Wada Hadaladii Saddexda Xisbi U Socday Oo Burburay Iyo Mustaqbalka Guddiga Doorashooyinka Oo Noqday Qodobka Lagu Kala Kacay

33
3393

Hargeysa(Geeska)-Wada hadaladii u socday labada xisbi mucaarad iyo xisbiga haya talada dalka ayaa burburay, waxaana hakad galay wada shaqayntii labada dhinac. Waxa sidaas ku dhawaaqay labada xisbi mucaarad, iyadoo ay goob-joog yihiin labada guddoomiye ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Kulan ay labada xisbi mucaarad shalay ku qabsadeen xarunta xisbiga UCID, ayaa waxay ku sheegeen in xisbiga KULMIYE burburiyay wada hadaladaas, isagoo  wax dabacsanaan ah ka muujin waayay sida ay ku doodeen arrimihii la isku hayay oo uu xisbiga UCID sheegay inuu soo jeediyay qodob dhexdhexaad ah. Burburka wada hadalada ayaa salka ku haya in komishanka doorashada la kala diro ama in tiradooda laga dhigo 9 xubnood.

Murashixii madaxweyne-xigeen ee UCID Axmed Cabdi Abyan oo saxaafadda kula hadlay madashaas, ayaa yidhi  “Xisbiga UCID wuxuu soo jeediyay si aragtiyaha la isugu soo dhaweeyo oo uu ku dhexdhexaadinayay soo jeedin hore u jirtay ayna qabeen KULMIYE iyo UCID markay mucaaradka ahaayeen oo ah in komishanka laga dhigo 9 xubnood si asxaabtu u soo magacaaban karaan laba, laba halka ay hadda ka magacaabaan xubin, xubin, labadaas soo jeedin xisbiga KULMIYE wuu diiday in komishan la kala diro oo ah aragtidii Waddani iyo soo jeedintii UCID oo ahaa in la kordhiyo komishankana way diideen, masuuliyadda arrintaasi waxay saarantahay oo eedeeda qaadaya kulmiye iyo xukuumadda. Doorasho aan loo dhamayn oo asxaabtu u dhammayn wadanka ka qabsoomi mayso, qodobka labaad annaga albaabadayadu way furanyihiin, wada hadaladuna way hakadeen sababtana waxa iska leh Kulmiye oo aan wax tanaasul iyo dabacsanaan ah ka muujnin mawqifyadiisii.” Sidaas ayuu yidhi masuulkaas xisbiga UCID ka tirsani.

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo isna u hadlay xisbiga Waddani ayaa yidhi  “Inooma cusba in komishan la kala diro hore ayaa loo soo kala diray iyadoo ay weliba doorashooyin sanka inagu soo hayaan oo diiwaangelin ay qabteen ayaa la kala diray 2008 komishankii, markaas kan waxa loogu dhegay waxaan la garanayn, sababta loo kordhin la’yahay wax la qaadan karo maaha oo mar walba aan siidhi wadaha kaaga badsado iyana wax meesha taala maahee haddii xaaladaha hore waxa lagu sii daayaa ay jiraan maalin walba inay sidaas ku socoto dalka, cadaaladda iyo dimuqraadiyadda midna uma wanaagsana, marka xisbiyadu tartamayaan in la yidhaahdo qolana 5 hala timaado qolana 2 cid walba way dareemi karaysaa, markaas labadaas mawiqf ee Waddani midna doorashadii midna uu  komishankii iska taagay qoraalna uu ugu gudbiyay daneeyayaasha oo madaxweynuhu kow ka yahay;  markay eedaymo caynkaas ahi guddiga doorashooyinka ka yimaadaan inuu guddi baadhiseed u xilsaaro oo waxay la timaado dabadeed ku go’aan qaato, lixdaas bilood madaxweynuhu talaabadaas ma qaadin, markhaatiga uu u furay ee uu yidhi komishanku way wanaagsanyihiin hawl wanaagsan ayuu qabtay, cabashada laga soo qorayna sharciga ma waafaqsana oo xeer ay ku fadhido iyo wax uu u caskaday aanay jirin. Iyadoo duruufahaasi jiraan labada xisbi mucaarad danta qaranka kamay tagin , kulamo badan oo ka dhacay madaxtooyada way ka soo qayb galeen oo arrimaha qaranka ay talooyin wax ku ool ah ka soo jeedinayeen kulamadaas ayuu ku yimid in doorashooyinkii oo u eg inay xiligoodii dib u ga dhacayaan in laga wada hadlo qaabkii diyaar garow loogu geli lahaa arrimahaas doorashoyinka.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here