Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Magacaabay Danjiraha Bedelaya Ergaygiisii Hore

48
3472

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa danjire Nicholas Haysom u magacaabay inuu noqdo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaalida islamarkaana madax ka noqon doona xafiiska UNSOM.

Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxa lagu xaqiijiyay in Nicholas Haysom uu bedlei doono ergaygii hore danjire Michael Kating.

Diblomaasigan oo dhashay sannadkii 1952 una dhashay dalka Koonfur Afrika, wuxuu ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan iyo Koonfurta Suudaan oo uu hayay ilaa sannadki 2016, waxaanu sidoo kale madax ka soo noqday xafiiska Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan.

Danjirahan bedeli doona ergaygii hore ayaa lagu tilmaamay nin khabiir ku ah xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee wadamada ay dagaaladu aafeeyeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here