Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Oo Xisbiyada Mucaaradka Ah Ku Dhaliilay In Aanay Jeclayn Guulaha Dalka

0
1798

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa xisbiyda mucaaradka ah ee Somaliland ku eedeeyay kuwo neceb guulaha Somaliland, waxaanu tusaale ugu soo qaatay inay Somaliland tartanada caalamiga ah qaban karto tartankii oradka ee shalay markii labaad lagu qabtay Somaliland.

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed  Kaahin Axmed  isaga oo ka khudbadaynaayay tartankii oradka ee shalay lana hadlaaya xisbiyada mucaaradka waxa uu yidhi “Waad maqlayseen qolyahayaga  xisbiyada qaarbaa lahaa Somaliland tartan noocan ah laguma qaban karo, waa qaar neceb guusha Somaliland, miyaan lagu qaban miyaynaan u taagnayan, miyaan dadkaas ajaanibka ah ee dalalka ugu waaweyn ee  Yurub  iyo jaarkeena Jabuuti iyo Itoobiya inagala soo qaybgalin, hore ayaynu u soconaynaa ninkii dib u socinayaa isagay jirtaaye.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here