Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Maamulka Hawada Somaliland Ee Somaliya Lagu Wareejiyey

50
4455

Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga UCID Prof:Cali Saleebaan Maxamuud, ayaa ka hadlay Maamulka Hawada Somaliland iyo Somaliya, ee Dawladda Somaliya lagu wareejiyey, waxaanu sheegay inay khalad tahay in heshiiskii ahaa in labada dalba maamulaan maamulka hawada in si gaar ah loogu wareejiyo Somaliya, waxaanu xusay in Somaliland la gudboon tahay inay arintan kala xaajooto Qaramada Midoobay iyo Hay’adda ICAO, ee gacanta ku haysay maamulka hawada laba dal.

Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga UCID Prof:Cali Saleebaan Maxamuud, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi“Somaliland iyo Somaliya waxa jiray heshiiskii Turkiga ka dhacay oo dhigaayey in Maamulka Hawada dib loo soo celiyo, laakiin sidaasi ima muuqata waa wax ka duwan wixii lagu heshiiyey, waana wax heshiiskii Turkiga dhaawacaya, heshiiskaasina wuxuu dhigaayey in Somaliya iyo Somaliland maamulka hawada lagu wada wareejiyo, si midaysana loo wada maamulo, qalabka lagu rakibay Muqdisho, in Hargeysana lagu rakibo ayuu heshiisku dhigaayey, laakiin in wixii ay Somaliya gaar u maamulatay, oo ay gaar iskugu duba ridatay Xisbi ahaan khalad ayaanu u aragnaa, oo qaranimadii Somaliland ayuu aqbad ku yahay, heshiiskuna uu jabay, anagu Xisbi UCID ahaana waanu cambaaraynaynaa, Xisbi ahaana waanu ka soo hor jeednaa, imikana Somaliland waxa la gudboon in lala hadlo Qaramada Midoobay iyo Hay’addii gacanta ku haysay Maamulka Hawada, oo heshiiskii la hor dhigo, oo lala doodo, oo khubarana la adeegsado, oo si toos ah aanay ula hadal Somaliya ee ICAO, toos ula hadasho, ”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here