Siyaasi Buubaa Oo Ka Hadlay Hawada Lagu Wareejiyay Dawladda Soomaliya

24
3198

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay Maamulka Hawada Somaliland ee Somaliya lagu wareejiyey, waxaanu sheegay inay adag tahay in Somaliland oo wali aan aqoonsi caalamiya helin in aan Maamulka Hawada lagu wareejin karo, waxaanu ku taliyey inay Xukuumaddu dhabihii ay aqoonsi kaga heli lahayd Beesha Caalamka raadiso.

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Saldhiga Milatari ee Imaraadka Somaliland laga siiyey, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay Maamulka Hawada“Waxaynu nahay Dawlad aanay wali Dunidu dal ahaan u aqoonsan, Dal aan la aqoonsanayna Qaramada Midoobay Maamulka Hawada ma siiso, waxaana Hawada la mid tahay sida furaha aynu isticmaalo ee +252, waana sidaas oo kale, oo Baananka, Hawada, Basaboorada, Telefoonada iyo waxyabahaas oo kale ilaa iyo aynu aqoonsi buuxda aynu ka helno Caalamka, sidaas ayey ahaanaysa, ee waxa inala gudboon in xoriyadii iyo madax banaanidii lixdankii luminay inaynu si wanaagsan ula soo noqon, oo aynu Caalamka ka raadsano Aqoonsi, walibana Aqoonsigaas aynu u marno dariiqii ugu haboonaa, haddii Waddani ahaan aanu Xukunka iman lahayn si dhakhso ah ayaanu iskula fahmi lahayn in Somaliya ay danteena iyo dantoodu ay ku jirto sidii lixdankii ay labada Wadan u kala madax banaanayeen inay kala noqdaan, oo ay kala ahaadan laba dal, oo jaar ah, oo is caawiya, taasna waanu ka rajaynaynaa dawladdan cusub inay dhabahaas qaado”.

Siyaasi Buubaa mar uu ka hadlaayey Saldhiga Milatari ayaa  yidhi “Mawqifka Xisbiga Waddani wuxuu ahaa in aanu haboonayn Saldhiga iyo inaynu dhex galno arimaha noocaas oo kale ah, oo khatar wadanka galin kara, markaas in la hakiyo Xukuumadda waanu ku taageeraynaa, waliba ma hubno in la joojinayo, ee waanu soo dhaweeynaa in la joojiyo”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko in laga daba tago heshiisyadii ay Xukuumaddii hore ay gashay ayaa yidhi “Heshiisyadii ay gashay Xukuumaddii hore aad baa loogu talaxtagay, waana ogsanayn in Xukuumaddii hore ee Kulmiye arimo aad u fara badan in si gaar ah Wasiiraddii meesha joogay ay iskaga maamulanayeen, Xukuumaddani cusubi haddii ay arimihii ku soo jeedsatay oo ay wax ka qabanayso waa mid ay dadka oo dhami ka wada sugayeen”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko kulankii Madaxda Waddani iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku jawaabay “Wey jirtay is arag Madaxda Waddani iyo Madaxweynuhu is arkeen, taasina waa wax la iska garanayo, Xisbiga Waddani-na waa Xisbi culus, mana aha Xisbi la dhayalsan karo, Doorashadiina cod aad u fara badan buu helay, isagoo ah Xisbi aad u da’a yar, oo muddo aad u kooban jiray, insha allaah Doorashada dambena dadaal ayaanu muujin doona, guulna waanu gaadhi doonaa, Doorashooyinka Dawladdaha hoose iyo Barlamaanka ee soo socdana rajo aad u fiican baanu qabnaa, Xisbiguna shaqada halkiisi ayuu ka sii wadi doonaa, codadka aqlabiyadana insha allaah waanu heli doonaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here