Siyaasi Cumar Nimcaale Oo Taageeray Heshiiska Dekedda Berbera, Una Jawaabay Soomaaliya

57
4114

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Col. Cumar Maxamuud Nimcaale ayaa  taageeray heshiiska saddex geesoodka ah ee Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ay ku wadaagayaan dekeda Berbera iyo balaadhinteeda, Cumar Nimcaale ayaa sheegay in Itoobiya oo is buuxda u adeegsata dekeda Somaliland ay ka dhigantahay in Somaliland ka faa’iidi doonto dhaqaale aad u buuran.

Waxa uu Cumar Nimacaale raysal wasaaraha Somaliya ku dhaliilay in aanu lahayn awooda uu sheeganaayo ee ah in aan heshiiskaas waxba ka soconayn, waxaanu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaana ugu horayntii isaga oo heshiiska ka hadlaaya uu yidhi “Heshiiska anigu waan taageersanahay, waligayna waan taageersanaa arinta dekeda, markii itoobiya soo gashayna aad iyo aad ayaan u taageeray sababta oo ah, Itoobiya waa umad faro badan oo waa meesha kaliyaata ee aynu xukuudka wada leenahay ee aynu imika isku furanahay, waana suuq weyn, waxa inooga soo baxaaya dhaqaale xoog weyn marka ay dekedeena isticmaalaan intaas oo milyan oo qof, Itoobiya waan jeclahay in xidhiidhkeenu sii kordho oo uu sii bato oo meelo sii waaweyn uu sii gaadho, sababtuna waxa weeyaan qofka aadamaha ahi waxa uu raganimo ku leeyahay ninka marka abaal loo galo abaalkii guda, ninka wax yeelana ka aargoosta, Itoobiya abaal weyn ayay inagu leedahay oo markii aynu la dagaalamaynay Soomaaliya ciidamadeeda; waa kuwii ina siiyay saldhigyada, hadaanay saldhiyadaas ina siin maantana halkan maynu joogneen dekedana lagama hadleen.”

Cumar Nimcaale oo raysalwasaaraha Soomaaliya la hadlaayay waxa uu yidhi”Ta’ Raysalwasaaraha markii mikirifoonka lala dhex maraayay dadka dad badan ayaa hadalo xun xun ku lahaa, kuwo badan ayaa diidanaa,anigu isaga ayaan u naxayaaba waaba waxaan ku eedeeyo’ee, waayo nin raysal wasaare ah oo umad dhan madax u ah oo aan taariikhdii Somaliland iyo Soomaaliya garanayn ma fiicna, waxaan leeyahay waar dib isugu noqo oo taariikhda dib u eeg adigu Somaliya ayaad sheegtay 1 Julay 1960 kii markii aynu is raacaynay waxa kaliya ee lagu heshiiyay waxa uu ahaa idinku Soomaaliya ayaad tihiin la bixi mayno anaguna Somaliland oo ma ogolidin ee Somali Republic aynu la baxno, si saddexda maqanina ay magacaas inoola wadaagto, adeer taas miyaadan ogayn, haddii aanad taas ogayn sabab aad u noqoto raysal wasaare oo aad umad dhan u hagtid aniga iima muuqato, markaad lahayd Itoobiya,Imaaraadka iyo Somaliland waxay kala qorteen waxba kama jiraan anigu waaban kugu qoslay, sababta oo ah awooda aad u sheeganayso ee aad ku joojinaysaa waaba maxay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here