“Waxaanu Soomaali Iyo Cid Walba Ula Socona Nabad, Ciddii Nabadda Diidda Ee Loo Tag Waayana, Waanu Edbinaynaa”

60
5595

Caynabo(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa gacan nabadeed u taagay maamul gobaleedka Puntland waxaanu dhaliilo kala duwan u jeediyay xukuumada Farmaajo oo uu ku tilmaamay inay tahay mid hurinaysa dagaalo.

Waxa uu madaxweynuhu ka hadlay socdaalkiisii gobalada bariga Somaliland oo dadka reer Caynaba uu kala hadlaayay meel fagaare ah, ka dib markii magaalada si diiran ay ugu soo dhaweeyeen waxaanu sida oo kale sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan ciddii nabada diida.

Madaxweyne Biixi oo ugu horayntii ka hadlaayay baqdin ay Puntland ka qabto socaalkiisa waxa uu sheegay“Waxa war soo saaray dawlad gobaleedka Puntland golaheeda wasiirada oo ay leeyihiin madaxeynaha Somaliland waxa uu Laasacaanood iyo Sool ugu soo socdaa inuu colaad,ciidan iyo cabudhin ka keeno, waxaan leeyahay taasi waa xaasha, dadka reer Sool kuwo la cabudhin karo maaha Ingiriiskiiba iyaga ayaa iska celiyay waa dhashii daraawiishtoo xoog iyo hanjabaad loolama tago walaaltinimo iyo maxaynu yeelnaa ayaa loola tagaa.waxaanu leenahya Soomaali maanta uma baahna cabudhin xoog iyo dagaal way ka daashay waliba dawlad gobaleedka Puntland iyo Somaliland dagaal iyo colaad hore kama dhaxayn waana isku xaalad oo labaduba xaalado badan oo abaareed dhiban oo dhaqaale iyo biyo la’aan ayay haystaan,inaga oo colaad iyo balaayo isku abuurna malaa waxa ka wanaagsan inaga oo iswada kaashana, muranka qudhaata ee naga dhaxeeya maamul gobaleedka Puntland waxa weeye anagu waxaanu aaminsanahay in xadkii Ingiriiska iyo sida Afrika oo dhami ay tahay in Somaliland ay maamusho oo wax ka qabto oo ay nabad iyo barwaqo hesho, qolada Garoowana waxay yidhaahdeen si isir ah aan wax u maamulno, haday waxbu intaas tahay inaan rag isaga layno oo aan agoomo ku abuurno, oo hooyooyin ay ku goblamaan aniga ilama aha intaasi waa in hadal lagu dhamayn karo,in sanad ahna waxaanu la taagnayn walaalayaal nabad ku wada doodno.”

Waa uu sii watay madaxweyne Biixi hadalkiisa“Puntland waxba nama dhex yaalaan dadka Puntland-na waxaanu u naqaanaa dad gob ah oo talo qabeen oo madax ah oo aan dadka ku ciir ciirin, qoladan dhalinarada ah ee imika xukunka haysa wasiirada ahi, bal sidii awoowyaashood iyo boqoradu ay u dhaqmi jireen haw dhaqmeen oo miyirka ha soo celiyeen, gacan nabad ah ayaanu u fidinaynaa Puntland.“

Waxa uu fariin u diray xukuumada Farmaajo“Cida aynu is hayno ee dhibaato ka taagan tahay waa maamulka Muqdisho jooga imika waa dawlada uu hogamaiyo Farmaajo, waa nasiib daro markii la doortay nin dhalinyaro ah inuu Somaliya mideeyo oo Xamar u dabaal degtay oo gobalada Somaliya oo dhami ay u dabaal degtay ee la yidhi maskax fayow oo horumar ah ayuu la imanayaa waxa ayaan daro ah in dabka ka kacaaya Somaliya aanu horeba uga kicin. Kismaayo ayuu ku duulayaa Farmaajo,Baydhabo ayuu ku duulayaa  oo qaylada ka taagan aad maqlaysaan, waxa aad maqlaysaa ta ka taagan Dhuusa-mareeb iyo cadaadlay, waxa aad arkaysaa Gaalkacayo oo qaybsan waxaad arkaysaa Puntland oo sida ay uga cabaynayso aad maqlayseen, intaas marka uu la dagaalamay waxa uu yidhi Berbera waa inaan la dagaalamaa oo caalamku ila qabtaa, waar ninkan Soomaali magaalo magaalo ula dagaalamaya ayaanu leenahay allow sharkiisa idinka ururi oo aynu u baahanay inaan u caqli celino, hadii loo caqli celin waayana layska qabto anagu Puntland iyo Garoowe uma soo socono mana qaxinayno, mana rabno inay dhibaato gaadho, waxaan ku soo koobayaa masiibada Somaliya maanta u taagan waa dawladaas Farmaajo ee Xamar joogta ee Xamar iyo Somaliya isku gubtay Somalilandna u soo hanqaltaagaysa. Waxaanu u sheegaynaa Somaliland way ka madax banaantahay Somaliya waxaanay ku goosatay gacanteeda, hadana kala madaxbanaanahayna  colaad iyo xumaan iyo weerar midna naguma jiro, taariikhda waxii dagaalo dhacay waa ay dhamaadeen, dad ciilqabana ma nihin laakiin waxaanu ka yaabnay kuwii hore waxii ay sameeyeen kuwan ka waalan ee Xamar fadhiya imika Somaliya oo dhana gacan labaad ayaanu u taagaynaa, waxii dhibaato ahna hadal halagu xaliyo ayaanu leenahay, aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin reer Caynabo iyo gobalka Saraar, waxaanu u soconaana Soomaali iyo cid waliba nabad ayaanu la doonaynaa cidii nabad diidana ee loo taag waayana waanu edbinaynaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here