“Anigu Ismaan Casilin”

0
4061

 

cagaHargeysa(Geeska)-Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare), oo ah murashaxa golaha deegaanka Hargeysa ee ururka Rays ku galay dib u tirintii codadka Degmada Faraweyne, ayaa beeniyay inuu iska casilay golaha deegaanka Hargeysa.

Mr. Ismaaciil, oo daba socday warar ay wargeysyadu baahiyeen oo sheegayay inuu is casilay, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin, “Anigoo ah Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare), Lambarkiisii doorashaduna yahay 512, waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya inaan tanaasulay, inaan warqad saxeexayna waxba kama jiraan.” Ayuu idhi isagoo ka hadlayay shirjaraa’id oo uu qabtay, waxaanu intaas raaciyay inuu guddiga doorashada ka sugayo kursigii golaha deegaanka Hargeysa, waxaanu intaas raaciyay “Waxaan mar labaad cadaynayaa in aanan arag, saxeexin islamarkaasna  ka warqabin warqadaasi marka laga reebo in aan ku arko warbaahinta qaarkood. Waxaan ka codsanayaa maxkamada gobolka Hargeysa iyo komishanka doorashooyinka in aaney duudsiyin xuquuqdayda muwaadinimo iyo ta dastuurka JSL.”

Guddiga doorashada ayaa markii hore ee ay ku dhawaaqeen natiijadii degmada Hargeysa, waxa ay sheegeen inuu ururka Rays golaha deegaanka Hargeysa u galay Khadar Xuseen Cali, laakiin dib u hubin ay ku sameeyeen codadkii degmada Faraweyne, ayay ku sheegeen inuu Mr. Ismaaciil Jaamac Xirsi yahay xildhibaanka ururka Rays u galay golaha deegaanka caasimadda.