Xukuumadda Somaliland Oo La Sheegay In Ay Hakisay Saldhiggii Milateri Ee Imaaraadku Berbera Ka Waday

37
3289

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay hakisay hawlaha saldhiga milatari ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu ka dhisanaysay magaalada Berbera.

Ma jiro war rasmi ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay arrintan, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, uu toddobaad ka hor dawladda Imaaraadka Carabta u diray qoraal uu ku wargelinayo inay hakiyaan wax kasta oo hawlo ah oo ku saabsan saldhigaas oo ay wadaan, waxaana la sheegay in Wasiirku qoraalkiisa ku sheegay in dawladda Somaliland ay dib u eegis ku samaynayso wixii isfaham ahaa ee saldhigaas ku saabsan. Warku waxa kale oo uu sheegay in xukuumadu go’aansatay inay qabsato shirkad caalami ah oo Somaliland kala talisa arrimaha saldhigaas.

Wararka uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya inaanu jirin heshiis rasmi ah oo ay dawladii hore ee madaxweyne Siilaanyo la gashay dawladda UAE oo ku saabsan saldhiga balse la kala saxeexday isfaham guud “Memorandum of understanding” taas oo haddii ay jirto xukuumadda madaxweyne Biixi u sahlaysa in ay dib u eegis ku samayn karto.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo qoraalkan hakinta ah ee uu dawladda Imaaraadka Carabta u qoray ayaanay noo suurtogelin, sidoo kalena waxaanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrintan wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil oo aanu isna weynay.

Hase yeeshee, qoraalkan la sheegayo in Wasiir Sacad qoray ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan ay dawladda Imaaraadka Carabtu shirkadda Divers Marine Contracting LLC qandaraas ku siisay mashruuca dhismaha saldhigan kaas oo uu ku baxayso lacag ay shirkaddani ku sheegtay $ 90 milyan oo dollar. Maareeyaha shirkadda Cabdalla Darwish ayaa saxaafadda u sheegay in shirkadiisu heshiiskaas saxeexday bishii April ee sannadkan sii dhammaanaya.

Baarlamaanka Somaliland ayaa bishii Febarwari ee sannadkan fadhi muran badani ka dhashay waxay aqblabiyad ku meelmariyeen wax loogu yeedhay heshiiska saldhiga Berbera iyadoon la soo hordhigin golaha heshiis rasmi ah oo saxeexan oo ay labada dawladood ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu wada saxeexdeen, waxaana labada gole lagu dhaafiyay ansixinta mashruucan awood dhaqaale iyo mid dawladeed. Mucaaradka Somaliland ayaa in badan ku dooday inaanu jirin heshiis rasmi ah oo ay labada dawladood kala saxeexdeena.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here