“Xilkii La Ii Magacaabay Waajib Ayay Ahayd Inaan Saluugo, Waayo Agaasime Waan Dhaafay”

0
2301

 

nuuriye4Hargeysa(Geeska)-Akhristayaal cadadkayagii Sabtidii waxaanu idiin soo gudbinay qaybtii koowaad ee waraysi aanu la yeelanay Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, oo ahaa safiirkii hore ee xukuumadii hore u fadhiyay Addis Ababa.

 

Maanta waxaanu idiin soo gudbinaynaa qaybtii labaad ee waraysiga Ambassador Nuuriye oo dawladii Somaliya ka noqday agaasimaha guud ee qorshaynta iyo weliba agaasimaha guud ee wasaaraddii Arrimaha dibadda, isagoo markii u dambaysayna ahaa safiirkii Somaliland u fadhiyay Itoobiya.

Ugu horayn Nuuriye, isagoo ka hadlaya siyaasadda midowga Afrika ee ku waajahan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, wuxuu yidhi  "Waa laga yaabaa in Istiraatijiyad ahaan Siyaasada Dunidu isbedesho, laakiin marnaba lagama yaabo in Afrikaanka la inagu xidhayo ee Midowga Afrika ay taa Dowaladi ka beydheyso,waxaana jirtey in sanadkii 2005tii uu Wafti soo direy ninkii Gudoomiyaha ka ahaa Ururka Midowga Afrika Professor Alpha Omer Kanore, waxaana hor socdey waftigii xiligaa Somaliland inoogu yimid nin reer Ruwaanda ah, oo la yidhaahdo Patrick Mazimhaka, ninkaasi waxa uu qorey Warbixin aad u fiican waayo lixda Gobolba wuu tagey markii dambena waxa uu warbixintiisa hor dhigay Madaxda Afrika Shirkoodii , waxaa maanta loo baahan yahy in mar labaad Ururka Midowga Afrika lagu dhiiri galiyo in ay inoo cusboonaysiiyaan Warbixintyaas, tixracaan, ina qiimeeyaan, waana in aynu ogaano in aynu Afrikaanka istaraajiyad ka yeelano waayo afrika ayaynu ku naalaa, oo aynu barano ku weebaa inoo dabacsan iyo yaan inoo debacsaneyn oo wufuud u dirno, kharashkan faraha badan ee lagu bixinayo Safarada dibaduna uu noqdo mid laga fiirsadey, waxaan dhowr goor ka maqley Madaxda Wasaarada Arimaha Dibada ee xiligan, Arimaha dibada waxaanu gaadhsiinay meel aanay gaadhsiin Xukuumadii hore, walaahi halkaa la gaadhsiiyay waa mid aan garan la’ahay Waayo halkii Xukuumadaasi kaga tagey ee la gaadhsiiyay arrimaha dibadda iyo halka ay maanta joogtaa waa isku mid ma jiraan waxa la taaban karo, oo soo dhaafay halkaasi.”
Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye isagoo ka jawaabaya Su,aal la weydiiyay oo ku wajahaneyd rajadii kasoo iftiimeysay dhinaca Somaliland Dowlada Faransiiska, ee wakhtigii Xukuumadii hore halka ay ku danbaysay iyo waxa uu kala socdo isagoo ka jawaabaya waxa uu yidhi. "Waxaan ogaa in Faransiisku inoo soo diri jirey wufuud badan, oo Shirkada Bollore la yidhaahdaa ay tagtey, oo booqdeen Dekeda  Berberana  aymarkaa donayeen arimo masaalix ah iyo dano ay inaga lahaayeen, laakiin kama war qabo Dowlada Faransiiska oo marnaba usoo debecday Somaliland oo ina tidhi waan idin aqoonsaneynaa, laakiin xidhiidhbaan la laheyn soo koraya oo wufuud badanbaa inoo iman jirtey,oo waxaad moodaysey in ay Dekeda Berbera aad u danaynayeen cid walibana way danaynayeen Itoobiyaankaa danaynaya laakiin dhaqaalaha iyo Siyaasada lama kala saari karo ee waxaa loobaahan yahay in xooga la saaro Siyaasada Somaliland dhaqaalaha markeynu hagaajino hadday Shirkada Mareykan ahi inoo timaado oo ay maal galin wado, markay ina arkaan laba mudane ee Gobolkeeda ka yimid xidhiidh fiican ayay inooga samayneysaa"

Mar uu kahadlayay Siyaasada  dalalka Carbeed ee ku wajahan Somaliland
intii ogaalkiisa ah waxa uu yidhi. "Waxaan ogaa in ay muddo imika wakhti badan laga
 joogo ay Dowladaha Carabta iyo Ururka Jaamacada Carabta iyo Ururka Midowga Afrika iyo ururo kale oo Caalamka iyo dalalka carbeed ahi ay soo saareen qoraal ay ku sheegayaan in aanay Soomaaliya kala googeyn  karin, carabta waan ku dedaali karnaa oo waan u tagi karnaa ,waxaana had iyo jeer Siyaasadaha carabta hogaamiya Masaaridaa ka kow ah inakstoo aanay hadda fadhiyin Siyaasadoodu, oo ay buuq ku jiraan oo ay marxalad kala guur ah ku jiraan laakiin, macno maleh xataa kuwa ina ogol in Siyaasad lagala hadlaa wacan waayo hal gaadhi oo laga soo qaatey iyo riig laga soo qaatey uma baahnin ee waxa ka weyn ayaynu uga baahanahey, waa in la isku deyaa oo la bilaabaa, intaan Wasaarada Arimaha dibada joogay ma garanayo wax xidhiidh ah oo adag oo ina dhex marey inaga iyo Dowladaha carbeed.”

 

Waxa kale oo uu hadlay isagoo ka jawaabaya Su,aal la weydiiyay oo ku wajahneyd xil uu diiday oo Madexweyne Siilaanyo oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta iyo jawaabtii uu ka bixiyay, wuxuu yidhi  "Horta Madexweynaha waan uga mahad naqayaa, in uu i xasuustey oo uu meelna ii magacaabay, Madaxweyne Siilaanyo barigii aanu wada shaqeyneyney waxay aheyd bari hore, waxaanay aheyd markii aan Jaamacada kazoo baxay sanadkii 1971kii , oo la ii soo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradii qorsheynta Qaranka Soomaaliya, oo uu isaguna Wasiirkii qorsheynta ahaa, waxaanu ahaa waagaa nin aad u aqoon badan, karti badan leh oo aad iyo aad u muuqda, oo ahaa aqoonyahanadii Somaliland ee koonfur joogay raga hogaamiya, maantana waa sidii ayuun bay aniga ila tahay, waxyaabo badan oo Joornaalada qaarkood maalintaa lagu qoreyna waxaan anigu idhi may aheyn, anuu mida kaliya ee aan idhi waxy aheyd jagadaasi iima qalanto, laakiin niman saxafiyiin ah oo an is aragnay ayaa baahiyay, oo xataa Shirjaraaid maan qaban, inaan saluugo waajibay aheyd waayo Agaasime guud waan dhaafay, markey i weydiiyeen ayaan idhi ma qaadanayo, xataa hadduu xil kale ii magcaabi lahaa maan diideen oo hadduu odhan (Senior Consultant), waan aqbali lahaa,weyna ii cuntami laheyd laakiin Agaasime Guud iima cuntamin, imikana waxaan leeyahay Madexweynaha waan u mahad celinayaa oo dhibi majirto, isaga iyo Reerkiisaba aqoon waanu isku laheyn, inkastoo oo ay beri hore aheyd waanan qadarinayaa, insha allena waxaan rajeynayaa inaan kulano oo talooyin badan siino.”