Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Is Casilo Oo Saylici Xilka Ku Wareejiyo

54
1221

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay inuu xilka ka dego si shacbiga Somaliland looga badbaadiyo sicir bararka iyo xaalada adag ee soo foodsaartay wadanka.

Waxa uu xildhibaanku dhaliilo u soo jeediyay masuuliyiinta xukuumadda ee

madaxweynaha la shaqaysa oo uu ku tilmaamay kuwo dalka aan u tudhayn, waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi warbaahintu ay su'aalo ku waydiisay isaga oo ku sugan xarunka golaha baarlamaanka ee dalka, xildhibaan Siciid oo arimahan ka hadlaayay waxa uu yidhi "Xukuumadii umaddan ka nixi lahayd ma joogto, waxa joogta xukuumad indho la' oo ka shaqaysanaysa oo aan dhargayn, hadhuubkeeduna buuxsamayn, waligeen maynaan arkin noocaas oo kale, rag badan ayaa yidhaahda cidii aynu dooranay meesha ma xukunto, madaxweynaha waxaan kula talin lahaa cimrigii inyar ayaa kaaga hadhay Alle ayaa hayee laakiinse magacaagii ku dhimay dalkan, taariikh xumo ayaanad kaga tagaysaa haddii aad sii socotid iska casil dalkan madaxweyne sidaas ayaa kuu dhaanta oo kuu khayar roone, ugu yaraan ayaxan iyo diirtan ku hoosjoogtaa ha dhimatee oo umaddu ha nafistee, oo ninkaas lagula soo doortay isba waa madaxweyne ku xigeenkii oo isaga ayaa talada leh ee ku wareeji oo doorashada ha qabto, kuwani doorashana qaban maayaan oo maalintii Alle keenaba waxa la soo samaystaa shan kun oo jababac leh, cid is xisaabinaysaa ma jirto goor baa ugu danbaysay ma jirto, baanan gaar ah ayaa la buuxsaday oo lacagta soo qaata, waxaan ka baqayaa in maalin dhow ay dadku nagu gadoodaan gaar ahaana labadayadan gole iyo madaxtooyada shacbigu sidan sii eegan karimaayo."

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Burco waanagii tagnay askar cadhaysan ayaa igu qabsatay oo leh waxba noomaydun qaban, shacbigii, ciidamadii, kuwa aaga sare jooga ninka 300 oo kun qaata ama 500 kun muxuu maanta cunayaa anagii ugu mushaharka roonayan ayaa khadyaan taagan oo ay masaariiftii naga go'aysaa oo kadeedan, bal kan aan uba xaadirina maxaad u malaynaysaa, cid umadaas ka naxaysaa ma jirto, qabyaaladii ha dhacdo, Kulmiyena ha dhaco, waxa noocaas u shaqaynayaa kiisa kale ee yimaadaana waa wadadaas uun, dalkani isbadal barako qaba ayuu u baahan yahay,barigii aanu Kulmiyaha ahayn isbadal ayaanu dooynaa ayaan idhi laakiin mid khayr qaba ayaanan ku darin maanta waxaan leeyahay Alle mid khayr qaba oo wadanka maansheeya."

 

Comments are closed.