“Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Ka Hadlay Xaaladda Cadaaladda, Guddigii Madaxweynuhu Saaray Iyo Wakhtiga Lagu Dhawaaqayo Dacwadii Ururada”

0
4356

 

hodanHargaysa( Geeska )-Gudoomiyaha maxkamada sare Md. Yuusuf Ismaacil Cali, ayaa garsoorka dalka ka difaacay eeddo dhawaanahanba loo jeedinaayay, waxaanu sheegay in wakhtigan garsoorka dalku uu meelwanaagsan maraayo.

Gudoomiyahu waxa kale oo uu ka xogwarmay cadaalada dalka, gudidii dhawaan uu madaxweyne Axmed Siilaanyo u saaray baadhitaanka daalada dalka, waxa uu digniin u diray garsooyaasha maxkamadaha, waxaanu dadweynaha Somaliland u soo jeediyay in aanay isku hawlin in ay laaluush ku marinhabaabiyaan cadaalada dalka.

Gudoomiye Yuusuf Ismaaciil Cali waxa uu arimahan kaga waramay waraysi gaar ah uu la yeeshay wargaysaka Geeska Afrika, waxaanu ugu danbayntii waraysigiisan ku sheegay in toddabaadka soo socda ay ku dhawaaqi-doonaan dacwadii ururada ee dhawaan ay dhagaysteen. Waxaanu waraysigaasu u dhacay sidan

Gudoomiye ugu horayntii waxaad warbixin kooban naga siisaa, heerka cadaalada dalku uu maraayo iyada oo aan la socono dhawaaqyada maalmahan soo yeedhaaya?

Garsoorka iyo cadaalada dalku maanta meel wanaagsan ayay marayaan, intaan ogahay ee aan xogagaalka u ahay, waxaana taas aan kaga jawaabayaa wax-qabad muuqda, hawlaha ugu badan ee garsoorku laba waji ayay yeeshaan waa dacwado ciqaab ah iyo kuwo madaniya.

Dacwadaha ciqaabta ah waxa ku shaqo leh oo soo baadha soona ooga hay’ado ka madaxbanaan maxkamadaha kuwaas oo ah booliska iyo xeer ilaalinta, maxkamaduhuna waa u dhex. Dacwadahaas ciqaabta ah ee ay soo oogeena waxay usii kala baxaan laba waji oo kala ah kuwo shaqsi ku dhiban yahay iyo kuwo qaranku ku dhiban yahay, waxaana faro badan dacwaaha shaqsiyaadku ku dhiban yahiin, marka laga tago dacwadaha nabadgalyada iyo hantida badan quseeya matalan falka tuugada, budhcadaynta,dilka kufsiga waxaas oo dhan qarankaa ku dhiban.

Waxanan halkan idinka tusayaa waxqabadka muuqada ee ay maxkamaduhu ka qabteen dacwadaas ciqaabta ah boqolkiiba-boqol ayay heerkoodu u wanaagsan yahiin, taas oo aan ula jeedo waxa laga gaadhaa go’aan, oo way yaraadeen maxaabiistii dacwadaha ciqaabta ah rumaanka ugu xidhnaan jirtay.

Tusaale ahaan markaan xilkan aan la wareegay maxkamada gobalka Hargaysa oo ah ta ugu badan dacwaha ciqaabta dalka mar walba, waxa aanay dacwadooda la qaadin oo xabsiyada ku jiray 127 dacwaysane, waxaan halkan ku hayaa liiskii garsugayaasha xabsiga ku jiray bishii 3-5-2012 oo aniga iga horaysay oo ah 127 gar-suge oo u xidhnaa danbiyo kala duwan oo uu sareeyo dilku, marka la leeyahay waa garsugana macnaheedu waa lama dhagaysan dacwadahooda, arintaas xilweyn ayaan iska saarnay bilba bisha ka danbaysa way isa-soo dhimayeen, waxaana maantadan aan kula hadlaayo garsuge ah oo dacwadooda aan la dhagasyan 11 dacweysane oo kaliya, waanad garan kartaa intay isdhimeen iyo hawlaha aan ka qabnay.

Dacwadaha madaniga ah markaan eegno dhankooda, waxa khilaafka ugu badan uu ka jiri jiray arimaha dhulka ayay ahayd, waxaana la sameeyay xeer 17 oo baarlmaanku gudbiyay, xeerkaasu waxa uu dhigaayay in la abuuro gudiyo dhul oo dawlahada hoosena ka samaysan oo arimaha dacwadaha ka soo garnaqa, waxaanu go’aankaas ay soo gaadhaan uu ugu danbaynta yimaadaa maxkamada sare, markaas ma jiraan imika dacwado badan oo madaniya oo maxkamadaha soo gala, dadkeenuna iskuma qabsadaan lacag iyo hantiyo faro  badan, waxaana maxkamadaha wareerin jiray arimahaas dhulka imikana xeerkaas ayaa ka wareejiyay, waxii naga soo gaadhana hore ayaa loo dhameeyaa.

Arrinta ugu culus ee wax laga tabanayaa waa fulinta xukunada madaniga ah ee dhaqangalay, fulinta dhibtaas ka jirtaana waxa weeye waxa arinteeda maxkamadaha la wadaaga ciidanka booliska, xiligii uu Gaboose Joogay ee dawladuna ay curdinka ahayd wasaarada daakhiliga waxii fulimo ah waa ay yara hakisay arimo dhnka amaanka ah dartood, oo waaxdaas Ibraahin Koodbuur kiisas ka dhacay dad inta wax laga xukumay, awood kala horyimi ciidankii boolsika oo kale,  markaas way jiraan dacwado noocaas oo kale ah oo layara hakiyay.

Wasiirka cadaaladu waxa uu sheegay in kiisaska madaniga ah uu ka jiro meehanaw badan wakhti badana ay dadka shacabka ah ku qaataan, maxaad arimaas wax ugu qaban weydeen?

Waxa keenaya marka xuquuq madaniya laysku haysto iyo marka ay dacwadu mid ciqaabeed tahay way kala duwan yahiin, waayo dacwada ciqaabeed waxa ay leedahay wakhti u go’an oo 60 cisho ,30 ama casho oo kale ah, looguna talo galay inuu kiiskaasu dhinac u dhaco, oo booliska iyo xafiiska xeer ilaalintu ay ku dhameeyaan, lakiin dacwadaha madanigaa ah waxa ay waligood ku xidhan yahiin wadista dhinacyada isku haya oo iyagaa xaq u leh inay wadaan, maxkamaduna iskeed iskama dhaqaajin karto, mana jirto xeer cayimaaya dacwadaha madaniga ah wakhti ay ku dhamaadaan. Taasi waxay keenaysaa kakanaanta waxyaabaha ay dadku isku haystaan, waxaase muhiim ah marka qof wax loo xukumo xuquuqdii loo xukumay ma helay mise muu helin, taasina garsoorka oo qudhaata uma taalo ee waxay u taalaa booliskii fulinaayay,dawladii hoose iyo qofka wax laga xukumay laftigiisu inuu qanaacad la yimaado, waxa tol yeeshay cadaalad daradii, oo waxaan ku nidhi gudidii noo timid ma  waraysateen dhinacan cabanaayay ee aad la kulanteen mooyaane dhinacii kale, ileen gari laba nin kama-wada qoslisee, qofbaa wax loo xukumay midna waa laga xukumay, qofkii wax laga xukumay cadaalad’darada tolbu u yeeshaa oo waxa uu wataa madaxdhaqameed,xildhibaan, hantiilayaal iyo madaxda dawlada ka tirsan oo u hadla, oo codkiisa kor u qaadi karta, kuwaasu wadada ay doonaanba haw mareene madaxweynaha way la kulmi karaan, laakiin kuwa jilicsan ee wax loo xukumay ma yidhaahdaan xaqaygii maxkamadu way noo xukuntay, oo way mahadsantahay ee  guryahooda ayay hoosta ka galaan.

Dhawaan waxa uu maxaweyne Axmed Siilaanyo uu soo magacaabay gudi heer wasiiro ah oo baadhis ku soo samaysay garsoorka,  haddii aad leedahay cadaalada dalku way wanaagsantahay maxuu maxaweynuu gudida ugu soo diray?

Gudida hawsha uu madaxweynahu u soo magacaabay waxa weeye inay soo ogaadaan tabashada garsoorka iyo geedisocodka cadaalada waxyaabaha carqalada ku noqonaaya, inay daraasad ku soo sameeyaan, markii aan  miiska gudida cadaalada ku kulanay wasiiradaasna waxaanu ku nidhi haddii madaxweynuu  idiin soo diray bal waxa aad noo sheegtaan kiis shaqsi ku dhiban yahay ama mid dawladu ku dhibantahay oo cadaalad daro aan geedna loogu soo gaban xaqiisii lagaga lumiyay.

Cadaaladu kuma sugnaato suuqa oo laga yidhaado cadaalad’daro ayaa laygu xukumay, ee waxay ku sugnaataa inuu qofku maro nidaamka kala sareeya ee maxkamadaha, saddexda garood ee ka bilaamaaya maxkamada gobalka, rafcaanka, ta sarena ku danbaynaaya waxii halkaas ku dhamaaday waa cadaalad allena waxii diin muuqda xukuma ayuu yidhi, waana in lagu qancaa.

Gudidaasuna waa gudi-farsamo loo soo diray, oo iyagu waa wasiiro waana waaxdii fulinta cadaaladana ma xukumi karaan, cadaaladana waxa lagu ogaanayaa go’aanada maxkamadahu sida ay u dhaceen.

Maxadweyne Axmed Siilaanyo hore ayaa uu shirweynii cadaalada uga sheegay in aanu filayn in cadaalad’daro weyni dalka ka jirto, waxaana la sameeyay  isbadal wakhtigaas  aad adigu ku timid, haddana dhawaan waxa uu maxaweynuu ku celiyay in cadaalad daro jirto, isbadalkii maxuu soo kordhiyay?

Maxaweynuu wakhtigaas hore waxa uu ka hadlaayay waxa la soo maray jeelasha waxaanu la arkay maxaabiis jeelsha ku muddo dhaaftay,kuwo badan oo garsugayaal ah iyo qaar dulmi ku xidhan, waxa shaqaynaayay gudiyo nabadgalayo oo waa kuwii madaxweynuu ka saaray meesha markii warbaxinta loo keenay.

Waxa aan u fahanay khudbadii madxweynaha inay ahayd fariin,waanan ku dhaqmaynaa,waxaanan leenahay madaxweyne waad ku mahadsantahay inaad marwalba nagu baraarujiso waxii jira ee aad dareentaba, waxaanay ahayd inaan da’daalka sii kordhino.

Dhawaan gudoomiye waxaad dhaqaysateen dacwad ay idiinsoo gubiyeen ururadii gudida diiwangalintu ay ku dhawaaqeen inay hadheen, hadaba go’aankii dacwadaas goormaad soo saaraysaan?

Go’aanada cadaaladeed ee nalaga sugaayay waxa ay naga soo  baxayaan wiigan soo socda bilawgiisa haddii alle ina gaadhsiiyo.

Ugu danbayntii waxa uu gudoomiyaha maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil Cali, bulshada Somaliland u soo jeediyay inay iska jiraan in ay garsoorka laaluush ku leexiyaan, waxaanu sida oo kale digniin u diray garsoorayaasha maxkamadaha iyo xeer ilaaliyayaashaba “Waxaan ku leeyahay dadweynaha Rooma  maalin laguma dhisin, cadaaladana waynu hagaajinaynaa, idinkuna haku bixinina laaluush xaqiina, waanad ogtahiin laaluushka ka baxiya iyo ka qaataa labadaba in la nacdalay, haku bixiina laaluushka inaad cadaalada ku leexsataan.

Waxan leenahay qofkii si aan cadaalad ahayn waxiisa lagaga qaaday labaabada gudida cadaaladu way kuu furan yahiin, hana qarinina garsooraha xun, ha qarinina xeer ilaaliyaha xun, ha qarinina baadhaha xun, soona gudbiya ka wax isdhaafiyay ee musuqmaasuqa sameeyay oo gudidada cadaalada ku soo hagaajiya naguna eega.

Waxaanad ogaataa inay maanta noo qabsoomeen gudida cadaaladuna ay ansaxiyeen xeerkii anshaxa marinta garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaasha  oo aan hore u jirin, waxaanan leenahay garsoorahu waa inuu ka warqabaa anshaxa la marinaayo, waxyaabha ka reeban iyo habdhaqanka looga baahan yahay, dadweynuuna waa inuu la socdaa xeerkaas oo aan baahin doono.