, oo runtii ah shaqaale aad u wanaagsan, shaqaale hawl kar ah, shaqaale daacad ah, shaqaale wadaniyiin ah oo hadh iyo habeenba u soo jeeda sidii ay dalkooda iyo qarankooda ugu shaqayn lahaayeen. Shaqaalaha Dawan Group waa shaqaale dhib iyo dheefba wadaaga oo midaysan, waa shaqaale aanay  marnaba qalbigayga iyo xusuustayda ka bixi doonin sidii wanaagsanayd ee ay iila shaqeeyeen. Si gaar ah waxaan halkan uga xusayaa oo aan uga mahadnaqayaa Gudoomiye ku xigeenkaygii, ahaana Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Dawan Cumar Maxamed Faarax. Cumar oo waa shakhsiyad cajiib ah, oo isku darsaday hawl karnimo, daacadnimo, akhlaaq wanaag, xishood iyo  dulqaad. Waxaan qirayaa oo aan halkan ka caddaynayaa Cumar la’aantii inaanay waxba ii suurto-galeen oo aanan waxba qaban kareen. Wasiir Cumar waad dalacsiisay, waanad ku mahadsantahay laakiin meesha aad u dhiibtay waa meel xaaladeedu aad u liidato oo u baahan in wax badan laga qabto, markaa waxaan kaa codsanayaa inaad Cumar wax la qabataan oo hawshiisa ku taageertaan. Aniguna waxaan Cumaroow kuu balanqaadayaa inaan kuula shaqayn doono sidii wanaagsanayd ee aad iila shaqaysay si la mid ah, waxaan ku leeyahay igu tasho oo igu xisaabtan, waan kula joogaa oo kaamaan tagine. Intaa ka dib waxaan wax ka taataabanayaa waxyaabihii aanu qabanay mudadii aanu xilka haynay.

MAGACAABISTAYDII IYO XAALADII DAWAN GROUP

Xilka Gudoomiyenimo ee Wargeysyada Qaranka ee Dawan  Group waxaa la ii magacaabay 25/8/2010-kii.  Iyada oo aan ahaa Gudoomiyihii 9aad ee xilkaas loo magacaabo. Wakhtigaas markii aan xilka la wareegay ma jirin wax shaqo ah oo gebi ahaanba ka socotey xarunta Dawan Group,  mana jirin wax wargeysyo ah oo soo bixi jirey,  oo waxaan imid iyada oo sadexdii Wargeys ee ay soo saari jirtey Maandeeq Group sadexdiiba xidhan yihiin oo kii u dambeeyey oo ahaa Wargeyskii MAANDEEQ  aanu soo bixin mudo lix bilood ah, halka labadii wargeys ee kale iyagu aanay soo bixin mudo dhawr sanadood ah.

Sidoo kale ma jirin wax qalab ah oo aan ugu imid  xarunta wargeysyadu, hadii laga tegi waayo   Xafiiska Gudoomiyaha waxaa yaaley hal kursi iyo hal Miis oo lug jaban oo  si aanu u dhicin xabad jaajuur ahi u taalo, waxa kale  qolka wararka  yaaley 3 Computer oo gaboobey,  oo aanu markiiba bedelay iyo 2 Printer oo A3 ah. Qalabka aan la wareegay horta intaas ayuu ahaa.

Sidaa daraadeed  waxaanu markiiba ku dhaqaaqnay sidii aanu  dib ugu soo celin lahayn Wargeysyadii Qaranka. Arintaasna Illaahay wuu nagu guuleeyey Mahadi haka gaadhee oo sadexdii Wargeysba waxaanu dib u soo saarnay mudo kooban ka dib. Ilaa maantana si joogto ah ayay u soo baxaan sadexda Wargeysba.

Sidoo kale hawsha dib u soo celinta Wargeysyada waxa kale oo aanu  bar bar wadnay hawlahii  kale  ee shaqada lagama maarmaanka u ahaa oo dhan,  kuwaas oo aanu u kala horaysiinay sidii ay u kala muhiimsanaayeen.

Waxaanan jecelahay inaan  hoosta ka xariiqo oo aan halkan ka sheego mudadii aanu joogney waxyaabihii aanu qabanay intoodii ugu muhiimsanayd, kuwaas oo ay ka mid yihiin:-

Dhismihii hore ee Xarunta Wargeysyada

Dhismaha xarunta Wargeysyadu markii aan xilka la wareegay wuxuu ka koobnaa shan qol oo isugu jirey sadex qol oo xafiisyo ahaan loo isticmaali jiray, balse   aad u burbursanaa, oo aan mudo dheer wax dayactir ah lagu samayn iyo Laba qol oo iyagu ahaa kharaabado dunsan oo aan la  isticmaalikarin. Sidaa darteed  xafiisyadaas oo dhan  waxaanu ku samaynay  dayactir iyo dib u dhis  buuxa, oo dhamaantoodba waxaanu ka bedelay Jiingadahii, looxii, Siliigii, Albaabadii,  iyo Daaqadahii, isla markaana  qolkasta waxaanu dhignay mar mar cusub.

– Dhismeyaasha Cusub ee aanu dhisnay

Mudadii aanu joognay  waxaanu dhisnay oo  aanu xarunta Wargeysyada ku kordhinay dhismeyaal cusub oo kala ah  sidatan:-

Shan qol oo xafiisyo ah

Laba Hool oo waaweyn, oo ah kuwa ay yaalaan Mishiinada Madbacadu

Hal qol oo dark room ah iyo

Sadex Musqulood oo cusub

Markaa  dhismaha xarunta Wargeysyadu xiligan waxa uu  ka kooban yahay 11 Xafiis, 3  Musqulood La soco……….

iyo  1 Dark Room

3-Qalabaynta Xafiisyada

Maadaama xaalada dhinaca qalabka ee Wargeysyadu   mid aad u liidata ama aan jirinba. Waxaanu si fiican u qalabaynay  xafiisyadii xarunta oo dhan,  oo aanu mid kasta u iibinay wixii qalab ahaa ee lagaga shaqayn lahaa oo dhamaystiran.

 

 

4-Wax qabadkii dhinaca Gaadiidka

Gaadiidka Wargeysyadu markii aanu xilka la wareegnay  waxuu ahaa 2 baabuur oo labadooduba fadhiyey. Baabuurtaas labadaba waanu kicinay oo mid walba waxaanu saarnay Mishiin cusub,  waxa kale oo aanu mid walba gelinay wixii  qalab dayactir ama (Spare parts) ahaa ee uu u baahnaa oo dhan.

Gaadiidka  Cusub ee aanu iibinay

Sidoo kale mudadii aanu joogney waxaanu  iibinay gaadiid cusub oo kala ah Gaadhi yar oo Toyata Granda ah iyo Gaadhi Surf ah, gaadhi mini bus ah (NOAH) iyo hal Mooto.

Madbacada aanu keenay  Iyo Qalabkeeda

Markii xilka  la ii  magacaabay  wixii ugu horeeyey ee aan ku fekerayey waxuu ahaa sidii aanu u jeexi lahayn dariiq cusub oo suurto-gal ka dhigi kara in wax laga bedelo heerkan ay mudada dheer taagan yihiin Wargeysyada dalkeenu tayo ahaan iyo muuqaal ahaanba.

Sidoo kale    maadaama  markii aanu xilka la wareegnay,  aanay jirin wax Madbacad ah oo uu lahaa  Wargeyska Dawan isla markaana ay xumaayeen mishiinadii Madbacada Qaran ee hore Wargeyska u daabici jirey oo dhami, waxay dantu nagu khasabtay inaanu Wargeyska ku soo daabacano Madbacadaha suuqa ee gaarka loo leeyahay.

Waxaanu  guntiga u xidhanay sidii aanu ku heli lahayn Madbacad casri ah oo daabici karta  Wargeysyo bilic ahaan iyo tayo ahaanba la jaan qaadi kara  ama ku dhow dhow kuwa manta caalamka laga isticmaalo.  Run ahaantiina arintaas ka midho dhalinteedii  Ilaahay wuu nagu guuleey, oo tacabkii iyo tamartii aanu gelinay waxay noqdeen kuwo midho dhalay maadaama ay noo suurtogashay inaanu Wargeysyada u soo iibino Madbacad casri oo daabici karta Wargeysyo qurux badan oo full color ah

. Markii aanu Madbacadaas keenay caqabada kale ee na soo wajahday waxay noqotay inaanu dalkeena ka weyno farsamo yaqaano noo rakiba oo nagu shaqeeya Madbacada, taasina waxay nagu khasabtay inaanu dibeda ka keeno farsamoyaqaano shisheeye ah oo hawshaas noo qabta, taasna waanu ku guulaysanay oo waxaanu dibeda ka keenay lix nin oo ah hawlwadeeno u dashay wadanka Hindiya, kuwaas oo ilaa maanta Madbacadii noogu  shaqeeya, inkasta oo aanu mudo ka maaranay laba xubnood shaqaalahaas ka mid ahaa maadaama aanu helnay shaqaale muwaadiniin ah oo hawshoodii qaban kara.

Sidaa darted manta waxaan halkan ku wareejinayaa Madbacadaas  oo ah Madbacad casri ah oo qalabkeedii u dhamaystiran yahay, taas oo qalabkeeda iyo mishiinada ay ka kooban tahay yihiin sidatan:-

 

Hal Mishiin oo ah 4 colour  Solna 464 Automatic Offset Printing Machine size A2

Hal Machine oo ah Heavy duty Cutter Machine size A1

Multi system Plate Making Machine  1pcs

Heidilberg Offset GTO Printing Machine  1pcs

2 Epson heavy duty Printers  oo  full color-ah

2 Big size Photo Copy Printers

1 Small  Binding Machine   ah

1 Small Perforation Machine ah

1 Plate Exposure  machine

1 Full colour heavy duty Lasserjer Printer

1 heavy duty printer machine B/w

Full security monitoring system with 8 security camera.

 

Intaas waxa dheer oo aan isagana halkan ku wareejinayaa

Hal Mishiin oo ah Plate Exposure Machine, kaas oo ah Mishiin cusub oo aanu dhowaan keenay, Mishiinkaas ma jirto wax lacag ah oo aanu ka bixinay ee waanu soo amaahanay lacagtiisiina waa la inagu leeyahay oo waad bixin doontaan.

N:B

Madbacadaas aanu keenay markii ay dalka timid, sidii aanu ku keenay iyo lacagtiia aanu ku soo iibsanay halka ay ka timidba waxaa looga hadlay siyaabo faro badan oo aan sax ahayn, markaa waxaan jecelahay inaan maanta halkan ka sheego arimahaas xaqiiqadooda, maadaama aanaan hore uga hadlin.

 

Waxaan cadaynayaa oo aan halkan ka sheegayaa in aanaan Madbacadna keeni karneen wax badana qaban karneen hadii aanu hawshayada gacan buuxda nagu siinin Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, kaas oo ahaa masuulkii ugu horeeyey ee garawsaday baahida weyn ee Wargeyska Qaranku u qabo inuu yeesho Madbacad lagu daabaco. Sidaas darted waxa uu Miisaniyadii qaranka noogu daray lacagtii aanu Madbacada ku soo iibsanay qayb ka mid ah, taas oo ahayd tii nagu  dhiirigelisay hirgelinta mashruucaas balaadhan. Waayo markaanu lacagtaas helnay waxaanu ku dhiiranay inaanu dedaal u galno sidii aanu u soo heli lahayn lacagtii Madbacada inta naga dhiman. Taasna ilaahay wuu nagu guuleeyey Mahadi ha ka gaadhee.

Waxa kale oo aan halkan iyagana uga mahadnaqayaa Wasiiradii kale ee soo maray Wasaarada Maaliyada oo kala  ah Md Maxamed Xaashi Cilmi, Marwo Samsam Cabdi Adan iyo Wasiirka cusub ee iminka jooga Md Wasiir Yuusuf, kuwaas oo dhamaantoodba si hagar la’aan ah noola shaqeeyey mudadii aanu xilka haynay.

Waxa kale oo aan isagana halkan uga mahadnayaa Dr. Siciid Axmed Xasan Gudoomiyaha Jaamacada Golis oo runtii aduun iyo arinba nagu taageero markii aanu hawsha Madbacada wadney.

 

Waxqabadkii dhinaca Wargeysyada

Wargeysyadu markii aanu xilka qabanay waxay ahaayeen Wargeysyo bilaa midab ah (Black and white) oo min 8 page ka kooban, isla markaana tayadooda iyo sumcadooduba  ay aad u hooseeyaan.  Markaa wixii ugu horeeyey ee aanu ka qabanay waxuu ahaa inaanu   kordhinay tiradii bogaga (Number of Pages-ka)  ee Wargeysyada qaarkood oo aanu ka dhignay min 16 bog (Pages), halkii ay ka ahaayeen min 8 Pages.

Waxa kale oo aanu u hawlgalnay  sidii Wargeysyada  bilicdooda, tayadooda iyo sumcadoodaba kor ugu qaadi lahayn, oo uga dhigilahayn  Wargeysyo qaran oo  bilic ahaan iyo qoraal ahaanba ka turjumaya magaca ay sitaan, isla mar ahaantaana bulshada dhexdeeda magac iyo sumcad wanaagsan ku leh, wararkooda iyo qoraaladoodana ummadu kalsooni  buuxda ku qabi karto.

Run ahaantiina waxaan odhan karaa  juhdi  faro badan iyo dedaal xoog leh oo aanu ku bixinay sidii aanu arintaas ugaga dhabayn lahayn ka dib, waxaanu ku guulaysanay   hirgelintii hawshaas oo Wargeysyada Dawan maanta waxa ay ka mid yihiin Wargeysyada loogu jecel yahay ee ugu akhristeyaasha iyo   Circulation-ka badan Wargeysyada dalkeena ka soo baxa. Dhinaca bilicda iyo tirada bogagana waa kuwa ugu horeeya. Taasna waxa u daliil ah  ooWargeysyada Dawan  Group oo dhami waa wargeysyo full color ah. Sidoo kalena    Wargeyska  Dawan waa Wargeyska qudha ee kooban 20 pages,  ay 8 page oo ka mid ahi  full color yihiin. inkasta oo aanay weli gaadhin  heerkii Wargeysyada Qaranka looga baahnaa.

 

 

 

 

Shaqaalaha Muwaadiniinta ah ee DMG

Shaqaalaha  Dawan Group markii aan xilka la wareegay waxay ahaayeen 10 qof oo keliya, oo aan xiligaas qaban jirin wax hawl ah maadaama Wargeysyadu xidhnaayeen. Maantana shaqaalaha Dawan Group waxa weeye 69 qof oo  66 ka mid ahi yihiin shaqaale joogto ah. Sadexna yihiin shaqaale aan joogto ahayn, kuwaas oo aanu doonaynay inaanu sanadkan 2018-ka si rasmi ah u shaqaalayno. Halkaasna waxa ka muuqata inaanu shaqo abuur weyn samaynay  maadaama aanu shaqaalaynay 59 qof oo muwaadiniin ah.

 

Shaqaalaha cusub Ajaanibka ah.

Waxa kale oo ka mid ah shaqaalaha Dawan Group ka mid ah shaqaale ajaanib ah oo dhan 4 xubnood, oo  isugu jira Injineer Madbacadeed  iyo farsamoyaqaano kala duwan oo ku shaqeeya mishiinada kala duwan ee Madbacada. Kuwaas oo aanu ka keenay wadanka Hindiya oo ay dhamaantoodba u dhasheen,  ka dib markii aanu dalkeena ka weyn shaqaale muwaadiniin ah oo noogu shaqayn kara mishiinada Madbacada oo ah kuwo casri ah oo dalkeena ku cusub.

 

Kor u qaadida aqoonta shaqaalaha

Mudadii aanu joogney waxaanu intii awoodayada ahayd ku dedaalay sidii aanu kor ugu qaadi lahayn aqoonta Shaqaalaha. Sidaa darteed waxaanu  waxbarasho Jaamacadeed oo heer degree ah u dirnay 5 xubnood oo shaqaale ah, kuwaas oo sadex ka mid ahi sanadkii hore qalin jebiyeen, labana  sanadkan qalin jebin doonaan.  Waxa  kalea oo aanu waxbarasho sare oo shahaadada heerka 2aad ee Jaamacada ah u dirnay 2 xubnood oo shaqaale ah, kuwaas oo uu midna sanadkii hore soo qalin jebiyey midna sanadkan qalin jebin doono hadii alle yidhaahdo.

 

Sidoo kale shaqaalaha  ajaanibka  ah ee noo shaqeeya markii aanu helnay waxaanu mid kasta  kula  heshiinay in uu wax baro oo xirfada uu yaqaano ku tababaro   shaqaalaha muwaadiniinta ah. Taasna way fuliyeen oo waxa ay ilaa hada wax bareen sadex xubnood oo shaqaale Muwaadiniin ah.

 

Amaan iyo Mahadnaq

Shaqaalaha Dawan Group oo dhan, gaar ahaan Gudoomiye ku xigeenkaygii Cumar Maxamed Faarax,  madaxii maamulka iyo lacagta ee DMG Marwo Deeqa Axmed Cabdillaahi, Tifaftireyaasha labada Wargeys ee The Horn Tribune iyo Qarnul Afriiqiya Maxamed Cige iyo Cabdicasiis, kuwaas oo aan dhamaantoodba  uga mahadcelinayo sidii daacadnimada, xilkasnimada, iyo wadaniyada lahayd ee ay iila shaqeeyey. Taas oo kow ka ahayd waxyaabihii  suurto-geliyey inaanu qabano hawlahaas aan soo xusay.

Waxaan  xusayaa oo aanan marnaba iloobi sidii wanaagsanayd ee iila shaqeeyeen Engineer Conrad Isaac Gomes iyo saaxiibadiisa kale u dhashay wadanka Hindiya eek a tirsan shaqaalaha DMG

 

Hawlaha Qorshaysnaa

In sanadkan aanu iibsano laba Madbacadood oo aanu dhigno Burco iyo Boorama si aanu subaxdii hal mar Wargeyska uga soo wada  saarno Wargeyska labadaas magaalo  iyo Caasimada, sanadka dambena aanu sidaas oo kale Madbacado ka samano Ceerigaabo iyo Laascaanood, ka dibna aanu sidaas hore oo kale Wargeyska uga soo saarno.

 

 Dardaaran

Shaqaalaha  Dawan Group, oo ah shaqaale  aad u wanaagsan oo akhlaaq iyo dadnimo fiican leh. Shaqaale walaalo ah oo isku duuban aqoon iyo khibrad  fiicana u leh shaqooyinkooda. Waxaan leeyahay  oo aan idinkula   dardaarmayaa in ay Gudoomiyaha cusub  ula shaqaysaan sidii ay  iila shaqayn jirteen si la mid ah iyo si ka wanaagsan.

 

Aniguna waxaan idinka iyo Gudoomiyahaba idiin balanqaadayaa inaan garab iyo gaashaanba idiin ahaan doono, oo aan talo  iyo tusaale wixii aad iiga baahataanba idinla bar bar joogi doono. Waayo marnaba ma ogolaan karo  wixii aan ku tabcay  ee hawsha faraha badan  iyo dhibaatada weyni  inaga gaadheen aniga iyo idinkaba in wax yar oo  hoos u dhac iyo hantaaqo ahi ku yimaadaan.

 

Gudoomiyaha cusub

Gudoomiyaha cusub ee aan xilka ku wareejinayaa maaha nin ku cusub aniga iyo Bahda Dawan Group-ba, ee waa nin markii horeba aanu wada joogney, oo weliba wax nagala qabtay  hawlo faro badan. Waa nin aniga iga fiican, oo iga firfircoon, oo iga faxalsan. Waa nin iiga kiin wanaagsanaan doona oo aan hubo.  Hadaad wax ka garan weydaana waxaan idiin balanqadayaa inaan anigu idinka qaban doono. Waayo anigaa anigaa odaygiisa ah oo aad iiga soo dacwoon doontaan, markaa waxaan idin leeyahay soo dhoweeya oo si fiican ula shaqeeya.

Agaasimaha cusubna waxaan leeyahay saaxiib waan kula joogaa kaamaan tegin, waanan kula shaqayn doonaa oo talo, tilmaanba diyaar baan kuula ahay. Ilaahayna waxaan kaaga rajaynayaa inuu masuuliyada aad qaaday kuu fududeeyo oo kugu asturo.

 

Khilaafka  WasaaradaWarfaafinta

Maadaama aan ka mid ahay odayaasha Wasaarada Warfaafinta khilaafka wasaarada waxaan leeyahay Md Wasiir waa in lagu dhameeyaa si sulux iyo wadahadal ah, waa inaad shaqaalaha isu jiidaan oo midaysaan, waayo wasaaradda iyo inagaba ceeb bay inagu tahay in maalin walba murankeena iyo qayladeenu gaadho umadii aynu wax u sheegaynay.

 

Mahadnaq Gaar ah

 

Waxaan iyagana u mahadnaqayaa Madaxda  Wasaarada Warfaafinta oo Wasiirku ugu horeeyo. Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa wasiiradii kala duwanaa ee soo Maray Wasaarada Warfaafinta mudadii aan ka tirsanaa oo dhan, si gaar ahna waxaan ugu mahadnaqayaa  WasiirCabdilaahi Cukuse oo mudadii uu xilka hayey iila shaqeeyey si weyn oo hagar la’aan ah, la’aantiisna aanay waxba ii suurto galeen. Wasiir cukuse waxuu na siiyey Madaxbanaani buuxda iyo kalsooni xoog leh, waxuu gacan weyn naga siiyey hirgelintii iyo keenistii Madbacada Dawan Media Group, oo markii la keenay ahayd intii uu ahaa Wasiirka Warfaafinta. Waxa kale oo mudadii uu joogey uu wasaarada ka hirgeliyey hawlo waaweyn iyo wax qabad muuqda oo aan ka xusi karo kuwani:-

Idaacadii weyn ee short wave-ka ah markii la keenay waxuu ahaa   Wasiir ku xigeenka Wasaarada, oo hawsheeda waxuu ku lahaa qayb weyn

Idaacada quraankana waxaa la sameeyey intii uu Wasiirka ahaa, oo isagaa lahaa hirgelinteeda

Fooqa xafiisyada ah ay wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradu maanta fadhiistaana isagaa dhisay oo hirgelintiisa lahaa

Istudio-ha Tv-gana isagaa sameeyey

Waxa kale oo waxqabadkiisii ka mid ah Hoolkan aynu fadhino

Waxa kale oo aanan iloobi Karin Wasiir Cadaani oo ahaa wasiir daacad ah oo muwaadin ah, wax weyna runtii ka qabtay wasaarada Mudadii uu wasiirka ka ahaa, Cadaani waxyaabaha uu qabtay ee lagu xusuusan doono waxaa ka mid ah midayntii mushaharka iyo gunada shaqaalaha wasaarada, si gaar ah waxaan ugaga mahadnaqayaa lacagii uu u kordhiyey iyo gunooyinkii uu u qoray shaqaalaha Dawan Group, oo aan hore u heli jirin wax gunooyin ah.

 

Xilka qaadistayda

Xilka qaadistayda waxaan  u arkaa inay tahay tiir ka mid ah sunaha dawladnimada, waana waajib in xilku meerto  iyo qori isu-dhiib ahaado oo kolba qof lagu tijaabiyo. Aniguna mudo todoba sanadood ah caawa ayaa iigu horaysa oo aan seexanayaa hurdo igu filan oo la mid ah inta dadku seexdo. Markaa farxad bay ii tahay inaan maanta xilkii wareejiyo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here