Xildhibaano Ka Tirsan Wakiilada Oo Xukuumadda Uga Digay Inay Dastuurka Dalka Baalmarto

46
3386

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), iyo Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa tilmaamay in aan cidna la yeeli doonin sharci daro iyo ku xad gudubta shuruucda iyo dastuurka Somaliland, xilli Xukuumaddu wado qorshe ay lacag kaga qaadayso Gaadiidka kala duwan ee dalka, si lambaro cusub loogu sameeyo.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), iyo Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), uu hadalkiisa ku bilaabay “Guddiyada Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladu arintan waanu ka hadalnay, runtiina dalku wuxuu leeyahay shuruuc, dastuur iyo xeerar, talaabo kasta oo la qaadayana waa in la raaca Xeerarka iyo Dastuurka,xeerar cad iyo qodobo Dastuuriya ayaa sheegaya nidaanka loo marayo Tacriifada iyo Cashuuraha, ee ma jiro lacag sabab la’aan loo qaado, anagu Guddi Dhaqaale ahaan iyo Guddida Joogta ah ayaa arintan ka balansan, haddii ALLE yidhaahdana Sabtida ayaanu isaga imanaynaa”.

Xildhibaan Xasan Karaama oo isna ah Guddoomiyaha Guddida Cadaalada ee Golaha Wakiilada oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Waa cadaalad daro, oo waa khalad in lacag aan Barlamaanka la soo marin, oo Goluhu ogeyn in Xukuumaddu iska sharciyeysato, waxaynu dal ku nahay, waa sharciga, haddii Sharciga iyo Dastuurka la jabiyana, waa dhibaato, ee anagu marnaba raali kama nihin, mana ogolaanayno in dadka laga qaado lacag qayrul sharciya ama qayrul dastuuriya”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here