Wasiirka Caddaaladda Oo Ka Waramay Xabaalo Wadareedyo Shalay Laga Helay Hargeysa

27
2883

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Eng Cabdiqani Maxamud Cateeye ayaa shalay ka qayb galay xabaalo wadareed laga helay magalaadda Hargeysa gaar ahaan Degmada Axmed Dhagax, dadkaas oo uu xasuuqay taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Bare

Munaasibadan oo ay kasoo qayb galeen Wasiirka Caddaaladda JSL Eng Cabdiqani Maxamud Cateeye, ,Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID, Eng Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Degmada Axmed Dhagax Cabdinasir Xasan, Gudidii hore ee Xasuuqa, Dhakhaatiira oo ka socotay 12 dal oo ku takhasusay baadhista Xasuuqa ugu horayn waxaa halkaas qudbad ka jeediyay wasiirka Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Eng Cabdiqani Maxamud Cateeye  “Maanta [shalay] oo ay taariikhdu tahay 10ka bishii 3aad ee 2018 waxaynu halkan ku xaqiijinayaa xabaashii 12aad ee si wadar ah loogu xasuuqay muwaaidiinti u dhalatay dalka jamhuuriyadda Somaliland xilligii uu socday tacaddigii xukunkii macangagga ahaa ee arxan laawa ahaaa ee uu ku bartilmaameedsaday dadka reer Somaliland. Shuhadadan aan faataxada u marno marka u horeeysa. Waxaan umahadnaqayaa cid kasta oo xaqiijinta xabaashan ka qayb-qaadatay waxaanna ka dawlad ahaan rumaysannahay in ay tahay cadayn nool oo tilmaamaysa dhacdooyinkii xasuuqa ahaa ee loo geystay dadka reer Somaliland 1988kii.

Waxaan halkan farriin uga dirayaa guud ahaan muwaadiniinta jamhuuriyadda Somaliland isla markaana xasuusinayaa in falkasta oo arxan darro ahaa oo loo geystay dadkeenna ay noqonayso taariikh lama ilaawaan ah oo xasuus aan duugoobin u reebta jiilasha danbe ee ina beddelaya.
Waxaan kale oo aan halkan ku bogaadinayaa guud ahaan muwaadiniinta in aynu dad ahaan qaadannay go’aaankii ugu saxsanaa ee aynu kaga falcelin lahayn falalkii arxandarada ahaa ee loo geystay dadkeenna isla markaana ahaa la soo noqoshadii dalwadnimadeenna oo aynu maanta karaamo iyo milgo dawladeed ku haysanno.

Waxaan kale oo dadka muwaadiniinta reer Somaliland xasuusinayaa in wali cadawgeennu ilka dhiigle inoogu soo haliilayo oo habeen iyo maalinba u taagan yahay hagardaamaynta qarannimadeenna.

Aniga oo ka duulaya jawaabtii dhaxal-galka ahayd ee madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi u diray maamulka muqdisho waxaan cadaw kasta oo dalkaygu leeyahay xasuusinayaa haddii madaxweynahayagu shalay hormood ka ahaa halgankii dalkayaga lagu xoraynayay oo uu ku suntanaa qaybna ka ahaa halyeeyayadii gobonnimada dhaliyay in ay waajib I saaran igu tahay in aniga oo ka mid ahaa ubadkii 1988 hooyooyinku kala qaxeen magaalooyinka Somaliland in aan cadawga jamhuuriyadda Somaliland meel uu joogaba diyaar u ahaado in aan ka difaaco.

Imikana waxaad bilowdeen in aad hor istaagtan horumarkayaga,waxaan idin lee nahay sameeya waxaad samayn kartan. Laakiin ha ilaawina inaan la dhalanay guusha. Waxaan kaloo idin lee na yahay Somaliland waa xor,Horumarkayagana xor Ayaan u nahay ,weedhahaa aan idin kula hadlaayanana xor Ayaan u nahay laakiin farmaajo iyo khayrow idinku la haaystayaal ayaa tihin.

Waxaan bulshada caalamka la socodsiinaynaa in xasuuqii dadka reer Somaliland loo gaystay ahaa falal ay waajib tahay in caddaaladda la hor keeno oo lagu ciqaabo dhibaatadii ay gasteen arxan lawayaashu. Gebagabadii, Caalamka midh kale Ayaan lee nahay waa inay ictiraafaan Jamhuuriyadda Somaliland madaama ay arkayaan halka aan ka la joogno anaga iyo arxan laawayaashu Dawladda Somaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here