Wasiir Sacad Oo Dunida Ku Canaantay Aqoonsi La’aanta Somaliland

1
1534

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ku canaantay beesha caalamka inaanay taageerin nabadgelyada iyo dimuqraadiyadda ay Somaliland hirgelisay, balse ay taageeraan qalalaasaha iyo nabadgelyo xumada.

Wasiir Sacad oo u waramay wargeyska lemonde ee faransiiska ka soo baxa, wuxuu sheegay in dunidu u muuqato inay iska indho tirayso horumarka Somaliland, “Beesha caalamku ma aqoonsana dedaalkayaga iyo gacanta aanu ka gaysano nabadgelyada iyo degenaanshaha gobalka.” ayuu yidhi Wasiir Sacad oo intaas raaciyay, “Laakiin waxay aad u  abaalmarin siiyaan oo ay taageeraan dawlad xumada.”

Wargeysku wuxuu sheegay in maqnaanshaha iyo awooda aanay Somaliland u lahayn inay la macaamisho sida hay’adda IMF oo kale ay caqabad ku yihiin  horumarka nolosha shacabka reer Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here