Milicsiga Wargeyska: Madaxweyne; Adiga Ayaa Xalka Lagaa Sugayaa?

51
3863

Madaxweyne; shirkiisa jaraa’id ee uu shalay saxaafadda ku martiqaaday wuxuu ku soo bandhigay caqabado kala duwan oo dalka ka taagan oo ay ugu muhiimsanyihiin is-mariwaaga xukuumadda iyo mucaaradka ee salka ku haya guddiga doorashada.

Mdaxweyne Biixi, wuxuu bidhaamiyay inay adagtahay in doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanku wakhtigooda ku qabsoomaan, isagoo sheegay in diyaar garowga doorashadu u baahantahay wakhti toban bilood ah, waxaanu xisbiyada mucaaradka ku tilmaamay kuwa daldalay doorashada, halka uu isaguna sheegay inuu ka soo baxay waajibaadkii doorashada ka saarnaa.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Biixi soo bandhigay halka ay marayso kala qaybsanaanta bulshada ee ka dhalatay natiijadii doorashada madaxtooyada ee kal hore, waxaanu Madaxweynuhu xisbiga Waddani ku eedeeyay inaanay weli ka samrin doorashadaas oo aanay ku qancin natiijadii doorashada.

Waxa uu madaxweyne Biixi sidii maxkamadaha ama ciidamada dambi baadhista soo bandhigay hadalkii uu Cirro jeediyay markii natiijada doorashada lagu dhawaaqay. Wuxuu Madaxweyne Bixii meesha ka saaray in guddiga doorashada la kala diro, iyadoo ay guddiga doorashadu yihiin xudunta khilaafka mucaaradka iyo xukuumadda.

Shirka jaraa’id ee Madaxweyne Bixii, wuxuu yimid ka dib markii ay mucaaradku toddobaadyo ka hor ku dhawaaqeen inay burbureen wada hadaladii u socday xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, hadalkaas mucaaradka ka dibna lama arag wax kulamo ah oo dhex maray labada dhinac.

Sidaas daraadeed  dad badan ayaa sugayay in Madaxweyne Biixi oo ah hoggaamiyaha qaranku uu keeno xal siyaasi ah oo dib loogu furo wada hadaladaas burburay ee u dhexeeyay xukuumadda iyo mucaaradka.

Laakiin Madaxweyne Biixi,  ka sokow caqabadaha doorashada hortaagan iyo ismari-waaga mucaaradka iyo xukuumadda, shalay muu soo bandhigin xal lagaga gudbi karo dhibaatooyinkan siyaasadeed oo haddii ay sii socdaan culays ku keeni kara qaranka. Waxase hadalka Madaxweynaha ka muuqatay garnaqsi iyo dood.

Madaxweyne; arrimahan aad ka hadashay oo dhami waa kuwo ay bulshadu ka dheregsantahay lana socoto, waxase lagaaga fadhiyaa dariiqii lagaga gudbi lahaa iyo xalkii lagu dhammayn lahaa si looga gudbo oo hore loogu socdo. Waxa Madaxweyne lagaa sugayay inaad xal keento, laakiin Madaxweyne dood, garnaqsi iyo eedayn siyaasi ahi ma soo kordhiso wanaag iyo walaaltinimo, waxase ay keentaa tafaraaruq siyaasi ah.  Cidda laga sugayay inay xal keento oo dadka isu soo ururisaa madaxweyne waa adiga. Hoggaamiye ahaan waxa madaxweyne lagaaga baahanyahay inaad wax badan dhaafsato sidii aad umadda isugu wadi lahayd.

Madaxweyne; adigoo og inaad tahay hoggaamiyaha qaranka, waxa lagaaga baahanyahay inaanad xadhiga giijin; xaaladdana ka dhigin mindi-mindi ku taag iyo in la isu jawaabo, waa inaad keentaa aragti aad soo axadhay oo xal u noqota dhibaatooyinkan aad shacabka la wadaagayso. Madaxweynoow, waxa lagaa sugayaa xal siyaasi ah oo lagaga baxo xaaladahan adigaba kuu muuqda, mucaaradkana waxa waajib ku ah inay wax kasta ka horaysiiyaan danta qaranka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here