Xildhibaano KULMIYE Ah Oo Ka Horyimid Muddo Kordhintooda Cusub, Tilmaamayna Inay Is Casili Karaan

0
724

Xildhibaan Balaaki iyo xildhibaan Ducaale oo dareenkooda cabiray

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale iyo Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaak), ayaa ka soo horjeestay muddo kordhinta ay golaha guurtidu u sameeyeen golahooda, waxaanay sheegeen inay kuraasida banayn doonaan haddii lala qaato.

Xildhibaan Ducaale iyo xildhibaan Balaaki ayaa shirjaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa, waxay ku sheegeen in golaha guurtidu ka talaabeen is afgaradkii xisbiyada ee qabsoomida doorashada golaha wakiilada oo ahaa inay qabsoonto 2018, balse ay guurtidu ka dhigeen 2019. Xildhibaanadan oo u muuqda inay dareensanyihiin aragtiyaha bulshadu ka qabto golahooda oo 11 jir ku ah aqalka loo soo doortay inay fadhiyaan 5 sannadood, ayaa waxa ay golahooda u soo jeediyeen talooyin. Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki ayaa ugu horayn yidhi, “Ka xildhibaano ahaan sida aanu qabno waxaanu  ka xunahay in wixii lagu heshiiyay ay wax ka bedeleen oo ah golaha wakiilada ay wax ka bedel ku sameeyeen sidii lagu soo heshiiyay aniga iyo rag kale oo ila mid ahina waxaanu hadda wadnaa oo rabna bal inaanu deegaanadii lanaga soo doortay aanu wax ka weydiino oo haddii ay nala qaataan aanu banayno si aanu umadda u tusno inaanaan ku sii dheganayn golahan aanu mudada dheer fadhinay. Golahalayaga laftiisa ayay ceeb ku tahay, haddii ay nala qaataan dadka na soo doortay, oo xataa haddii ay nagu qaadanayso oo goluhu ogolaadaan inaanu is casilno si aanu umadda u tusno inaanaan ku dheganayn.”

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, ayaa isna sheegay inuu saaxiibkii xildhibaan Balaaki la qabo dhaliilaha iyo canaanta golahooda ku waajahan, waxaanu golahooda u soo jeediyay inay xaaladda uu goluhu hadda ku suganyahay wax ka bedelaan, “Goluhu inuu xaaladiisa wax ka bedelo ayuu u baahanyahay, inkastoo doorashooyinku mushkiladooda leeyihiin haddana cananataas waan la qabaa saaxiibaday.” sidaas ayuu yidhi xildhibaan Ducaale.