Nuxurka Khudbad Ruxday Quluubta Shacabka Oo Uu Madaxweyne Rayaale Jeediyay

53
3656

Hargeysa (Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa talooyin iyo dardaaran u soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo shalay si rasmiya taladda dalka ula wareegay, waxaanu kula taliyey inuu midnimada iyo wada jirka umadda ka shaqeeyo, inaan qabyaalad iyo dan gaar ah loogu soo dhawaan, lana tashado cid kasta oo aqoon iyo waayo-aragnimo uu bido, balse aan magaciisa lagu shaqeeysan.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, oo khudbad ka jeediyey munaasibadii xilka kula kala wareegayeen Muuse Biixi Cabdi iyo Axmed Siillaanyo ayaa sidoo kale ka hadlay Dimuqraadiyada Somaliland ka hirgashay iyo qaabka uu u hirgaliyey, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxaan hambalyeynayaa Madaxweynaha xilka wareejinaya, waxaan kale oo hambalyeynayaa Madaxweyne ku xigeenada  dalka soo maray, waxa kale oo aan hambalyeynayaa wufuuda  qaaliga ah, ee ka yimid dalalka aanu jaarka nahay Jabuuti,Itoobiya iyo Kenya, oo aan leeyahay soo dhawaada, waxa kale oo aan aad u soo dhaweeynayaa martida EU-da, nooga timid, ee Amasadooradu ku jiraan, dhammaantood waxaan leeyahay soo dhawaada”.

Daahir Rayaale Kaahin mar uu ka hadlaayey Dimuqraadiyada Somaliland ayaa yidhi “Waxaan yar taaban doona geeddi socodka Dimuqraadiyadani ku soo bilaamatay, waxa lahaa qorshaheeda iyo barnaamijkeeda ALLE ha u naxariiste Madaxweynihii iga horeeyey ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, nasiib umuu helin Madaxweynahaasi inuu hirgaliyo Doorashadii ugu horeeysay, ee nidaamka beelaha lagaga gudbaayey, ee loogu gudbaayey nidaamka Xisbiyada, wuxuu geeriyooday 3 may, Pretoria, ayuu ku geeriyooday, maalintii uu geeriyooday markii la ii soo sheegay, waxaan iskugu yeedhay shir gudoonkii labada Gole iyo Golihii Wasiiradda, waxaana u sheegay inuu Madaxweynihii geeriyooday, ka bacdi waxa la akhriyey Dastuurkii, isla markiiba waxa la ii dhaariyey Madaxweynaha, taas oo iyada laftigeedu mucjiso ahayd, oo Wadamada Caalamku la yaabeen is bedelka aynu sameeynayno, iyagoo ka shakisnaa maxaa dhici doona haddii Madaxweynahoodii geeriyooday, waxa xusid mudan kalmad aan maalintaas halkaas ka yidhi “Madaxweyne Cigaal wuu geeriyooday oo cidnaba hiil ugama baahna maanta, oo illaahiisii ayuu la jooga, laakiin waxa qudha ee aynu ugu hiilin karaynaa waa inaynu sii wadno wixii uu ka tagay, oo aanay halkaas ku burburin”.taas oo aan uga jeeday Doorashada iyo Dimuqraadiyada, in la sii wado, 6 may ayaa ALLE ha u naxariiste Berbera lagu aasay, aad baynu u qaybsanayn barigaas oo Mucaarad weyn baa jiray, oo Guddoomiyaha Guurtidu hoggaaminayo, oo markaas Burco joogay, oo Xukuumaddii markaas aan Madaxweyne ku xigeenka ka ahaa ka soo hor jeeday, laakiin nasiib wanaag Madaxweynihii markii uu geeriyooday dhammaantood, waxaanu iskugu nimid aaskii, heshiis baana ku dhamaysanay amuurahaygii oo dhan, wixii khilaaf ee jirayna halkaas buu nagaga baxay, waxaan markaas balan-qaaday in Doorasho toos ah la qabto, iyadoo markaas la yidhi saddex sanno oo ku meel gaadh ah hay, waxaan diiday in aan maalin ku darsado, oo Doorasho ayaa la galayaa, intii barigaas ka horeeysay Caalamka waxa la inagu qiimaynayey Somaliland, inaynu xooga ka nabad badan nahay walaalahayga Somaliya, laakiin Doorashadii aanu qabanay waxay noqotay, mucjiso fariin u dirtay Beesha Caalamka oo dhan, Barlamaanka Ingiriiska, ayey ahaayeen qolooyinkii inoogu horeeyey ee Wefti inoogu yimid, ee taageera ina siiyey, iyagay ahaayeen, anigana waxay igu marti qaadeen Ingiriiska, halkaas oo qayb Barlamaanka ka mid ah aan ka jeediyey qadiyada Somaliland”.

Daahir rayaale Kaahin mar uu dardaaran iyo talooyin siinayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa yidhi “Maanta waxaan xooggaa dardaaran ah siinayaa Madaxweynaha la doortay, kow Madaxweynaha waxa looga baahan yahay wax kasta oo adeegga inuu Wadanka ka qabto, waxa ugu mudan ee Madaxweyne laga rabo waa isku haynta iyo wada jirka umadda, taas waxaan kula dardaarmayaa Madaxweynaha cusub ee la doortay,Madaxweynihii horena wixii uu qabtay waan ku amaanayaa,waxa kale oo Madaxweyne Muuse Biixi kula dardaarmayaa, isaga iyo ku xigeenkiisa, gaar ahaan Madaxweynaha waxaan kula dardaarmayaa, waa in dadka reer Somaliland ku wada siman yihiin, cid gaar ah oo iska soo qadinta, oo dadka kale ayaanu kaga dhaw nahay tidhaahda, waa in aanay meesha iman, waxa muuqatay ololihii Doorashadiina in aan kaga baxsano beelnimada iyo qabyaalada, qabyaaladu waa waxa ina burburinaya, akhirka, ee ay ka dhammaan la yihiin walalahena koonfurta Somaliya joogta, Xisbinimada in dib loogu dabaalo, oo Xisbinimadu noqoto wax ka sareeya qabiilka,taana waan kugula dardaarmayaa, waxaan kale oo aan kugula dardaarmayaa muddane Madaxweyne inaad la tashado cid kasta oo aqoon leh, iyo cid kasta oo waayo-arag ah, balse ay noqoto go’aanku mid adiga ka soo baxa,waa in aanay meesha jirin cid shaadhkaaga gashata, oo Muuse ayaan ka wakiil ahay tidhaahda, waxaan ku rajaynayaa guul, Madaxweynaha xilka ka dagayana nasiib wanaag iyo caafimaad baan u rajaynayaa”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here