Maxaa Ka Jira In Somaliland Loogu Tashaday Shirkii Baydhabo Ee Ay Ka Qayb Galeen Farmaajo Iyo Maamulada Soomaaliya?

0
159126

Hargeysa(Geeska)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dawladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Soomaaliya ay Somaliland ugu tashadeen shirkii dhawaan Baydhabo ugu qabsoomay.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegay in shirkaas wakhtiyadii ay albaabadu u xidhnaayeen ee ay saxaafadu dibada ka joogtay lagaga hadlay Somaliland islamarkaana si weyn loogu faaqiday dagaalka Tuko-raq. Warku wuxuu sheegay in arrinta ku saabsan Somaliland uu shirka soo dhigay Madaxweynaha jubaland Sheekh Axmed Madoobe oo soo jeediyay in mawqif midaysan laga qaato arrimaha Somaliland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo isna shirkaas ka hadlay ayaa ka waramay dagaalka Tuko-raq, isagoo ku dooday in ciidamada Somaliland culays ku hayaan shacabka isaga gudba Garowe iyo Lascanod. Waxa kale oo uu sheegay in ciidamada Somaliland ay culays saareen shacabka Lascanod oo uu ku dooday inay la fikir yihiin shacabka Garowe. Wuxuu Mr. Gaas soo jeediyay in la gaadhay wakhtigii dagaal wejiyo badan lagu qaadi lahaa Somaliland, iyadoo ay dawladda Soomaaliya hormuud ka noqoto dagaaladaas.

Wuxuu kale oo Mr. Gaas sheegay inuu qabo dareen ah in Somaliland ay hoosta kala socoto siyaasiyiin reer Garowe ah oo  uu ku eedeeyay inay ka soo horjeedaan danaha Puntland, waxaanu sheegay in siyaasiyiintaasi doonayaan inay sharaxaan masuuliyiin arrimaha gobalka Sool kala mawqif ah Somaliland oo ka qayb gala doorashada Puntland.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo shirka martigeliyay ayuu warku sheegay inuu isagu soo jeediyay in Somaliland lala xidhiidho lagana dalbado inay ciidamadeeda kala baxdo Tuko-raq, haddii ay diidana markaas go’aan la gaadho, wuxuuse ku taliyay inaan wakhtigan xaaladda la sii adkayn, maadaama oo ay Puntland galayso doorasho kuna sugantahay xaalad dhaqaale oo ciirciiraysa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, ayaa isagu sheegay in si Somaliland looga hortago loo baahanyahay in la midoobo islamarkaana wuxuu Mr. Gaaska Puntland u soo jeediyay inuu la mawqif noqdo dawladda Soomaaliya marka ay timaado arrimaha dibadda, gaar ahaan khilaafaadka wadamada khaliijka.

Ugu dambayn dawladda Soomaaliya ayaa loo xilsaaray inay qaadato doorka dagaalka Somaliland ka dhanka ah Somaliland ee arrimaha dibadda, waxaana laga dalbaday inay culays saarto dawladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay sidii Somaliland loogu qancin lahaa inay ciidankeeda ka saarto Tukoraq, waxa kale oo loo xilsaaray inay xidhidho la samayso wadamada jaarka.

Shirkaas ayaa waxa ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, Raysalwasaarihiisa Xasan Khayre iyo maamul goboleedyada kala ah Puntland, Galmudug, Jubaland, koonfur galbeed iyo Hir Shabeele, waxaanse gebi ahaanba ka qayb siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta Somaliland oo uu Geeska Afrika, isku dayay inuu wax ka weydiiyo inay wax war ah ka hayaan arrintan, ayaa iyagoo ka gaabsaday in magacooda la sheego wuxuu mid ka mid ahi xusay inay la socdaan dhaqdhaqaaqii Baydhabo iyo go’aamadii laga soo saarayba.

Mid ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkaas ayaa nuxur ahaan dhigayay in Puntland lagu taageero saanad iyo hub si ay isaga celiso Al Shabaab. Laakiin dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in dawladda Soomaaliya ee Farmaajo ay qodobkan shirka ugu dartay si Puntland loogu sharciyeeyo in la siiyo hubka deeq ahaan loogu caawiyo dawladda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here