“Wasiiradda Marka La Ansixiyo Kadib Ayey Dhaartu Waajib Ku Tahay, Sida Uu Sharcigu Dhigayo”

49
3175

Siyaasi Cabdillaahi-jawaan

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee ugu horeeyey Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan),ayaa ka hadlay dhaartii Madaxtooyada lagu dhaariyey Wasiiradda dhawaan la magacaabay, waxaanu sheegay in Maxkamadda sare oo qudhi ay xaq u leedahay in Wasiiradda ay dhaariso, cid kale oo xaq u leh, oo Dastuurku siinayaana aanay jirin.

Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee ugu horeeyey Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Wasiiradda marka la ansixiyo kadib ayey dhaartu waajib ku tahay, sida uu sharcigu dhigayo, Wasiirku inta aan la ansixin uu sii shaqayn karaa, laakiin dhaartu waa marka la ansixiyo kadib, Wasiir la dhaariyey haddii la ansixin waayo, oo la eriyo waa ceeb,  maxaana loo dhaariyey haddii aan la ansixinba, Maxkamadda sare ayaana Dastuurku siiyey oo dhaarinaysa Wasiiradda cid kale oo dhaarinaysaana ma jirto”.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa mar uu ka hadlaayey Miisaaniyadda ayaa yidhi “Miisaaniyadda kolay waxa sii diyaarisay Xukuumaddii hore, balse Xukuumaddan ayaa laga rabaa in wixii ka dhinaa ay halkaas ka sii anba qaado, Golaha Barlamaankana hor keento, inta aan la keenina kolay miisaaniyadii hore ayaa lagu sii shaqaynayaa, waxaan se muhiim ah in sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro, Golahana loo hor geeyo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here