Hargeysa(Geeska)-Prof.Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in aanu wax dhib ah u quudhayn Somaliland islamarkaana uu difaaci doono inta karaankiisa ah, waxaanu sida oo kalena sheegay in mar danbe uu ka jawaabi doono su’aalo laga waydiiyay bal inuu hogaamiyayaasha Somaliland ka mid noqonaayo.
Prof.Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu aad ugu mahadnaqay guud ahaan Somaliland iyo xukuumadeeda, waxaanu sidan ka sheegay mar uu galabnimadii shalay khudbad u jeediyay ardayda jaamacada Hargeysa oo uu kula balamay in ay dood yeelan doonaan marka uu soo dhamaysto safarka indho indhaynta ah ee uu ku tagaayo gobalada dalka.
Ardayda jaamacada Hargeysa ayaa u qabtay Prof.Axmed Ismaaciil Samatar kulan balaadhan oo soo dhawayn ah, waxaanu ka jeediyay khudbad gaaban oo la xidiidha hogaaminta iyo horumarka dal. Waxaanan halkan idiinku soo gudbin doonaa hadaladii siyaasiga ahaa ee uu khubadiisa ku soo daray Prof.Axmed Ismaaciil Samatar.
Waxa uu ugu horayntii Prof.Axmed Ismaaciil Samatar oo halkaas ka hadlaayay uu yidhi“ Dadka Soomaalidu dawlado kala duwan waa ay yeelan karaan laakiin Soomaalinimada lama sarifi karo sida aan islaamnimada loo sarifi karin, laakiin dawlado kala duwan waa ay yeelan karaan halkan maanta mid ayaa taagan ( Somaliland ), markaas waxaan jeclahay inaan idinku salaamo magaca umadda Soomaliyeed ee Itoobiya, Jabuuti, Maraykan iyo Soomaalida koonfureed ee meel walba jooga.” Prof.Samatar oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Aad iyo aad ayaan mabsuud uga ahay oo aan ugu faraxsanahay in aan imaado Somaliland oo aan idhahayga ku soo arko wadankani waxa uu ku danbeeyay iyo waxa uu noqday, si run ah waxa dalka iigu danbaysay ilaa 15 sanadood markii iigu danbaysayna waxaan imi Gabilay oo aan hooyaday oo xanuunsanaysay iska ag fadhiyay, markaas markaan wadanka soo dhameeyo ee soo dhadhamiyo ee soo uriyo ayay inoo tahay waanaynu balansanahay (Jaamacada Hargeysa). Waxna halkan mahad weyn uga jeedinayaa dawlada oo madaxweynuu uu ugu horeeyo, madaxweyne ku xigeenka iyo wasiir Geeljire oo ahaa qofkii waxan isku qabtay ee isku hayay oo si wanaagsan oo walaaltinimo leh iiso dhaweeyay hawshana ka soo baxay. Horena waan u sheegay oo wax cusub maaha laakiin haddii xoogaa shaki ah uu jiro inaan idiin cadeeyo waa loo baahan yahay, anigu dadka wadankan aan ka imi ee Somaliland waxay qabsadeen wax loogu daro mooyaane in laga daadiyo waxay haystaan aniga kolayba xagayga ka iman-mayso intay taagtaydu tahayna waan daafaci. Waxyaabaha lagu daraayo ee maanta sugaaya sida wax looga qabanaayo haddii qaranimada laga dhabaynaayo oo ay noqonayso mid qotadeeda iyo jirideeda iyo xididadeeda loo dheereeyo waxa ka mid ah in aad iyo aad loo saaro quwad cusub wada jirka dadka ku nool Somaliland iyo midnimadooda in la sii adkeeyo waa lagama maarmaan, hadaynu iska indha tirnana waa ay inaga daadanaysaa iyo in cadaalada lagu dhaqmo.”
Prof.Axmed Ismaaciil Samatar oo mid ka mid ah ardayda jaamacada Hargeysa uu waydiiyay inuu Somalilad ka mid noqon doono hogaamiyayaasheeda ayaa ku jawaabay sidan “ Aniga qof halkan fadhiya oo Somaliland iga xigaa ma jiro, markaas haddii dadkaagu ay wax ku soo moodaan oo ay ka dhabtahay oo aan laguu dabaal joogtaynayn inaad ka fikirtaa waa lagama maarmaan, laakiin taas mardanbe ayaan ka jawaabi doonaa.”
Sida oo kale arday kale ayaa isaguna waydiiyay Prof.Axmed Ismaaciil Samatar inay u qorshaysantahay inuu ka qaybgalo tartanka madaxtinimada Somaliland waxaanu yidhi “ Anigu kamaan fikirin inaan doorasho kaga qaybgalo Somaliland, waan ku faraxsanahay in dadka Somaliland ee aan anigu ka dhashay inay samaysteen siyaasad degan, siyaasadaas degena in fadhigeedu yahay distoor lagu kala baxo iyo in siyaasadii deganayd iyo dastuurkii oo suurto galiyay in tartan siyaasadeed la galo, markaas intaba waan ku salaamayaa wadaniyiinta Somaliland, laakiin anigu inaan ka qaybgali doono doorasho dalka ah iyo asxbaata wali maan goosan faraskaasna wali jeedalkiisii ma haysto.”