“Haddaanu Madaxweynuhu Raali Ka Ahayn Kama Qayb Geli Kareen Shirka (Shirkii Dubur), Qorshahaygana Maaha Inaan Hadda Is Casilo”

0
2437

 

Waraysi Gaar Ah Oo Uu Wasiir Sacad Kaga Hadlay Xeerka Hay’adaha Caalamiga Ah Lagu Dhaqayo Iyo Shirkii Beeshiisa Ee Uu Ka Qayb Galay

 

108qorshaynta (1)Hargeysa(Geeska)-Wasiirka qorshaynta qaranka iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay wasaaradu ku hawlantahay dhaqan gelinta xeer lagula dhaqmaayo hay’adaha caalamiga ah ee dalka jooga oo uu Baarlamaanku ansixiyay, Madaxweynuhuna saxeexay.

 

Wasiir Sacad, oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inay khasab tahay inay hay’adaha caalamiga ahi marka hore iska diiwaangeliyaan wasaaradda, waxaanu sheegay inuu hadda socdo qorshe xeerkaas lagu dhaqan gelinayaa. Wasiirku, waxa kale oo uu ka hadlay shir ay beeshiisu dhawaan ku qabsatay deegaanka Dubur ee gobalka Saaxil oo la sheegay inay xukuumadda Siilaanyo ka soo horjeeday, isagoo wasiirkuna noqday masuulka keliya ee dawladda ka tirsan ee shirkaas ka qayb galay. Waxaanu wasiirku waraysigan uu kaga hadlay sida uu u arkay baaq ay  wax garad beeshiisa ka tirsani shirkaas ka soo jeediyeen oo ahaa inuu is casilo si loogu jawaabo farogelin ay sheegeen inay dawladdu ku haysay shirkoodaas. Waraysigan uu Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay wasiirkuna wuxuu u dhacay sidan:

Wasiir  marka hore waxaad warbixin  guud naga siisaa wasaaradan qorshaynta qaranka ?

Wasaarada qorshayntu waxay ka mid tahay 23 wasaaradood ee ay dawladu maanta leedahay, waa wasaaradii ugu horeeyay ee la sameeyay markii aynu la soo noqonay qaranimadeena, waa wasaarad runtii dhinac markaad ka eegto aad iyo aad u muhiima oo waxa laga sugayaa qorshahii qaranka iyo tijaahii  uu qaadan lahaa, isla hadana waa wasaarad yar markaad u eegto shaqaalaha ka shaqeeya.

Wasaaradu waxa ay ka kooban tahay shan waaxood, waaxda maamulka, waaxda xogta, waaxda qorshaynta, waaxda isku duwida mashaariicda hay’addaha  ajaanibkaa iyo kuwa wadaniga ah-ba iyo waaxda horumarka oo aan runtii doonayno inay ka shaqayso horumarka gobalada iyo dagmooyinka. Shaqaalaheedu waa ilaa afartan waliba u badan shaqaalaha xaga maamulka, wasaaradu waxay xafiisyo ku leedahay gobalada Awdal,Maroodi-jeex oo xaruntii ku taalo, Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Wasiir waxa jiray qorshayaal aad damacsanaydeen ka wasaarad ahaan in lagula xisaabtamo hay’adaha caalamiga ah ee wadanka ka hawl-gala arimahaas halkay idiin marayaan?

Wasaarada hawlaheeda ilaa bilawgiiba waxa kamid ahaa xidhiidhinta mashaariicda hay’adaha Qaramada midoobay  iyo deeq bixiyayaashaba,  hawshaas si layskugu ogyahay oo habsamiya loo qabto, sharci ayaa arinkaas laga sameeyay hagaaya wasaarada hawlaheeda ku saabsan arinkaas, sharcigaas dawladii hore ayaa runtii diyaarintiisa lahayd anagu waxanu u nimi isago markaas baarlamanka horyaala, baarlamaankiina waa uu ansixiyay madaxwaynuuna waa uu saxeexay kal hore bishii koob iyo tobnaad, annagana  hadda waxa noo yaala dhaqan galintiisii wax allaale wixii hay’adda ee samafala caalamiya  ee aan  ahayn hay’addaha UN-ta waxa khasab ku ah inay iska diiwan galiyaan wasaarada marka u horaysa, hay’addaha samafalka ah ee wadaniga ah laftigoodu ma shaqayn karaan oo ma ka hawl gali karaan wadanka haddii aanay is diiwaan galin, waana inay is diiwaan galiyaan.

Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa Un-tuba waxay la shaqeeyaan oo si toosa ay ula shaqeeyaan diiwaan galinta ka sokow wasaaradaha iyo hay’addaha dawliga ah iyo hay’addaha samafalka ah, inta badana waxay la shaqeeyaan wasaaradaha, kuwo badani waxay la shaqeeyaan wasaarada waxbarashada, inkaloo badani waxay la shaqeeyaan wasaarada caafimaadka, wasaarada xoolaha, wasaarada beeraha, wasaarad walban runtii waa ay la shaqeeyaan, wasaarad walba oo ay la shaqeeyaan waxay la saxiixdaan heshiis ku saabsan mashaariicdas ay kala shaqaynayaan, anaka-na way nala socod siiyaan lakiin wixii shaqo ee farsamo ku saabsan iyo socodsiinta mashruuca wasaaraday kala xidhiidhaan.

Sharcigan cusubi anaga waxa uu nafaryaa in aan ka dalbano hay’addahaas in ay noo keenaan sand walba laba war-baxinood, lixda bilood ee horena ay war-baxin noo keenaan, sanadku markuu dhamaadana war-baxin ay noo keenaan oo ay markaas nagula socod siinayaan hawlahii ay qabteen halka ay marayaan.

Waxaan imika u qaybinay toban kooxood oo siday isu raac raacaana inta ka shaqaysa caafimaadka, inta ka shaqaysa beeraha, inta ka shaqaysa biyaha sidaas oo kale, bilwalba waa ay kulmaan tobankaas kooxood shirbaa la yeeshaa ujeedadiisuna waxa weeye in xogta lays waydaarsado qolo waliba waxay qabanayso, waxii dhibaato ah ee jira, siday u wada shaqayn lahaayeen, markaas hore halkaas ayay ka bilaabmataa xidhiidhin tayadu, dabadeedana saddexdii biloodba mar koox walba gudoomiyaheeda ayaa shir ka soo qayb gala ay gudoomiyayaashu isugu yimaadaan, heerka qarana guddi ayaa jirta sidaas oo kale ah oo iyagu sanadkii laba jeeruun isu timaada.

Wasiir hadaan wasaaradaada ka yara dhex baxno xukumaadan waad ka mid tahay oo wasiirkii qorshaynta ayaad u tahay, siyaasada arimaha dibada ee haatan dadbadan oo siyaasiyiina, diblamaasiyiina iyo bulshada caadiga ahiba waxay ku tilmaamaan inay yara gabi dhaclaynayso ama aany fadhiyin. Adiga oo ah nin aqoonyahan ah oo wax badan ka fahamsan xidhiidhka caalamiga ah. Sidee ayay arrintaasi kuula muuqataa?

Siyaasadeena arimaha dibada waxa u sala runtii gooni isku taageena iyo aqoonsigiisa, siyaasada arimaha dibadu waxa weeye xilkeeda u horeeyaa inay ka dhaadhiciso dadka kale in la soo noqoshadii aan ka soo noqonay qaranimadeena ay tahay mid ay dadku go’aansadeen, mid aan laga noqonaynin oo horta dadku sidaas u fahmaan weeye, waa ta labaade waxa weeye in wasaaradu ay markaas raadiso sidii go’aankaas ay dadku qaateen ay ugu heli lahayd ictiraaf rasmiya, dawladana way ka go’antahay madaxwaynaheena waxa uu ahaa raggii u soo halgamay wadanka ee SNM hogaanka u ahaan jiray muddada faraha badan leh ee shaqooyinkiisii iyo danahiisii iyo reerihiisiiba runtii qadiyaadaas uga tagay ee aynu ku aaminay in uu ina hogaamiyo, ninkii aynu ku aaminay in uu halganka inagu hogaamiyo imikana aqoonsi doonka waxaan u malaynayaa in ay naan uga baqaynin doonistiisa, markaas horta madaxwaynuu dhawr jeer wuu ku cel celiyay, waanay ka go’antahay, dawladana sidaas waa ay uga go’antahay.

Jidkase loo maraayo dee waa laga yaabaa qof inuu u arko inay si ugu haboontahay, waa laga yaabaa in jidkaas lagu kala aragti duwanaadaa, waxaan ku kal-soonahay wasiirka arimaha dibada iyo madaxwaynahaba in da’daalka ay imika wadaan ee ay samaynayaan ee ay wadeenba siday dawladani u timi inuu ku aadan yahay sidii arinkaas looga midho dhalin lahaa ee ictiraaf looga heli lahaa caalamka loogana dhaadhicin lahaa qadiyadeena.

Wasiir Sacad, waxaad dhawaan ka qayb gashay shir ay beeshaadu ku qabsatay  gobalka Saaxil gaar ahaan magaalada Dubur, shirkaasna waxa la tilmaamaa in xukumaadu ay ka soo hor jeeday, haddaba ka qayb galkaagii siday xukumaadu u aragtay?

Runtii kama qayb gali kareen haddaanu madaxwaynuu raali ka ahayn, madaxwaynaha shirkaas waanu ka wada hadalnay, madaxwaynuu waxa uu u arkaayay shir kamida shirarka kale ee ay beeluhuba shiraan, dadku xaq bay u leeyihiin inay ka shiraan danahooda, shir daneed ayaanu ahaa, waxaana laga hadlaayay oo loo agaasimay sidii dugsiyo loo samayn lahaa ama cisbitaalo loo samayn lahaa ee bulshada horumarkeeda looga shaqayn lahaa. Ana waan ka qayb gali karaa oo sidaad adba u ogtahay inkasta oo ay wasiiradu yihiin wasiiro dawladeed oo qaran oo uu madaxwaynuu magacaabo hadana dhaqanka halkan yaala waxa uu yahay wasiir waliba deegaanka uu ka soo jeedana si gaara ayuu xil uga saaran yahay oo hadday dhibi jirto iyo haddii ay hawli jirtaba cida u dhaxaysa deegaanka iyo dawlada inta badan wasiirku waa kamid.

Markaad shirkaas ka qayb gashay iyaga oo xubno masuuliyiina oo miisaan culus beesha ku leh ka cabanaaya faragalin ay sheegeen in dawladu ku samaysay waxay kuu soo jeediyeen adiga, inaad xilka wasiirnimo iska casishid arintaas aragti caynkeeya ayaad ka qaadatay?

Wallaahi waa laga yaabaa inay cadho ka keentay, dee xaqna waa ay u leeyihiin inay fikirkooda cabiraan, aniga xaqiiqdu waxa weeye wadankan waxaan u imi in aan hawl ka qabto, anigu anigoo shaqo iska haysta oo reerkayga la jooga oo dagan oo dhaqan ayaa uu madaxwaynuu iga codsaday in aan la shaqeeyo oo waan ka yeelay  intiibana waan ka tagay, waxaan intaaba uga tagay oo aan halkan u imidna maaha in aan manfac ka korodhsado ama magac ka kordhsado ama darajaba aan ka korodhsado, runtii waxa weeye in aan wadankaas u shaqeeyo iskuna dayo in aan wax ka badalo, intaan fursadaas haysto in aan wadanka wax u qaban karo una shaqayn karana runtii waxaan jecelahay in aan u shaqeeyo, , markaa hadda qorshahayga maaha in aan is casilo.

Ugu danbayntii wasiir haddii lagu yidhaahdo dadkaaga reer Somaliland eraygii u danbeeyay ee dar’daarana dheh, maxaad kula dardaarmi lahayd?

Bulshada Somaliland runtii waxay u baahantahay ee ugu horeeya inay ilaaliso nabad galyadeeda, waxa loo baahan yahay inay ilaaliso midnimadeeda iyo qaranimadeeda, waxay loo baahan yahay inay is kaashato oo runtii ay hawlkarnimo iyo shaqobadan ay la timaado si ay uga baxdo dhibaatooyinka dhaqaale ee dib u dhacaa ee maanta haysta, horumarku waa midhaha tacabka shaqada wax soo saarka, haddii aynaan fadhiga ka kicin oo aynan shaqo u hawlgalin halkaynu maanta joogno hore uga kici mayno, meesha aynu maanta joognaana runtii xaga dhaqaale ahaan markaad ka eegto waa meel aad u danbaysa, haddaynu doonayno caruurteena iyo dhalinyaradu inay inaga dhaxlaan mustaqbal ka wanaagsan ka maanta waxa loo bahan yahay runtii shaqo, shaqo ayaa loo baahan yahay.